Ciidanka Asluubta oo xoog kula wareegay xarunta darbijiifka luul Xasan mataan.

0
82

Hargeysa(Waaheen) Xukuuumadda somaliland ayaa saaka ciidan xoogan u dirtay xarunta luuldarbijiifka luul Xasan mataan si ay ula wareegto maadaama xabsiga la dhigay agaasimihii xaruntaasi marwo Luul Xasan Mataan iyo Carruur ay dhashay.

Xukuumadda ayaa isla saaka si rasmi ah Xarunta Darbi-jiifka xaafadda Maxamed Mooge si rasmi ah ugu wareejisay Ciidanka Asluubta, kuwaas oo maamula xarunta Agoomaha Hargeysa.

Lama oga nidaamka maamul ee xaruntaasi halka uu ku danbayn doono hase yeeshee talaabada ay saaka Xukuumaddu xooga ugu adeegsatay ayaa muujinaysa in ay doonayso in ay cid kale u magacawdo Xaruntaasi oo ay ku jiraan Carruur farabadani.

Luul Xasan Mataan iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa wali xabsiga ku jira, ilaa hadana Xukuumaddu may acadayn danbiga ay u haysato, wallow in badan saxaafadda laga baahiyay khilaafka maamul ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Luul.

Illaa hada lama oga halka xaal ku danbyan doono hase yeeshee dad badan ayaa qaba talaabada ay Xukuumaddu kula wareegtay maamulka xaruntaasi in ay uga sii dari doonto.