Rabshado Ka Dhacay Xarunta Maammulka Gobolka Sanaag, Boliiska Oo Rasaas Kaga Jawaabey Iyo Khasaaaha Ka Dhashay.

0
129

albaabka xarunta gobolkaCeerigaabo(Waaheen) Subaxnimadii Saaka Waxa Dhallinyao gedoodsani rabshado ka sameeyeen Xarunta Maammulka gobolka Sanaag ee Magaalada Ceerigaao halkaas oo uu ilaa shalaytoba ka socdey Tababbarka Dadka ka hawl geli doona diiwaangelinta wasaaradda qorshaynta qaranku waddo.

Waxana rabshadahani sababeen in boliisku adeegsadaan rasaas si ay u kala eryaan dadkan oo isasoo abaabuley oo dhagax iyo qayloba adeegsanayey, qaarkoodna rabeen xoog in ay ku galaan gudaha goobta tababbarkani ka socdey. Lama oga si dhab ah khasaauhu inta uu le’eg yahay haseyeeshee inta la xaqiijiyey gabadh ayaa dhaawac culusi kasoo gaadhey madaxa taasoo cusbitaalka loola cararay..

 

Kacdoonka dadka iyo rabshadahan oo maalmahanba isasoo tarayey ayaa ah kuwo bulshada Ceerigaabo iyo galbeedka iyo bariga Sanaag ku dhaqaniba ku diiddan yihiin habka loo maammulay dadkan tababbarka loo qabtay oo ay u arkaan in aan laga siin saamiyadii ay xaqa ugu lahaayeen. Waxayna u muuqataa in arrintani carqalad ku noqoqnayso diiwaangelin sax ah oo degaannadaas laga soo samayn karo.

 

Sikastaba ha ahaatee miisaanka wasaaraddani qaranka u leedahay iyo mansabka maanta ay ugu qiimaysan tahay bulshada gobolka Sanaag ayaa u muuqda habeen iyo maalin taasoo looga baahan yahay xukuumaddu in ay hoos u eegto.

 

Waaheen.com/Ceerigaabo Office.