QABYAALADI SHARAF MA LEH. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
183

 “Waa qormo ka sheekaynaysa dhibaatooyinka qabyaalada”

Somaliland tan iyo intii lala soo noqday madaxbanaanida waxa aad iyo aad u adkaa isticmaalka qabyaalada taas oo qarsoonayd mudo badan laakin maanta iyo sanadadan ugu dambeeya ayaa waxa soo if baxaya isticmaalka qabyaalada taas oo maanta dadkii iyo dawladiiba isnacsiisay maxaa yeelay dadku waxay ahaayeen dad walaalo ah oo meelkasta wada degan oo Is jecel laakin maanta maya .

Hadaba waa maxay qabyaalad iyo qabiil?

Qabyaaladu waa hab Somalidu cadeeysatay oo ay mudo dheer ku soo dhaqmayeen kaas oo lagu amaanaayo qoys ama qabiil, qabiil kalana lagu yasaayo laguna caayaayo oo lagu fogeynaayo. Marka qabyaalada la’oogaayo waa marka larabo in qolo kale la dulmiyo laguna hamiyo jiritaanka qabiilka aad tahay oo qudha lagana diriro jiritaanka bulshada inteeda kale. Qofku malaha ma’adi uu isagu rumaysanyahay inay sax tahay iyo in nidaam bulsho oo kale midna ee wixii qabiil kiisa ka soo fula ayuunbuu sax u arkaa waxa umada kalena qalad ayuu u arkaa.

Qabiil

Qabiil waa koox bulshada ka mid ah kuwaas oo wadaaga abtirsiin kooban, waxaanay u si qaybsamaan Jilibo, Qoysas ugu danbayn waxaa kala baydha oo reero kala noqda laba Nin oo walaalo ah markay inama badan dhalaan ee inamadiina caruuro sii yeeshaan. Markastoo tirada abtirsiinta qoysku gaadho laba saddex awoow waxay isku badashaa jilib yar oo hoose, dadka walaalaha ahi markay guursadaan ee ay caruur sii dhalaan caruurtoodu waxay isku noqdaan ilmaadeer1, ilmaadeer2, Ilmaadeer3 xaga aabaha. Kadib wixii intaas ka danbeeya waxay isku badashaa “Tol” halkaas oo hadana qabiilkii kor uga unkamo oo uu marka hore noqdo jilib yar oo hoose deedna Qolo,Qabiil.

 

Runtii qabyaaladu waa jaahilnimo jaahilnimana laguma faano laakin maanta waa lagu faanaa. Xaga cadaalada oo noqota mid liidata ayay sababtaa qabyaladu.

Waxaan aad uga naxaa markasta isticmaalka qabyaalada iyo in dadka lagu kala sooco kanbaa reer hebela iyo kanbaa reer hebela taasina waa ta maanta hoos inoo dhigtay oo qayrkeen inaga reebtay. Runtii tan iyo intii dawlada cusubi la wareegtay  xukunka dawlada waxa dalka ka dhacay hal doorasho oo ah tii golaha deegaanka iyo laba tartan oo ah tartamadii ciyaaraha gobolada somaliland kuwaas oo laga dhaxlay qabyaaladii ugu xumayd, dadkiina kala qaybisay.

Dhibaatooyinka ay qabyaaladu  keento  waa dhibaato aad u weyn waxana kamida:——————

  1. Bulshada oo noqota umad dulmi iyo darxumo ku noolaata waligeed.
  2. Jaahilnimada oo noqota mid lagu faano.
  3. Xaqa & Cadaalda oo noqota in daciifnimo loo arko.
  4. Bulshada oo aan waligood is aaminin shakina kala qabta markasta.
  5. Danta guud iyo Dawladnimada oon waligeed si daacada loogu heshiin, qofkastaana diido cidii madax loo doorto hadii anu qabiilkiisa ahayn, kuna diido qabiilkiisa awgii, iyadoo laga yaabo ka reer kooda ah ee uu jagada larabo in uu yahay mid aan xilka loo dhiibayo u qalmin.
  6. Marka ay dorasho noqoto in qofku dantiisa ilaawo oo uu ka fikiro dan qof kale oon waxaba ka quseyn dorashadana qof qabiil ku doorto halkaasna dantiisii iyo xornimadiisii ku waayo.
  7. Hogaamiyaha dalka loo doorto & Masuuliyiinta kalaba inay waxay doonaan oo xumaan ah, sameeyaan cidna ka baqiwaayaan illayn waa umad qabyaaladi qaybisay oo awoodi iyo sharaftiiba ka qaadaye.
  8. Aqoontii iyo horumarkii oo meesha ka baxa, maxaa yeelay guushu waxay timaadaa marka dadka kuu shaqaynayaa ay cidkasta leeyihiin oo meesha waxa soo galaya maskaxo kala duwan dabadeedna horumarka ayaa bilaabmaya.

