Fanaanka Caanka ah ee farxaan xidig oo Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ugu deeqay 400 oo kubadood.

0
66

DSC06941DSC06944 DSC06945 DSC06947 DSC06948Hargaysa(Waaheen)-Fanaanka caanka ah ee farxaan  muuse cige ayaa maanta deeq kubadeed soo gadhsiyay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland isaga oo madaarka hargaysa, ka soo dajiyay soona dhaweyeen wasiirka wasaaradaasi cali sidciid raygal iyo dhalinyaro kale oo badan iyo waliba xildhibaano reer boorame ah iyo maayarka caasimada boorama, hadaba farxaan xidig oo wasaarada kula hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay halkanm u imaadeen inay dhalinyarada iyo darba jiifka aan iib san Karin kubadaha ku cawiyaan si ay uga raystaan ayaa uu yidhi tahriibta iyo balwadaha ay ku mashquulsan yahiin isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi .

“alxamdulilaah rabilcaalamiin ilahay ayaa mahadaa iska leh na nabadkeenay, madama oo aan imid dalkaygi hooyo anoo nabada, waan ku faraxsanahay in Wasiirka wasaarada Sportigu Aad iyo Aad ii So Dhaweeyo, Markii Aan Anigu Muqdisho, Is dhex galka Bulshada iyo Wacyi galin Iyo Darbajiifta Ayaan Barnaamijyo U sameeyay, Somaliland Waxaan U imid inaan kubadahan Gudoon siiyo Wasiirka Oo caruurta tahriibta Ku Fikiraysa Ama Mukhaadaraadka Ku  fikiraysa aan wacyi galin Uga Dhigo, Oo Ay kubadaa Ku ciyaaraan, u jeedada Aan u Soconana Waa Taas, Anigu Fanaan Ayaan Ahay music na xad ma laha, markaas bahda warfaafinta waxaan ka codsanayaa anuu dulaan ma ahai, dadkana Duulaan Kuma Ahi Waa Dadlkaygi Hooyo, Kaygii Djbouti, Kiladhka Shanaad , Kii soomaliya, Dhamaan Mesha Ay Somali Dagto, Somali ayaan ahay anuu Ummada Somaliyeedna Meel kasto Ay joogto Fanaan Ayaan u ahay Anuu,Sabata Aanu kubadaha Ugu Wareejinayno wasiirka iyo Somaliland waxaa weeyaan in darbajiiftaas iyo Tahriibka dhibta haysa aanu u sameyno barnamijka wacyi galinta, wasiirkuna uu iga aqbalay aad ayaan ugu faraxsanahay, Dadkan Seefaha iskugu Dhiibaya   ee media hu ka shaqeynayo , waxaan leeyahay ka joojiya walaaltinimada iyo is dhex galka in laga shaqeeyo ayaa fiican,siyaasada Somaliland waa siyaasad ay dad u xil saaran yahiin, anagu hadaanu nahay fanaanin albaab kasta waanu garaaci karnaa, meel Somali ku dhibataysan tahayna waan tagaynaa, Haday Dibad Iyo Guda tahayba wasiirkana waxan aad iyo aad ugu mahad naqayaa , iyada oo ay joogaan mayarki  boorama iyo xildhibaano dawlada ka tirsanba, Aad iyo aad Ayaa uu ugu mahadsan yahay soo dhaweyntiisa iyo qadarintiisa”

Sidoo kale waxaa isna bahda saxaafada la hadlay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland mudane cali siciid raygal oo aad u soo dhaweyey, gacanta uu wasaarad ahaan iyo dal ahaanba ka geystay fanaanku isaga oo ugu mahad naqay kubadahan oo baahi wayn loo qabay inuu keeno dalk, dadka reer Somaliland ee ka aaminsan in uu yahay xildhiban reer somaliya ahna uga digay sheegayna inuu yahay nin Somaliland der ah balse ay dhici karto inuu tago meelo fara badan oo Somali degto madama oo uu yahay fanaan waa qof dadka somalida ah oo dhan u ah fanaan waxaana uu yidhi wasiirku

“ Aad iyo Aad Ayaan uso dhaweynaynaa  farxaan xidig, farxaan waa nin somalilander ah, waakaa isba cadeeyay inuu yahay nin Somaliland der ah,markii dhawayd ee uu yimid, warar bada ayaa na soo maray farxaan waa xildhibaan ka tirsan xildhibaanada Somali weyn, meel walba telefoono ayaanu u dirnay, markaa waxaa naloo cadeeyay inaanu xildhibaan ahayn,waxaa jiray nin geeryooday oo xildhibaan ahaa oo reerkoodana ahaa, ninkaasna waxaa la yidhi waxa lagu badalay nin reer kooda ah oo la yidhaahdo cilmi, ninkana waa nin fanaana waana uu nala soo hadlay waxaana uu noo sheegay in uu dibada uga soo wado, dhalinyarada Somaliland kubada oo uu keeni doono.

Anaguna waanu soo dhaweynay oo diyaarbaanu kuu nahay ayanu nidhi, diyaarbaanu kuu nahay , markaa waxa weyaan aad iyo aad ayaad u mahadsantahay waanan kaa gudoonay waxaana uu noo keenay 400 oo kubadood oo jeebkiisa uu kaga soo deeqay, waaa wax tariikhda u galaya, warbaahintana waxaan leeyahay farxaan wakaas oo waa uu cadeeyay inaanu ahayn xildhibaan somaliya ah, waxaa uu sheegay in uu jabuuti mar ka soo heeso , Somaliland ka heeso , ilaa uu Kenya ka heso , lakin Somaliland ay tahay dal jira ayaa uu cadeeyay”

Fanaanka ayaa hadaba u sii kici timi dona ilaa boorama safari badan isaga oo kumara doona gobalada Somaliland.

 

Yacquub siciid kuuriya

Waaheen, media grup office