Shirkadda Telesom oo Raali-gelin ka bixisay Cilad maanta ku timi

0
101

Hargeysa(Waaheen) Shirkadda Isgaadhsiinta ugu weyn Somaliland ee Telesom oo saaka illaa xalay qaybo ka mid ahi ciladaysnaayeen ayaa raali-gelin ka bixisay ciladaas oo ay sheegeen in ay hagaajiyeen.

telesom“Shirkadda Telesom waxay raaligelinaysaa macaamiishii hawada ka maqnayd mudadii kooban ee uu hakadku kaga yimi isticmaalka adeega Telefoonka” sidaas waxay shirkaddu ku sheegtay farriin kooban oo ay ku soo dirtay qaybteeda farriimaha.

Cilada saaka ku timi shirkadda Isgaaddsiinta Telesom ayay dadweynuhu aad u dareemeen kadib markii ay is maqli waayeen dadweynaha isticmaala adeegoodu.

Saraakiisha Shirkadda Telesom ayaa Waaheen u sheegay in ciladu ka timi dhinaca farsamada isla markaana ay ku hawlanaayeen sidii ay dege deg ugu soo celin lahaayeen hawada.

Dadweyne badan ayay maanta danahoodu kaga lumen ciladan waxaana la dareemay faa’iidada Adeega shirkadaasi bulshada ugu fadhiyay, wallow intii aya xanibnayd maanta hawlo badani ka dayacmeen bulshada.