Maanta dalka waxa ka socda qabyaaladii ugu xumayd   taas oo ka soo bilaabantay xaga sare laakin haddii sidaasi sii socoto waxaan u malaynayaa in dalku kala qaybsami doono . runtii waxa dalka imi shirkado maalgashi markii ay is idhaahdeen sahamin sameeyana dad sheeganaya qabiil iyo qolo ayaa hor istaagay kuna andacooday hadaanu reer hebel nahay anagaa iska leh dhulka markaana lama baadhi karo ilaa nala siiyo wixii aanu xaq u lahayn. Taasna dawadeedu dawladu ha raadiso si dadka u dareemaan wada  noolaansho,walaaltinimo iyo isku kalsoonaan.

Qabyaalada waa cudur kaas oo hadduu kugu abuurmo ay adag tahay sida loo daweeyo lakin loo baahan yahay in dadka lagu jeclaado diintiisa,aqoontiisa,dadnimadiisa,dhaqankiisa, iyo astaamo kasta oo wanaagsan oo qof ibnu aadani ahi leeyahay.

Dadku waa dad wada dhashay, isu diina ah ,oo isku dhaqana laakin ma wanaagsan oo adoo qof masuul ah inaad isticmaasho kalmado dadku kugu nacayaan oo qabyaalad laga dhadhaminayo.

Qabyaaladu waxay sababtaa inaad xoolahaaga waydo oo waayo, markaad qofkasta aad ku shaqaalaysiiso reernimo  waxay sababaysaa inaad dadkii aqoonta lahaa aad ka tagto. Tusaale ahaan haddii uu kuu shaqayn jiray qof ka baxay jaamacad oo haysta shahaado degree ah oo aynaan isku reer ahayn laakin uu yahay qof ka adag shaqadiisa horumarna meesha gaadhsiin kara. Ka dibna aad ku badasho qof reerkiina oo aan wax aqoona oo sidaa u wayn aan lahayn laakin aad niyada galiso wuu iskala qabsan ka dibna uu ku fashilmo shaqadii  aad eexda u galisay. miyaanay ahayn ceeb iyo  horumar la,aan.

Hadaba qabyaaladi maaha sharaf ee ha laga fogaado qofkastana waxa looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo ,wax lagu faanana maaha ee waa wax laga faano.waxaana wanaagsan qofkasta oo doonaya in loo shaqeeyo inuu dadka ku soo xusho aqoontooda iyo diintooda dhaqankooda iyo kartitooda si uu u gaadho hiigsigiisa iyo hamigiisaba.

 

XAGA DAWLADA.

Runtii dawladani inta badan dadka u shaqeeya waxa lagu xantaa waa qabyaalad xumo taasna laguma gaadhi karo waxyaalo badan oo ay dawladu hiigsanayso. Maxaa yeelay maanta meelkasta waxa ka taagan qabyaalad cad oo aan la qarin Karin oo kursiyadii dawlladu waxay noqdeen qaar reernimo loo buuxiyo waxaanad aad ula yaabaysaa tan iyo maalintii aynu ku dhawaaqnay dawladeena somaliland in meelo gaara ay iska yeesheen reero gaara oo aanay cidna ugu tagin marka mid la badala mid reerkaas ah un la keeno. Waxa dawlada u wanaagsan inay dadka u horseeedo cadaalad iyo sinaan cidkasta oo meel la gaynaya aanay cid ahaan loo geyn laakin loo geeyo aqoon ahaan iyo muxuu dalka ku soo kordhin karaa haddii taas la helo waynu gaadhaynaa halkaynu hiigsanayno waa haday tahay meel saxsan.

Dawlada waa halki ugu saraysay ee dadka hagaysay markasta waxa wanaagsan inay dadka u hagto si saxa oo xalaala iyadoon cidna ka baqayn cidna ka han waynayn.

Dadkana ha is dhex galiso ha kana dhaadhiciso inay yihiin dad walaalo ah oo isku mida.

Gabo gabo

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadku siman yahay qabyaaladuna tahay shay dadka ku sameeya qiimo dhac waxaana qof kasta looga baahan yahay inaanu isticmaalin qabyaalada iyo qorigaba .

N.B

Qabyaalada sharaf ma leh

Qabyaaladi qayrkaa bay kaa reebtaa

Qabyaaladi qiimo la laha.

Qabyaaladeey qarsoonaw

Qabyaaladu waa cadawga ummada

Qabyaaladu waa cadawga horumarka cidkasta iyo shirkadkasta

  1. Source : http://alimuse.com

 

 

More about me

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

 Skype: Farxaan.mxd

 Social activist

 Thank you all

 Post number:  RP55