Hagar-daamooyinka D/hoose ee boorama.

0
119

Sida aan wada ogsoonahay waxa u dhamaanaya Golaha Degaanka Degmada Boorama sanadkii 1-aad markaa waa in ay bulshada na soo dooratay ay nala xisaabtamaan naguna qiimeeyaan wixii horumar ah ee aynu qabanay.

Hadaba,  waxaa na soo galay Dakhli,dawlada hoose ee boorama     

1.Dakhligii Mayerkii  hore (C/Raxmaan Shide Bille) nagu wareejiyay + dakhligii u soo xarooday D/Hoose ee Boorama sanadka 2013ka  ee siidhamaanaya+ Dakhligii JPLG ee horumarka ahaa,  +  Dakhligii 3-bilood-yada kabka ahaa ee aan ka helnay D/Dhexe + Dakhligii 3-bilood-yada ahaa ee shirkada Adeega Biyaha Boorama ee (Shaba) + Dakhliga Cashuuraha Bariga Boorama + 200.000.000/- (Labadii boqol ee malyuun) lagana amaahday Baanka Dhexe ee Boorama,  + Raashinkii mucaawinimada ahaa ee Dowladaha Hoose ee Boorama iibisay + Dakhligii D/Hoose ee Boorama u qaban jirtay Jaamaca Camuud oo ahayd 3% oo gabi ahaantiisba la siinin sanadkan sii dhamaanaya , intaasi oo dhani  waxay u soo hoyatay D/Hoose ee Boorama. 

Si  hadaba bulshadu u ogaato waxa aanu qabanay  iyo waxaan ku soo kordhinayba waxaan jecelnahay in ay nala xisaabtamaan si wax uga ogaadaan waxa ay noo doorteen ee aanu qabanay sanadkani sii dhamaanaya,

Hadaba Bulsha waynta waxaan ugu baaqayaa in ay bulshadu bixiso cashuuraadka lagu leeyahay, ayna nala  xisaabtamaan, si ay xog dhab uga ogaadaan wixii ay bixiyeen in ay ku baxday wixii looga qaaday  in loogo qabtay iyo in  kale.

Waxa kale oo aan ugu baaqayaa Hanti dhawka Guud ee Qaranka iyo dhamaan  laamaha ay  khusaysaba  in ay  ka war hayaan D./Hoose ee Boorama.

Waxa kale oo aan Raali Galin ka siinayaa Madasha Wada tashiga iyo toosinta qaranka  hadalkii ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Boorama ahna Meyarka Boorama Mudane Sulaymaan Xasan Xaddi ee ahaa      ( in ayna magaalada Boorama imaan Karin haba yaraatee Madasha Wada tashigu soona gali Karin Degmada Boorama, )

Waxaan anigu  aaminsanahay  xildhibaan  ahaan  in dalkeena ay jiraan Sadex xisbi qaran, oo kala ah (Kulmiye Wadani iyo Ucid)  iyo labo Gole oo kala ah  Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamaanka  kuwaasi oo ku dhisan sharciyan iyo Distooriyanba,

Waxaase jira in madasha wada tashiga ay ku jiraan Rag mas’uuliyiin ka ahaan  jiray qarankani iyo qaar ka ahba sida Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, isla markaana karaamo ku leh iyo xaqba Bulshawaynta Somaliland Rag aqoon yahan ah, Siyaasiin Ruug cadaa ah, dal-kana aad looga yaqaan loona qadariyo, magac iyo sumcadba ku leh dalkani, in badana ka soo shaqeeyay jiritaanka iyo gooni  isu taaga Somaliland, ma jirto sabab diidi karta in si gaara loogu diido imaatinka ay ku  iman karaan Magaalada Boorama ee Caasimada Gobolka Awdal, sida ay ugu nool yihiin Gobolada dalka iyo Degmooyinkaba. 

Siddoo kale waxaa dhawaanba joogay magaalada Boorama na-gulana ciiday qaar ka mid ah Madaxda Madasha wada tashiga cid u diidayna ma jirin. Xeer Gaar ah oo Boorama u diidayaana dalkani kama jiro, cidii denbi dalkani ka gashana waxaa jira hay’ado ku shaqo leh.

Sidaa darteed, waxaa lanoo soo doortay in aan ka shaqayno bilicda iyo nadaafada  degmada  Boorama.

Xildhibaan Maxamad Muumin Aadan (Kacab)