Xisbiga Kulmiye oo Ansixiyay Gudidii Qabanqaabada tiradii horena Kordhiyay

0
61

Hargeysa(Waaheen) Kulankii GuddidaFulinta iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku lahaa Guriga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo gabagaboobay waxaana lagu Ansixiyay 27 xubnood oo noqonaya Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

breaKulanka maanta ka dhacay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka oo daqiiqado ka hor soo xidhmay waxa ka soo xaadiray 34 xubnood oo ka mid ah Guddida Fulinta, waxa 27 xubnood ee la Ansixiyay u codeeyay 31 ka mid ah, laba xubnood ayaa ka aamusay guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasna waxaku Ansaxay Guddida qabanqaabada oo ka kooban 27 xubnood.

Go’aanka ka soo baxay Xisbiga Kulmiye ayaa soo af-jaray loolan adag oo u dhaxeeyay Hogaanka Kulmiye iyo Guddida fuliinta, waxaanay dhamaantoodba kuqanceen in baahi loo qabo korodhsiimadan maadaama Cabashooyin iyo loolan siyaasadeed soo kala dhexgalay Xisbiga.

Go’aanka Xisbigu caawa qaatay waxa soo dhiraan-dhiriyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xalay labada dhinacba la kulmay isla markaana ku qanciyay in toban xubnood lagu daro isla markaana Amray in Khilaafka la joojiyo.

Sidoo Ansixiyeen xubno fulinta ah oo lagu kordhiyay xubnihii hore