Golaha Deegaanka Burco oo waxqabad u jeestay khilaaf dhex yaalayna dhameeyay

0
72

“Sadex wado ayaanu dhisaynaa wixii khilaaf ah ee noo dhaxeeyeyna waanu ka heshiinay” Maayar Muraad
Burco(Waaheen) Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) ayaa  sheegay in sadex wado oo laami ah ka hirgalin doonaan magaalada Burco, maayarku wuxuu sidaas shaaca ka qaaday ka dib markii uu shalay si rasmi ah bilaabay wadadii ugu horaysay sadexdaas wado oo uu baneeyay.
Maayarku Burco waxa kale oo uu sheegay inay hawluhu si wanaagsan ugu socdaan isla markaana ay golaha degaanka ee Burco isku duubanyihiin, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa”wadooyin hore oo aanu la kawsanay  way jiraan oo oo koontaraagoodii naga horeeyay laakiin aanu bilawnay. hadana sadex wado oo laami ah ayaanu hawshoodii wadnaa, midi waa tan aanu hada bilawnay qorshaheedii ee aanu hada banayno ee aanu gacanta ku hayno ee ka bilaabanta Hotel nasiye ilaa iskuulkii jarmalka, ta labaad oo ka bilaabmaysa Hotel baarsiigo iyo wadada kale oo Hotel cadaan ka bilaabmaysa ilaa hodheelka geesoole sadexdaasiba labadan Bilood ee sanadkan ka hadhay ayaanu dhamaystiraynaa, waxaa kale oo jira wado kale oo aanu ku xigsiin doono oo ah mid afraad taasoo ay dadwaynaha xaafada hodan gaadiidka tigaha ah waxoogay qaadhaan ah iska ururiyay anaguna aanu ku dari doono wixii ka dhinaada” ayuu yidhi
Mayaarka oo ka hadlay khilaaf beryo dhawayd ka dhaxeeyay isaga iyo xubno ka mid ah Golaha degaanka ayaa sheegay inuu khilaafkaasi hada dhamaaday waxaanu yidhi ”Ragu haduu meel wada joogo waa lays qabanayaa oo shaqada iyo afkaarta ayaa layskaga hor imanayaa, laakiin maanta aad iyo aad baanu isugu duubanahay oo hal tiim baanu nahay, meel wanaagsan baanay marayaan hawlahayagu isku duubni baananu wax walba ku hirgalinaynaa” ayuu raaciyay