Guddida Qaban qaabada Kulmiye oo maanta Hogaan dooranaysa iyo kulan shalay loo balansanaa oo fashilmay

0
145

Hirdan ka taagan sadexda xubnood ee hogaamin doona Guddida qaban qaabada oo keentay in la kala xamaan Urursado

kulmiyeHargeysa(Waaheen) Guddida Qaban qaabada Xisbiga Kulmiye oo shalay u soo diyaar garawday in ay dhexdooda ka doortaan shirguddoon haga hawlaha Guddida ayaa dib loogu dhigay maanta kadib markii shalay dareen shaki lihi isku gedaamay Doorashadii loo soo diyaar garoobay oo lagu kala aragti duwanaaday xubnaha la dooranayo.

Kulanka shalay oo ka dhacay Hoolka shirarka Xisbiga Kulmiye ee Cali Maarshaal ayaa waxa ka soo xaadiray sideed iyo toban xubnood oo ka mid ah Guddida qaban qaabada halka sagaal xubnood oo ka mid ah toddoba iyo labaatankii xubnood ay ka maqnaayeen.

Kulanka shalay ka dhacay xarunta Kulmiye ayaa fashiliyay qorshayaal la isla gaadayay oo ay kala wateen labada Musharax ee ku tartamaya Guddoomiyaha Xisbiga Kuwaas oo kala ah Muuse Biixi iyo C/casiis Maxamed Samaale, gaar ahaana qorshaha shalay dhicisoobay waxa soo shaxeeyay Muuse Biixi Cabdi oo ay kooxdiisu soo abaabushay kulankaasi iyagoo ugu talogalay kooxdooda iyo xubno ay si hoose ula soo balameen in ay Hoolka ku shiraan isna doortaan inta aanay ogaan kooxda kale.

Hase yeeshee, sida Waaheen ku heshay Ilo wareedyo xogogaal ah waxa ka war helay kooxda kale ee ay iska soo horjeedaan ee Samaale waxaanay iyana dhinacooda u go’aansadeen in ay ka qayb galaan kulankaasi isla markaana u diyaar garoobaan Doorashada, balse markii Hoolka la isugu soo galay waxa dhacay in Kooxdii qorshaha hore lahayd ee Muuse Biixi taageersanaysd dib u gurato kadib markii ay qiimaysay xaaladu sida ay tahay.

Dood iyo muran kadib waxa soo jeediyay in shirka dib loo dhigo guddoonkii shirka Guddida qaban qaabada oo ahaa Odayga ugu da’da weyn xubnaha guddida oo ah Ibraahim Axmed Haybe(Ibraahim Kacaan) maadaama fadhiga ugu horeeya uu guddoominayo qofka ugu da’da weyn kaasoo ku dhawaaqay in doorashada dib loo dhigo maanta tobanka subaxnimo.

Kulanka shalay oo sidaas u baaqday ayaan sidaas ku dhamaane markii danbe xaaladu waxay isku bedeshay in kooxdii abaabulka hore lahayd dhexdooda iska qabsadaan, qaarkoodna ka dareereen hoolka intii aan dib loo dhigin shirka, taasoo keentay in Guddoomiyaha Guddida Fulinta isla markaana ah Musharaxa Guddoomiyanimo ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ashkato ka geeyo Madaxtooyadda qaabka ay wax u dhaceen isagoo ka biyo diidsanaa kooxdiisa oo la muquuniyay darteed.

Dhinaca kale, Aroornimadii hore intii aan la iskugu iman Hoolka shirarka waxa la sheegay in la waayay qofkii hoolka shirarka furayaashiisa hayay kaasoo sida muuqata aan la sii wargelin in uu shir meesha ka qabsoomayo iyo inkale, waxaanay taasi keentay in Guddoomiyaha Kulmiye Amro in la jabiyo.

Illaa hada lama oga jawaabta uu kala kulmay Madaxtooyadda oo uu kula kulmay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa hase yeeshee waxa muuqata in Loolan adagi durtaba ka bilaabmay doorashada xubnaha guddoomin doona guddida qaban qaabada oo uu Muuse Biixi soo magacaabay dhamaantood, maadaama uu awood sharci u lahaa guddida fulintuna u Ansixisay.

Wararka hoose ee Waaheen ka soo gaadhaya xubnaha u tartamaya guddoomiyaha, ku-xigeenka Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddida ayaa u muuqda in labada kooxood ku kala duwan tahay, hase yeeshee xubnaha illaa hada u sharaxan ayaa la hadal hayaa in ay kala yihiin Abiib Xaamud Jibriil, Ibraahim Axmed Haybe, Xasan Gaafaadhi, Saleebaan Bukhaari iyo Siciid Cilmi Rooble, balse ma cada kooda noqon doona wallow shalay ay muuqatay in lagu kala badan yahay xubnaha 27-ka ah dhinaca ay u jan-jeedhaan.