Maanso Nabadaa Naas la nuugo leh

0
351
Waxa Curiyey Abwaan Cali Dhanaaniye
Nabadbaa naas la nuugo leh
Jiifto aan ku cabiray waxtarka nabadda iyo hadimadda colaadda!!
eFFEFMa I garanaysaa?
Maansaddani waa maanso ay ku wada hadlayaan nabadda iyo colaadda oo ay mid waliba soo bandhigayso waxa ay tarto iyo awoodeeda waxana aan curiyey aniga oo aragtidaydda suugaaneed cabiraya, waxa marka hore hadlaya nabadda marka danbena colaadda, waxana ay tidhi:-
Waxaan ahay ugbaad
Ubax iyo caleen
Nuur iyo ilwaad
Saac iyo iftiin
Noolaha aduun
Inamiyo habliyo
Oday iyo islaan
Idilkood rabaan
Waxaan ahay udgoon
Udug iyo nawaal
Waxan ahay aqoon
Aadmigu dhamaan
Way igu farxaan
Way I aaminaan
Ijinkaan degona
Way usoo qaxaan
Waxaan ahay IL qabad
Ugub qalanjo wacan
Inan lagu najaxo
Waxan ahay hilaac
Roob soo onkoday
Dadku eegayaan
Akhbaartii sugaan
Waxan ahay ugaas
La ilaaliyoo
La adeeco oo
Umad meel ku dhaqan
Indho hoodiyoo
Iridaha u fura
Wixii ay rabaan
Waxaan ahay ugaas
Ogolaada khayr
Oo erya xumaan
Waxan ahay udaax
Almaas iyo yaquud
Mahad eebe iyo
Waxan hay adeeg
Intifaac san dhala
Ugxanbaan sidaa
Ubadkaygu waa
Cawo iyo ayaan
Waxaan ahay ayaan
Iid iyo khamiis
Aankuu GED bexee
Ma I garanaysaa?
Waxan ahay ragaad
Umal aan dhamaan
Waxan ahay madoow
Mugdi iyo aguug
Ir-badaan sitaa
Walaalaha is jecel
Is laayaan dhahaa
Olol baan shidaa
Arad-kaba gubaa
Uumiyuhu dhamaan
Way iga qaxaan
Ooyaan in badan
Ilmo kaashadaan
Ooshaan degona
Waa lag irdhaa
Umo iyo caruur
Aabaan dilaa
Inan lagu faxiyo
Odayada taliya
Hal-dooriyo abwaan
Ugubkiyo hablaha
Deeqsigiyo aftahan
Meel aan ogahay
Iil-kaan dhigaa
Hadii aan rabana
Maydkoodoo idil
Aradkaan wadhaa
Aboodigu cunaa
Eydu feenataa
Waxaan ahay abaar
Omos iyo kulayl
Oon biyo la’aan
Uuro iyo qiiq
Waxan ahay ayaan
Aan lagu najaxin
Waxaan ahay ibtilo
Aafo iyo qaxar
Waxan ahay inkaar
Aadamaha ku ladhan
Marna aan ka hadhin
Aan kuu gedbexee
Ma i garanaysaa?
 Dhammaad…
Abwaan Cli dhanaaniye
Email:- dhanaaniye1@gmail.com
dhanaaniye@hotmail.com