Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiiradda ku jira Fulinta Kulmiye oo Gondaha is-daray

0
55

Madaxweyne Siilaanyo oo u fasaxay xuquuqdooda Xisbinimo inaanay cid-na uga habran

kulmiyeHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay qasriga madaxtooyadda kula Kulmay Raxan wasiiro ah oo ka tirsan Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye iyo xubno kale oo ka tirsan guddidaas, kuwaas oo daba socday jawaab celin ay ka bixinayeen Eedo uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ujeediyey.

Xubnaha Wasiiradda ah iyo xubnaha kale ee ku wehelinayey kulanka ayaa la sheegay in ay Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen qoddobo ay ku difaacanayeen xuquuqda xisbinimo ee Dastuurka Xisbigu u jideeyey, kuwaas oo ay sheegeen in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye duulaan ku yahay isaga oo doonaya in uu sida uu doono ugu takrifalo awoodo aanu lahayn.

Wasiiradda Madaxweyne Siilaanyo la kulmay oo u badnaa kooxda sida weyn uga soo horjeeda Guddoomiye Muuse biixi ayaa Madaxweynaha u gudbisay dood odhanaysa eedaha Muuse Biixi u jeediyey in ay yihiin kuwo uu doonayo in uu kaga dhuumaalaysto nidaamka Xisbiga u yaala iyo qaabka loo doortay guddida qaban qaabada oo ay sheegeen in ay sharci tahay.

Kooxda wasiiradda ah ayaa iska fogaysay in ay dhibaato gaar ah ku hayaan Guddoomiyaha, waxaanay ku doodeen Eedaha uu u soo jeedinayo in uu Cadaymo u keeno isla markaana waxa ay sheegeen in ay uga Golle fadhiyaan  wax kasta oo uu ku cabanayo in ay ka daw saaraan, isna uu ka gar-baxo si loo soo af-jaro cabashadiisa.

Sidoo kale, waxay Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in uu cadeeyo shan qoddob oo ay Garabka Muuse Biixi ka soo saareen kulankii ay yeesheen, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay u arkeen in ay ahaayeen dacaayado suuqa la gashanayey, basle haddii ay jiraan miiska la soo dhigo.

Ilo wareedyadda warkan Waaheen soo gaadhsiiyey ayaa sheegaya Madaxweyne Siilaanyo in uu iska leexiyey war-saxaafadeedkii Xoghayaha Kulmiye soo saaray, waxaanu Wasiiradda kula dar daarmay in ay waajaibaadkooda Xisbinimo u gutaan si xalaal ah iyaga oo aan qof-na uga habranayn xaqa ay u leeyihiin talada Xisbiga in ay doorkooda ku yeeshaan.

Si kasta ha ahaatee illaa hada Madaxtooyaddu kulamada ay la kala yeelatay labada dhinac ee uu la kulmay wax war-saxaafadeed ah midkood-na kamuu soo saarin, marka laga reebo si guud oo Odaytinimo in uu labada Garaba u hoga tusaaleeyey.