Tata Martino Oo Qirtay Inay Macquul Tahay Inuu Garsooraha Qalad Sameeyay Kulankii El Clasico.

0
64

downloadTababaraha Barcelona Gerardo Martino ayaa qirtay in garsooraha ay u badan tahay inuu qalad sameeyay markii uu rikoodhe  u dhigi wayay  Real Madrid kulankii ay 2-1 ku badiyeen El Clasico.

Garsoore Alberto Undiano ayaa diiday labo jeer oo ay Madrid ku andacootay rikoodhe  kulankii Camp Nou, markii hore waxa ay ku doodeen in Adriano uu kubad gacanta ku taabtay ka dibna Javier Mascherano ayaa xerada ganaaxa cadaadis ku saaray Cristiano Ronaldo.

“Waxaa jiray qalad macquul ah oo ka yimid garsooraha, laakiin sidoo kalena ciyaar ayaa la ciyaaray, waana inaan taas diirada saarno” ayuu Martino yidhi

“Barcelona ayaa aheyd kooxdii habeenkaasi ficnayd  qeybtii hore, Madrid waxa ay fiicneyd 25kii daqiiqo ee ugu horeysay qeybtii labaad, ka dibna dhamaadkii ciyaarta waa ay isku dheelitirneyd.

“Inaan u jawaabo waxa ay sheegeen ciyaartoyda Madrid waxa ay sii kicineysaa xaalada.

“Waa wax caadi ah inay yiraahdaan garsooraha ayaa qalad sameeyay haddii ay aaminsan yihiin inuu sameeyay.

“Waa igu adag tahay inaan garsoore khaladka iska  saaro si sahlan. Waa macquul inuu qalad sameeyay garsooraha waana intaas.”