HARGIESA MAGALO KALO WAR LA’A.

0
57

Hargiesa oo ah caasimada Somaliland ayaa waxaa ku nool dad aad uu fara badan, kuwaas oo ku kale nool xaafado kale duwan , hadaba maqalkan igu kalifay in aan qalinka uu qaato nololasha hargiesa oo aad moodo in ku socto tan caasimada dalka suuriye ee DIMISHIQ oo ay dad gaari  helaan caafimaad wanagsan, biyo wanagsan iyo nolol wanagsan halka 80% ay ku nool yihiinn nolol aad u liita. hadaba waxaynu kale saari doonaa, kala war la’aantan 5 qaybood oo aan dhinacna laga sineyn dawladuna raali kaga tahay.

  • BIYAHA
  • WADOOYINKA
  • CAAFIMAADKA
  • WAXBARASHADA
  • SHAQADDA
  • DEEQAHA WAXBARASHO ( SCHOLARSHIPS)

BIYAHA: Hargiesa waa magaalo 30% ay helaan biyo nadiif  oo caafimaadkooda la hubiyey halka 70% ay helaan biyo aan nadiif ahayn oo biyahaasi oo isku jira macdano badan taasi oo ku keentay in kelyo xanuun ka qaadaan dadka biyahaasi isticmaala.

WADOOYINKA: hargiesa waa magaalo xaafadaha qaarkood ay maydka gacamaha ku soo qaataan waddo la’aan awgeed, waxaa tusaale fiican inoo ah xaafad dhinac waqooyi bari kaga beegan   xafiiska mayorka caasimada, una jirta 1km xafiiska mayorka caasimada.

Halka wasiiradu ay sameysteen waddooyin taga guriyahood oo laamiya si ay isaga  dhowraan boodhk iyo siigadda.

CAAFIMAADKA: xafadaha kale duwan ee magaalada qaar baan lahayn MCH iyo goobo caafimaad oo u adeega bulshada, halka xafdo kale ay leeyihiin dhamaan Adeegyaddii caafimaadka.

WAXBARASHADA: tan iyo intii laga dhigey waxbarashada hoose ee ay xukumadu maamusho waxaa hoos dhac wayni ku yimid tayaddi waxbarashdat, inta badan waxaa dhigan jirey dadka danyarta ee aan awood uu lahayn in ay iska bixiyaan feega dugisyada gaarka loo leeyahay, taasi oo ku keentey kala badh awaalidiinta in ay ka niyad jabaan, halka waalidiinta qaarkood ay bixiyaan $40 bixiyan bishii, taasoo ka dhigtey magaalo kale war la’a.

SHAQADDA: caasimada Somaliland hargiesa waxaa inta badan dadku 80% ay ka shaqeystaan shaqoyin ay iyagu gaar uu leeyihiin halka 15%  ay yihiin qaar uu shaqeeya dawlada hadaba waxaad arkaysa laba guri oo isku xiga ayaa gurina waxaa dawlada uga shaqeeya 10 qof halka guriga ku xigana aaney cidi uga shaqeyn dawlada ee ay ku tiirsan yihiin hal qof oo iskii u shaqeya, arintani waxay keentey in hargeisi noqoto caasimad ay ka socto dabaqdeyn iyo bulshada laga dhigaayo dad kale duwan dhinac nolosha taasi oo guudahan ka soo hor jeeda diinteena,  oo bidhitaartka iskaalmeynta iyo isu gargaarida bulshada dhexdeeda.

DEEQAHA WAXBARASHO (SCHOLARSHIPS): waxaa caasimad hargiesa ka furan boqolaal iskuul oo isku jira kuwa dawladeed iyo ku gaar loo leeyahay , kuwaasi oo kale ah dugsiyo hoose dexe iyo sare iyo jaamacado, hadaba waxaa sanadkasta la siiyaa wasaarada waxbarashadu  deeqo waxbarasho oo u fara badan, intii ay xukumadina timid waxaa dhacada in aan la xayeysiin deeqaha waxbarasho isla markaana aan loo sineyn, iskastaba hahaatee waxaa deeqaha waxbarasho lagu maamusaa dad gaar sida wasiirada, xildhibaanada, saraakiisha sar sare ee dawlada, ganacsatada IWM, inta soo hadheyna waa loo iibiyaa si hoose. Artintani waxay niyad jab ku abuurtey ardaydii oo keentey in ay ka niyad jabaan waxbarashadii oo ay miciin bidaan TAHRIIB.

Hadaba si  dhibaatadan looga baxo waxaa loo baahan yahay in dhinac looga wadda jeedsado siyaasigan aan lahayn dan kale dantiisuun mooyeee, oo laga digtoonaado waxyaabaha uu adeegsanayo ee ka mid tahay REERINMADA IYO MUSUQ , oo aan dhamaanteen dan aan inoo ahayn, oo aynu ku qiimeyno aqoon iyo karti ciddii doona ha haadee, taasi oo keeneysa in aan si dhib yar uga talaabsano horumar la’aanta iyo  iska war la’aanta bulshada.

 

ABDIRAHMAAN YUSUF ADAM

EMAIL: PILOT1000@HOTMAIL.COM        MOBILE: 4153719