Warbixintii ugu danbaysay arrimaha Kulmiye: Ma dhabaa Muuse Biixi in uu tagay beertiisa GEED-DEEBLE?

0
133

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo si weyn uga cadhooday codayntii guddida qaban qaabada Shirweynaha Sadexaas ee Xisbiga kuKulmiye ku doorteen hogaankooda ayaa la sheegayaa in uu u nasasho tagay Beer weyn oo uu ku leeyahay xarunta biyo soo saarka Hargeysa ee GEED-DEEBLE.

Muuse Biixi ayaa sidan oo kale shirweynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye ee ka dhacay Burco ee khilaafka badan ka dhex abuuray Xisbiga laga lad-qabeeyey Hargeysa kadib markii Loolan adag oo ku dhex maray Xisbiga Musharaxnimada Madaxtinimada lagaga itaal roonaaday soo jeedin uu wakhtigaas qabay oo ahayd in Madaxweynaha iyo ku-xieenka Xisbiguba noqdaan Beesha Dhexe, balse markii danbe loogu ogolaaday in la siiyo Guddoomiye-nimada Xisbiga.

Muuse Biixi Cabdi ayaan lagu arag Magaaladda Hargeysa tan iyo shalay markii suuqa la soo geliyey warar sheegaya in Ergo dhiniciisa ka socotaa Madaxweyne Siilaanyo ka dalbatay in dhex dhexaadin laga galo go’aankii lagu doortay hogaanka Guddida qaban qaabada oo ay doorteen Shan iyo toban xubnood oo ka mid ah Guddida Qaban qaabada.

Ergada Madaxweynaha u tagtay ayaa la sheegay in ay Madaxweyne Siilaanyo kala soo noqdeen in Gar laga galo arrintan isla markaana la soo fadhiisiiyo hogaanka Xisbiga hase yeeshee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiaga Xasan Siciid ayaa la sheegay in jaan iyo cidhib meel ay dhigeen la waayey isla markaana ay u baaqdeen laba kulan oo la filayay in ayla yeeshaan Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, Kulan shalay Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ku yeelatay Guriga Maaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici isla markaana ahaa Goobtii 27-ka Xubnood loogu Ansixiyey Muuse Biixi Cabdi ayaanay sadexda masuul ee aynu kor ku soo sheegnay ka xaadirin, hase yeeshee waxa la sheegay in lagu go’aamiyay dooda ka dhalatay Doorashada Guddida qaban qaabadu in aanay ahayn mid u taala Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Hogaanka Xisbga Kulmiye’e ay tahay mid u taala Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye.

Hase yeeshee Ilo wareedyo kale oo ay waaheen heshay ayaa sheegaya in berry lagu wado in Madaxtooyadda lagu qaban doono shir lagaga arrinsan doono arrimaha taagan oo ilaa hada loo maaro la’yahay, hadana sida ka muuqata dhinacyada waxa jira dareen weyn uu muujinaya dhinacna inaanu ka tanaasulayn aragtidiisa.

illaa maanta ma jiro dhaqdhaqaaq ka soo cusboonaaday khilaafka ka dhashay Guddida qaban qaabada oo ay hortaalo hawl culus oo ay ahayd goor horeba in ay bilaabaan maadaama wakhtigii loo cayimay shirweynuhu uu is-gurayo oo ay durtaba ina dhaafeen maalmo badan.

Khilaafka Kulmiye oo ay dadweynuhu aad u hadal hayaan in uu noqon doono kii UDUB oo kale ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis kaasoo idaacadda Laanta Af-ka Somaligu mar ay manta waraysanaysay isagoo ku sugan London ay weydiisay khilaafka dhex yaalaa inta uu leegyahay Xisbiga waxaanu ku jawaabay in ay ka mid tahay dimuquraadiyadda Axsaabta ee ay Somaliland ku soo caano-maashay.

Si kasta ha ahaatee waxa laga war sugayaa halka uu sal-dhigo khilaafka Xisbiga Kulmiye oo galay halkii ugu qadhaadhayd.