Xukuumadda Somaliland oo xuduudka Jabuuti ka celisay mucaawino Caafimaad oo Jbauuti ugu soo deeqday Cisbitaalka Xarriirad

0
109

Hargeysa(Waaheen) Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ee logoXuduudka Jabuuti iyo Somaliland ee Lawyacado ayaa manta ka celiyay Dalka Deeq Caafimaad oo ka koobnayd Gaadhi UMBALNCE ah iyo Dawooyin kuwaas oo ay Dawladda Jabuuti ugu deeqday Cisbitaal ay dhawaan ka dhistay degmadda xarriirad.

Deeqdan ay Dawladda Somaliland celisay ayaa la sheegayaa in ay la socdeen saraakiil Reer Jabuuti ah oo doonayey in ayka qayb galaan xaflad lagu furi lahaa Cisbitaalka ay xarriirad ka dhiseen oo ay ku sugan yihiin Wasiirka Dibu-dajinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin iyo Badhasaabka Gobolka Selal C/laahi Faarax Maydhane.

Illaa hada lama oga sababta Laanta Socdaalka Lawyacado u celisay Deeqdaas hase yeeshee ilo wareedyo ku sugan Degmadda Saylac ayaa Waaheen u xaqiijiyey in Deeqdaasi ay dib ugu noqotay Dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxa ku sugan wefti Reer Somaliland ah oo uu ka mid yahay Aaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland,iyadoo maalinta berry ahna uu ku soo fool leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka soo kicitimaya Dalka Ingiriiska.

Wasiirka iyo saraakiisha kale ee Somaliland ayaa la filayaa in ay dawladda Djiabouti wadahadal kala yeelanayaan arrimo dhawr ah oo ay hore ugu heshiiyeen, balse talaabadan Somaliland kaga hor istaagtay deeqdan ayaa noqonaysa mid dhaawici karta qorshaha ay Soamliland ka leedahay safarka ay ku joogaan Dalkaasi.