Ciidanka Booliska Somaliland oo Sheegay In sanadkan ay Kor u kaceen Danbiyada Dalka ka dhacay.

0
148

11 10 9 8 7 6 4 3 2 1“Ciidanka Booliska Somaliland oo Xusay Sanad Guurada 20-aad ee ka Soo wareegtay Aasaskooda”.

Hargeysa(Waaheen) Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay 20 guuradii ka soo wareegtay aasaaska qaybaha kala duwan ee ciidamadda Booliska Somaliland.
Munaasibadaasi oo maanta lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay taliyaha ciidamadda booliska Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, taliye ku-xigeenka ciidamadda booliska C/raxmaan Liibaan (Fooxle), taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha, hogaanadda ciidamadda booliska.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda sare Yusuf Ismaciil Cali, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, masuuliyiin ka socday xafiiska ganacsiga dalka Ethiopia ee magaaladda Hargaysa iyo masuuliyiin kale.
Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi lagu xusayay labaatan guuradda ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska waxa uu yidhi “Farxad weyn ayay ii tahay in aan ka soo qayb-galo labaatan guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidanka booliska Somaliland, ciidamadda boolisku waa waxa aynu ku fadhino haddii aynu dalka nahay nabad geliyadaa aynu haysano iyo wanaagaa aynu haysano, iyo midnimadaa aynu haysano, illaahay ka sekow waxaynu ugu mahad-naqaynaa ciidamada booliska ee amaanka dalka iyo ka dadkaba gacanta ku haya ayaynu uga mahad-naqaynaa”.
Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in ciidamadda boolisku madada ay jireen hawl aad iyo aad u wayn ay qabteen, “mudadaa aynu jirnay shaqo aad iyo aad u wayn ayay qabteen, waxay u soo jeedeen hadh iyo habeen nabad geliyadda dalka iyo ilaalinta amaanka dadka ayay u soo jeedeen, waxaanu leenahay sidii la tilmaamay ee halkan ka muuqatay shaqooyinkii ay qabteen, tafaasiishii ay ka bixiyeen, sida ay xog-ogaalka u yihiin, sida ay ula socdaan, wixii dalka iyo dadku u baahan yahay waxaanu leenahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadiisu gacan siindoono Hay’adaha ammaanka, waxaanu yidhi “Waxaan balan qaadayaa haddii aan ahay madaxwaynihii qaranka Somaliland in aanu gacan buuxda ka siino ciidanka ammaanka, nabad geliyadda iyo booliska wixii ay u baahdaan ee ay ku sugayaan qaran-nimadda iyo amaanka dalka iyo dadka waxaanu ka siinaynaa gacan buuxda, dhiiri gelin iyo guubaabo, waxaan mar kale u mahad naqayaa ciidamadda booliska ee amaanka inoo haya, waxaan leeyahay iyaga iyo qoysaskoodaba iyo eheladoodaba aad iyo aad ayaan idiin hanbalyaynayaa”Ayuu yidhi madaxweynuhu.

Hogaanka Hawlgalinta Booliska ee Somaliland Gashanle Dhexe Maxamud Ducaale Cali ayaa Munaasibadii ka Akhriyey Danbiyada Guud ee dalka ka dhacay Sanadkan 2013 isaga oo sheegay in Danbiyadu sanadkan ka badan yihiin sanadkii hore oo ay sarre kor ugu kaceen waxaanu yidhi.“Tirkoobka Guud ee Danbiyadda Dalka ka dhacay 2013-ka waxa ka dhacay 21,278 danbi waa inta noo soo gashay Buug loo yaqaan Obi, Maxkamada waxaanu u gudbinay 6699, inta la Xukumay 2,258 ayaa la xukumay, inta laga heshiiyey 9,304, inta beenoowday ee xalada Abuurka noqotay 3, 338, inta baadhista ku jirta waa 1443, Haddii sanadkan iyo Sanadki hore danbiyada dhacay isbarbardhigno waxa badan Sanadkan, marka waxa laga yaaba in dadka qaar ay dhinca kale ka eegan danbiyada kordhay, lakiin waxa danbiyada kordhiya bulshada oo badata, ama tiknoolajida casriga ah ee inagu soo korodhay, ama fahanka bulshada oo ay fahmaan sharciga oo ay u soo dacwoodan, Sanadkan dalka waxa ka dhacay 75Dill, waxa ku dhintay 73Qof, inta gacan ku dhiigle ee la qabtay 68qof, inta Bolisku baadigoobayaan waxa weeyi 5kiis, Sanadkii hore Dilalka dalka ka dhacay waa 77 Dil marka dilkuna wuu kordhay, Tirada Shilalka dalka ka dhacay waa 2347 Shil, dadka ku dhintay 164, tirada dadka ku dhawacantay 1805, khasaaraha gaadiidka ku waxyeeloobay 1606 , khasaaraah Xoolaha nool ee wax ku noqday 419, dadka ku dhintay 275 qof, 227 dhisme ayaa ku waxyeelbooy, marka sanadkan ayey khasaaraha shilalka baabuurtu kor u kacday, caruurta sanadkan la tuuray waa 15 caruur ah inta dhimatay waa 7 caruur ah inta nool waa 8 Caruur ah, Sanadkii hore Caruurta la tuuray waxay ahayd 15 Caruur ah marka way isgoostay, dadka sanadkan Isdaldalay waa 18Qof, 18Qofna way dhinteen, iska hor imaada dalka ka dhacay waa 4 iska hor imaad waxa ku dhintay 4Qof waxana ku dhawamay 9qof, 3382 Liitir oo Khamri ah ayaanu sanadkan qabanay ,975 Xashiishad ayaanu qabanay, Tirada dadka aanu ku qabanayna waa 45 Qof iyo Labba Baabuur oo ay wateen, lacagaha Foojariga ah ee aanu qabanay waa Shilinka Somaliland, Saddex Malyuun Afarboqol iyo Shan iyo toban Shillin, lacagta Dollarka loo ekeysiyey ee aanu qabanay waa 5730 Dollar, Waxa kale oo aanu qabanay 200 oo Faranka Jabuuti ah oo loo ekeysiyey, Dadkii lacagahaasi aanu ku qabanay oo ka kooban 14 qof waxaanu u gudbinay Maxkamadaha.”Ayuu yidhi.
Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxa uu yidhi “Muddane madaxwayne waxaan jecelahay in aan halkan kugu soo dhaweeyo sanad guuradda labaatanaad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliiska Somaliland, iyada oo uu qaan gaadhay booliska Somaliland, aniga oo ku hadlaya magaca saraakiisha ciidamada kala duwan, saraakiil ku xigeenadda, dableyaasha iyo fanaaniintii maskaxda furnayd ee halkan horteena ka jeediyay riwaayadii ka hadlaysay qiimaha ay leedahay Somaliland iyo gooni isku taageedu iyo sida ay bulshadda reer Somaliland ugu hanuunsan yihiin in ay dawladooda iyo dalkooda wax la qabtaan, muddane madaxwayne waxaanu halkan ku haynaa ciidamada loo yaqaano ciidanka booliska oo ah ciidamo naftood hureyaal ah, oo habeen iyo maalinba u heegan ah sidii ay u daryeeli lahaayeen bulshadooda iyo qarankooda intaba si ay ugu noolaadaan nabadgeliyo, barwaaqo iyo bash-bash, muddane madaxwayne shaqadda uu boolisku u yahoo qarankan Somaliland waa shaqo aad u qiimo badan, waxay ilaaliyaan nabadda, waxay daryeelaan bulshadda, waxaa ku dhisan nabad guud ama nabadda guddaha ee Somaliland, Waxaanu doonaynaa in aanu ciidanka booliska Somaliland gaadhsiino halka ay joogaan ciidamadda casriga ah ee booliska ah ee wadamadda caalamku, ayuu yidhi wasiir waran cadde.
Taliyaha Ciidanka Boliska Soomaliland Sarre Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku tayadoodu aad u fiican tahay waxaanu Sheegay in wadamo Dibada ah ay Tababaro ku soo qateen.
Waxaanu yidhi “Waxaan Aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Qaranka Go’aankii Geesinimada lahayd ee uu Qaatay ee ahayd Darjo bixinta Ciidamada dalka, waxa kale oo aan u mahad naqayaa Guddii qaybinta darajada, Madaxweyne Xallada guud ee Nabadgelayda dalku waa mid dagan mana jirto wax dhibaato oo dalka ka jiraa, waxa tababar aqoontooda kor loogu qaadayo soo qaatay 900 oo Askari, oo kala ah Ciidmada gaarka u tababaran SPU, RRU, STU, iyo 150Hablood.”