WADDANI Oo Xukuumadda ku Eedeeysay Xeer Lagu cabudhinayo Saxaafadda.

0
107

Hargeysa(Waaheen) Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo shirjaraa’id shalay ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeisa ayaa waxay si adag u cambaareeyeen xeer qabyo qoraal ah oo saxaafadda madaxa bannaan lagu cabudhinayo oo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dabada ka riixayso.

Shirkaas jaraa’id waxa ugu horayn ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir wuxuu xusay in xeerkan ay xukuumaddu ugu talogashay inay ku cabudhiso kulana wareegto hantida saxaafadda madaxabanaan “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay xeerkan u samaysatay inay ku ciqaabto saxaafadda madaxabanaan, iyadoo doonaysa inay xeerkan kula wareegto hantidii hay’adaha madaxabanaan ee saxaafadda”.

Xoghaye Dirir isagoo ka hadlaya abaalkii ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gashay saxaafadda madaxabanaani wakhtigii uu mucaaridka ahaa wuxuu yidhi “ Waxaynu wada ogayn sideedii sanno ee Axmed Siilaanyo mucaaridka ahaa sideedaas sannoba garab taagnayd Madaxweyne Axmed Siilaanyo saxaafadda madaxabanaani, maanta markii uu taladii dalka qabtayna wuxuu usoo tafa-xaytay inuu yidhaa waxaan la wareegaynaa hantidii, wargaysyada iyo TVyada madaxabanaan ee astaanta u ahaa xoriyatal qawlka Somaliland”.

Xoghaye Dirir isagoo umadda Somaliland fariin u diray wuxuu yidhi “umadda Somaliland waxaan u sheegaynaa inay ka dhiidhiyaan xadgudubka ay xukuumaddu u gaysanayso saxaafadda madaxabaanan ee dalka”.

Xoghaye Warfaafintu isagoo ballanqaad iyo amaan u diraya saxaafadda madaxabanaan wuxuu yidhi “saxaafadda madaxabanaan waxaanu ku amaanaynaa oo ku majiiranaynaa sida ay u garab istaageen ee ay ugu hiiliyeen ee ay u dhiseen dimuqraadiyada dalka una ilaaliyeen xoriyatal qawlka somaliand, Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u ballanqaadayaa saxaafadda madaxabanaan inuu hiil iyo hooba la garabjoogo oo aanay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilanyo fursad u siindoonin inay dalkan ka dhigto kalitalis”.

Waxa isaguna hadalka qaatay hantidhawraha xisbiga WADDANI Md. Xasan Xuseen Codyare isagoo sheegay inuu xeerkan qabyoqoraalka ahi lid ku yahay dastuurka dalka, xeerka saxaafadda 27/2004 iyo xeerka ururada iyo axsaabta ee Xeer No.14/2011 isagoo sheegay in xeerkan lagasoo dheegtay dalka Kuuba “Xeerkani wuxuu lid ku yahay dastuurka dalka, xeerka saxaafadda 27/2004 iyo xeerka ururada iyo axsaabta ee xeer no.14/2011, xeerkan meesha yaal waxa laga soo minguuriyey dalka kuuba oo saxaafaddu cagta hoosteed ku jirto markaa madaxweyne siilaanyo ma waxaad doonaysaa inaad noqoto fiidal kastarihii kuuba oo kale ee kalitaliska ahaa”.

Ugu dambayntii waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha qorshaynta xisbiga WADDANI Md. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyoraac) oo sheegay in xeerkani ka hor imanayo dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ahba “Xeekani wuxuu ka hor imanayaa dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee adduunka wuxuu dib inoogu rarayaa xidigtii October inay noqdaan jaraa’idku iyo inay warbaahintu noqoto nidaamkii kacaankii Siyaad Barre, waxaanu xukuumadda u sheegaynaa inaan dadkani aqbalidoonin nidaamkii kalitaliska ahaa ee Siyaad Barre oo kale”.

Xoghaye Cabdirashiid isagoo ka hadlaya gole xeerkan qabyada ahi qorayo inay saxaafadda maamulidoonaan waxa uu yidhi “Golahan saxaafadda loo samaysanayaa waxa uu la mid yahay golihii kacaanka Siyaad Barre ee ka qaadijiray dadka hantidooda ee ka xidhijiray meheradahooda ee ka masaxi jiray liisamadooda ee la wareegijiray waxa qofku leeyahay”.

Xoghaye Cabdirashiid isaga oo ka hadlaya warbaahintii qaranka waxa uu xusay inay cid gaar ahi yeelatay ee aanu qaranka Somaliland lahayn “waxaad ka warhaysaan in warbaahintii qaranka cid gaar ahi yeelatay oo xukuumadda Axmed Siilaanyo boobtay TVgii Qaranka Iyo Idaacaddii Iyo wargayskiiba maantana waxay doonaysaa inay tii madaxabanaanayd boobto”.