Golhayaha Kooxda Manchester City jeo Hart Oo laga Yaabo In Uu Galo Kursiga Kaydka

0
74

imagesInta badan wargeysyada Ingariiska ayaa qoray in goolhayaha Manchester City Joe Hart in laga yaabo in uu waayo  booskiisa joogta ah ka dib qaladkii ugu danbeyay ee uu  sameeyay kulankii Chelsea.

Tababaraha City Manuel Pellegrini ayaa samirkii  uu u hayay goolhayaha koowaad ee xulka England uu ka dhamaaday waxaana uu diyaar u yahay inuu kursiga keydka geliyo.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in goolhaye Costel Pantilimon oo berri ciyaari doona kulanka wareega 16-ka ee Capital One Cup ee ay la leeyihiin Newcastle ayaa loo sheegay inuu booskiisa sii xejisan doono haddii uu wacdarro dhigo kulanka St James Park.

Inkastoo uu Pantilimon ciyaari doono  Capital One Cup mar walba hadana waxaa la sugayaa in la arko haddii kulamada Premier League iyo Champions League uu keyd geli doono goolhaye Joe Hart oo qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhac weyn soo wajahay.