HALAQ BAA KU RAAD GADANAYA ARINTA XILDH QABILE By Maxamed Cabdi Cali

0
64

Salaan dhamaan  warbahinta  Somaliland guud ahaanba.

UntitledIntaa  ka dib  waxaan  manta  jecelaystay  in an wax yar ka idhaah  dhacdooyin ku cusub habdhaqanka  Somaliland haday tahay dhanka siyaasada iyo  dhinacyo  kaleba,  oo  aynan hore  u aqoon  balse  hada  ay la soo baxday  xukuumadan KULMIYE, taasi oo ah  weerarka  dilalka  qorshaysan   ee  hada dadka  lagula  kaco  waliba  dadka  birimagaydada ah, waxaan  si gaar ah isku dultaagaya  weraarkii lagu qaaday  xildhibaan  MAXAMED FAARAX QABILE  kaasi  oo ahaa  isku day dil khaarajis ah  balse  Ilahay ka badbaadshay,  waxaanu  xildhibaanku  sheegay  in weerarkiisa ay  ka danbeyeen  nin wasiir  ku xigeen  ka  ah  wasaarada  bilaa  wasiirka  ah CABDILAHI ABOKOR  iyo  Wasiirka  warfaafinta  CABDILAHI  DAAHIR  CAKUUSE  oo  markii hore  ka mid ahaa  wariyayaashi  caanka  ku ahaa  dagaladii sokeeye  ee dalka ka dhacay  sida aad  ku  arki karto  muqaalo  internet ka  la  soo galinayay  bilihii u danbeyayba, taasi   oo  u dawladii  MAXAMED  X. CIGAAL ku  tilmamayo  tii  siyaad  bare oo kale  xoogna  dalka  ku haysta  walibana laga xorayn doono  isaga  iyo  beesha  u ka soo jeedaba  waa  sida  muqaalka   u  ka hadlayo  ka sheegaye.  Waxaa  hadaba  layaab ku noqotay  dad  waynaha reer  Saaxil  in losoo  dhex maray  Wiil dhalinyaro ah oo siyaasada  ku cusub  isla markaana  an la  aqoon xilka dhabta ah ee  u  hayo, madaama  wasarada u wasiir  kuxigeenka  kayahay   anay jrinba, balse  loo samaystay uun  in u iska hor keeno  dadka  reer  Saaxil  ee  wada dhashay  balse   dhibatada  haysata  ayaa ah   waxaa  u  fulinayaa  qorshe aanu fahan sanayn  u jeedada laga leeyahay  iyo cida  soo diraysaa  waxay  uga jeedo, taasi o ah in u isku  dhac  dhinacyo  badan ah la sameeyo  waa  ta kowaade  waxaa  la rabaa in  Reer  Saaxil  dhexdooda  isku dhacaan oo kala  irdhobaan, talabaadna  waa  in beelaha kale ee  walalaha  ay yihiin isku dhacaan sida  beesha  CAKUUSE  ka soo jeedo  ee  SALAXLEY  oo   xidhiidh  qoto dheer  u ka dhaxeeyo  Reer  Saaxil   dhinacyo  badana  leh  sida  siyaasada oo ay  xulufo  ku yihiin iyo  dhinacyo badan oo kale waana  wax yabaha  ugu waa  wayn ee hada  falalkan dabada ku hayaan  sidii loo kala  dililahaa, nasiib  darose  ma fahansana  CABDILAHI  ABOKOR  waxaa  u fulinayaa  meesha  u ka  yimid iyo cida u   u   adeegayo  iyo  u jeedada  laga leeyahay  waxaanu  fahansanayn  in meel  sare  laga hagaayo  cida ay samaynaysaana  isaga tahay, balse  nasiib dari  rag ka  awoodban oo  ka  siyaasisan ayaa  rinta  wata,  isagana  waa  la sii dhex marayaa, si looga gaadho  danta laga  leeyahay  hadhawna la tuuro, balse  waxaa  jira  jilayaal (actors)  badan  oo kale  oo  reer  saaxil ah  daaha  dabadiisa  na ka hagaaya arintan  inankan yarna ku guuraya  siday  jar ugaga talabsadaan,  waxanse  u sheegaynaa  dhamaantoodba in ay candhuuf  tooda dib  u liqaan oo  ay  fashilantahay  u jedooyinka  guracan  ee  ay  wateen, kana digtoon yihiin dhamaan  dadka reer  saaxil oo dhexdooda iyo  dadka kale ee ay  walalah yihiin midna an laga hor keeni Karin,  waxan leeyahay ha ku  soo lugo ina  fudayd  iyo  seef  la boodnimo  midna naga heli maysaan   an  ficilo  qaldan kaga jawaabno  waxaad  doonaysan  lakiin sharci ga  hortiisa ayaan  ceebtina  soo dhigaynaa. CAKUUSE na  tisii ayaaba  cuslayso  oo hada  ceebo badan ayaa  dul hoganaya  mana kula gal galan karo  in u iska hor keeno  reer  Saaxil  iyo  Reer  Salaxlay  isaga oo cid kale u adeegaya  lana soo marayo  sidii  biriijki.

 

Ugu danbayn waxaan u soo  jeedinayaa dadka reer  Saaxil in ay deganaan  badan mujiyaan siday hadaba u mujiyeen  oo  cidna  anay  wax delqaaf ah u gaysan, balse taa  macneheedu maaha  in an sharci la hor keenin  cidi  falalka ku kacday,  waxanan  diyaar  u nahay  in sharciga la mariyo dadka  isku daygii  dil kula  kacay  birimagaydadayada    ciday  doontoba ha ahaate,   waxana loogu horaysinayaa  kuwa    reer  saaxil ah ee  danbiga galay  intay  donaanba  ha  ahaadeene, waa  calooshoda u shaqaystayal  la soo kiraystay  oo  an damiir lahayne  walibana raba in dad kooda iska hor kenaan, mase  gulaysanayaan. Halaq baa  ku raad  gadanaya  mana dareensana.

 

By  Maxamed  Cabdi Cali Hargeisa  Somaliland