Reer Buuhoodle oo Gubay Waraaqihii Tirakoobka Somaliland iyo UNFPA geeyeen

0
151

Buuhoodle(Waaheen) Dadweynaha Reer Buuhoodle ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay buuhoodlewaraaqo loogu talo-galay in lagu soo sameeyo Tirakoobka dadka deegaamadaasi, kaasoo ay dalka si wadajir ah uga fulinayaan Hay’adda UNFPA iyo Somaliland.

Reer Buuhoodle ayaa meel fagaare ah ku soo bandhigay iyaga oo gubaya Waraaqihii loogu talogalay Tirakoobka sidoo kale waxay soo bandhigeen qaar ka mid ah Dadkii Xukuumadda Somaliland waraaqahaas u dhiibtay oo laba Dible u xidhan iyagoo ugu sacabatumay qorshaha weedho u muuqday mu’aamarad oo ay isla ogaayeen iyaga iyo Reer Buuhoodle, oo ka turjumayay in lagu fashilinayay Xukuumadda Somaliland.

Tirade Waraaqaha ay gubeen Reer Buuhoodle waxa ay ku sheegeen qaar ka mid ah Odayaasha iyo maleeshiyada Khaatumo inay ahaayeen sadex kun oo waraaqood waxaanay ku eedeeyeen Hay’adda UNFPA iyo Somaliland-ba in ay u keeneen waraaqo sharci darro ah oo aan lagala tashan, iyagoo sheegay in talaabada waraaqahaas loogu keenay ay ahayd in tirade dadka Reer Buuhoodle la xaqiro.

Talaabada Reer Buuhoodle ku gubeen waraaqahaasi ayaa u muuqda in aanay hay’adda UNFPA iyo Somaliland-ba ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara, oo la odhan karo UNFPA waxba kagama xumaan doonaan ee cida ku ceebaysani waa Somaliland.

Ka hor intii aan la gubin Waraaqahan Xogo Wargeyska Waaheen helay waxa ay sheegayeen in waraaqahaas kooxda loo dhiibay ay guri ku haysatay isla markaana ugu talo gashay in ay soo buux buuxiso iyaga oo aan marin shuruudaha ku qoran oo ah in ay dadka waraystaan, sidoo kale waxa ay wararkaasi sheegeen in isla waraaqo Tirakoob oo ay Hay’adda UNFPA maamulka Puntland soo marisay aya deegaankaasi yaalaan, kuwaas oo noqon doona kuwa rasmiga ah ee shaqaalaha sitaa si nabadgelyo ah ugu shaqayn doonaan.

Arrintani waxa ay muujinaysaa saamaynta ay yeelan doontaa in ay noqon doonto Buuhoodle cida ka talisaa in ay noqon doonto cida dadka deegaanku ay aqbalaan in warbixintooda ay UNFPA hesho.