ABAALKII DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGAANKA DALKA !!

0
30

Waa hubaal in horumrka Bulshadda lagu gaadhi karo Midnimo iyo Wadajir ka hirgala Wakiilada Bulshadda ay soo doortaan dhexdooda hadii ay ahaan lahaayeen heer Deegaan ama heer Baarlamaan IWM, waana halka laga yidhaahdo”Gamco wadajir bay wax ku gooyaan” hana ilaawin in gole kasta oo doorasho ku yimi sida Golaha Deegaanka ay leeyihiin mas´uuliyad wadareed “Collective Responsibility” wadajirkaas iyo midnimadaasna waxa la heli karaa oo keliya marka Bulshadu ay soo doortaan wakiilo tayo leh oo lala xisaabtami kara oo garanaya inay Accountable u yihiin dadkii soo doortay, odhaah caan baxday ayaa tidhaahda “Hibo eebe ku siiyay Habeen Layskama Qaado” maanta markale jaaniskii aynu sugaynay lix sano ayaanuu inagu dhaafin si sahal ah iyo wax aan dhaafsiisnayn canka.

 

Waxa layidhaahdaa dadka waxaa ugu farxad badan Qofka shaqada uu qabanayo garanaya ee awoodii aqoonta u leh isla markaana daacad ah “Al Qawiyul Amiin”dhinaca kale xeeldheerayaasha maamulka iyo maaraynta waxay dajiyeen hal-beeg odhanaya “The Right Person on the right Position” Qofka saxa ah oo loo doorto booska uu ku haboon yahay, taas kasoo horjeedkeedana waxay ila tahay maanta waayo arag ayaynu u nahay “Isha Cali Ka Lulata” oo waxay ka muuqataa caasimadeena, iyo magaalooyinka kale ee wadanka  mana haboona fikir sax ahna ma´aha inaynu raadkeenii shalay dib uraacno oo aynu markale isticmaalno Tuulkii shalay inaga cadilmay “The Disable Tools” waxaana ugu haboon inaan idhaahdo “Mar Idage Alle Hadago Marlabaad Idagas´e Anigaa Isu Dagay”

 

Hadaba su´aasha utaala dhamaan Dadkii soo doortay goloyaasha deegaanka gobolada dalka oo dhan waxay tahay maxaynu u dooranay Gole/Gudi Deegaan oo gaadha go´aamada deegaanka aynu ku beeranahay, shaqada iyo mas´uuliyada aynu u igmanayno´se maxay tahay? su´aasha labaadna waxay tahay Waa Qofkee Qofka aynu u dooranayno Golahaas ama Gudidaas Deegaan ee shaqadaas inoo qabanay?

 

Xiligan casriga ah ee aynu maanta noolnahay “The Modern Season” waxa caan ah in shaqadda marka la naadinayo “Vacancy Announcement” laqeexo mas´uuliyadaha ay shaqadu leedahay “Major Duties and Responsibilities” isla markaana shuruudo loo dejiyo Qofka loo qaadanayo shaqadda aqoon iyo waayo aragnimaba “Minimal Qualifications”, hadaba doorte magaranaynaa Shaqada aan rabno in laynoo qabto? iyo Qofka ku haboon ee inoo qabanaya Shaqadda?

 

Fadlan doorte ila wadaag oo ila gorfee Shaqadda aynu udiranayno Goleyaasha Deegaanka dalka oo dhan  ee aynu maanta dooranay se ma fahansanyihiin waajibaadkooda shaqo ee aynu uga soo door bidnay kuwii hadhay shaqada oo aan aniga kusoo koobay qodobadan,  form of Public Administration.

  • Adeega Laydh Gelinta.

  • Adeega Biyo Gelinta.

  • Fayadhoowka Guud iyo Nadaafada.

  • Adeega Saarista Biyaha iyo bulaacadaha ee deegaanka.

  • Adeega Dabdamiska.

  • Adeega Goobaha Caafimaadka.

  • Qorshaynta Dhulka Magaalada.

  • Qorshada Wadooyinka.

  • Adeega Gaadiidka Dadweynaha

  • Ilaalinta fayadhoowka goobaha Cuntada bisil iyo qudrada fareeshka ah.

  • Adeega Baarkinka iyo Habaynta Goobaha Nasashada Dadweynaha.

  • Adeega Helida Laybareeriyo iyo fududaynta wixii la xidhiidha.

  • Daryeelka Goobaha Dalxiiska ee Deegaanka.

Dhinaca kale Codbixiye fadlan ila wadaag oo ila gorfee Qofka ku haboon ee inoo qabankara shaqadaas iyo mas´uuliyadahaas oo aan kusoo koobay sidan.

  • Qof Aqoon u leh Maamulka iyo Maaraynta Arimaha Bulshada.

  • Qof Awood u leh Lashaqaynta Bulshada.

  • Qof Awood u leh ku shaqaynta Goobaha Mashquulka Badan.

  • Qof Fahamsan Adeega Bulshadu Xaqa Ugu Leedahay.

  • Qof Daacad ah oo ka Fayoow kala qaybinta Bulshadda.

  • Qof Leh Curin iyo Ka Fikirka Danta Guud Ah.

Ugu danbayntii Muwaadin DOORTE, waxaan kuu wadaa in dhamaan masuuliyiintii aynu dooranay guud ahaanba ay ka khaldantahay ujeedka aynu u dooranay  kaasi oo haday gartaan macnaha loo doortay aynu kaga  gam´i lahayn howsha ama mas´uuliyadaas aynu u igmanay

hadaba waxaa lawada dareensanyahay in odoyaashii hore ee lagu xaman jiray in ay aqoon daro haysatay loo darsatay kuwii la doortayna lagu hungoobay shaqada ugu muhiimsan ee ay qabtaana ay tahay hebel ayaa shaqadiisa ka soo bixi waayey in heblaayo ayaa xafiiska furiwayday oo furihii xafiiska mayirka la seexatay,

 

allaw sahal amuuraha

 

Mohamed Hassan kaahiye

Email: mhkaah@gmail.com

Hargeisa somaliland.