Saxaafadda Madax banaan ee Somaliland oo Cambaaraysay Suxufiyiin Mareegaha isku mariyey warar Anshaxa ka baxsan

0
53

Hargeysa(Waaheen) Kulan ay maanta ka yeesheen Guddida ilaalinta wararka ay tabiso Saxaafadda Madax banaan ee Somaliland ayaa falan qayn iyo dood dheer kadib ay ka soo saareen war-saxaafadeed ay ku Canbaaraynayaan warar Anshaxa ka baxsan oo ay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland isku mariyeen Mareegaha qaarkood.

War-saxaafadeedka ay Guddidu soo saartay ayaa u dhignaa sidan:-

War Saxaafadeed.

“ Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaaraynaysaa warar iyo xogo siyaabo kala duwan loogu baaahiyey saxaafadda, kuwaasi oo si ka baxsan anshaxa saxaafadda uga hadlayey suxufiyiin ka mid ah bahda warbaahinta.

Wararkaasi iyo xogahaasi waxay meel-kadhac ku ahaayeen sharafta wariyeyaashaasi, waxaanay ka hadlayeen arimo khusuusiyaad ah oo aanay bannaanayn in saxaafaddu ka hadasho.

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waxay ka xun tahay qoridda iyo faaafinta xogahaasi, waxay ka raali galainaysaa cid kasta oo ay sharafteeda taabatay. Waxaanay warbaahinta faafisay xasuusinaysaa inay baahinta xogaha noocaas ahi ay baal marsan yihiin anshaxa saxaafadda iyo dhaqanka suubban ee Islaamka.

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waxay faraysaa cid kasta oo arrimahaasi ku lugleh inay ka waantoobaan tabintooda iyo faafintoodaba.”

ALLAA MAHAD LEH

Guddida Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland