DHADO ROOB NOQON WAYDAY Wadanina!!! Q.1aad Qalinkii Hussein Hassan Hussein

0
275

ffJulay 2011 waxay ahayd wakhti ay saaxada siyaasada  ku soo koradhay xisbiga UCID in la kala sheegto iyada oo ay dhalisay xurguf saamayn ku yeelatay bulsho badan oo ku xidhnayd Xisbiga, khilaafka iyo damaca ka dhashay cidda hogaanka u noqonaysa xisbiga waxay keensatay in gacmaha layskula tago ama suuqyada layska ugaadhsado, iyada oo ragbadan ku riday hurdo la’aan sidii ay damacooga meel adag ugu tiirin lahaayeen ama ay ahaan lahaayeen kuwa ugu dambeeya ee marjaraha u qabta, waxa kale oo ay ahayd taariikh si mug leh loo arkay firfircooni iyo damac siyaasadeed oo ku soo baxday Gudomiyaha wakiilada oo ahaa xubinta ugu mihiimsan ee Xisbiga ku jirtay marka laga reebo Gudomiyaha Xisbiga.

Dhacdadaas waxay saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelatay Faysal Cali Waraabe iyada oo jiif iyo joogba u diiday in haldoorkii xisbigiisu  xadhiga u jaraan, iyadoo laysku waydaarsaday erayo meelo badan taabanaya oo ay kamid ahaayeen: Ucid 300 oo cod wax ka badan kumuu soo darsan ee aniga ayaa u yeedhay iyo erayo kale oo ay kamid ahayd sidii gobalka togdheer giinbaarta looga badalay ayaa Ucidna hogaankiisa loo badalay, weedhaha kulul iyo isku tiiqtiiqsigu waxa uu gaadhay in xaflado dhexdooda lagu dagaalamo, wuxuu arinkani jiitamo aakhirkii waxa lahaanshaha xisbiga loo gudbiyey maxkamada sare taas oo aakhirkii usoo celisay Ucid hogaanka iminka ilaa aasaaskiisii gacanta ku hayey, taasina waxay keensatay in Hotel Guuleed loogu wanqasho Urur cusub magaciisuna qurux badanyahay WADANI kaas oo ay ku bahoobeen labeentii Ucid iyo tiro badan oo kasoo goosatay UDUB, ibbo furka Ururka cusub ee Wadani waxa uu aad u soo jiiday bulshada reer Somaliland iyaga oo aad ugu ashqaraaray sida farshaxanimada leh ee loo agaasimay taas waxa cadayn kuugu filnayd sida balaadhnayd ee xubnaha golaha wakiiladu ugu biirayeen iyo bulsho waynta kale ee reer Somaliland.

WADANI waxa uu noqday Urur muuqiisu dheeryahay kuna ladhanyahay hadal qabow oo duurxul siyaasadeed iyo qosol u badan, xaflad kasta oo la qabsanayana waxa ku soo jiidanaya arimo ay ka midyihiin midabka aadka u qurxoon ee astaanta u ah, heesta wadaniga ah ee suuqeedu shidanyahay (wadaniga dhabta ah Allow dhowr)  iyo Dhaqaale farabadan oo aad uga muuqda xafladaha qabsoomayaba, waxa kale oo ka mid ahaa dad akhyaar ahaa oo bulshada aad uga dhexmooqday miisaankoogana lahaa oo xafladaha soo camirijiray lakin muuqaaladaasi may ahayn kuwo dowlada ama xisbul xaakimka sas wayn ku keenay inkasta oo ay jirtay socdaalo badan oo dhinaca bariga Kulmiye iyo Wadani ay isku kala muujinayeen, arimaha dhinaca sare aynu ku xusnay waxay bixisay laba sawir oo mid la dhacsanyahay midna uu Wadani u kala saariwaayey Muxaafid iyo Mucaarid marba kuu yahay iyaga oo hadalkooga bud-dhig uga dhigaya kujo la’aanta dhinaca xukuumada badalkeedna ay Ururada kale bartilmaameed u ahaayeen.

Si kasta oo ay ahaataba Wadani oo miisaankiisu uu kasoo jeedo gobalada bari ayaa waddo dheer oo loolan adag ah ay wada galeen Urur markaa loo arkayey inuu yahay mucaarid adag hogaana uu ka yahay Dr Gaboose oo dhinaca olalaha khibrad badan u leh lakin hore ayaa loo yidhi nin wakhtigu sito cidi ma horjoogsan karto, waxa uu noqday mid si wayn loo arkay muuqaalkiisa awoodeed isaga oo rag badan muquuniyey.

Wadani iyo Shirkii Daalo:

Shirka daalo ka qabsoomay oo ahaa shir aad u qiimo badnaa oo saamayn ku lahaa Ururo uu Wadani ka midyahay ayaa hadana waxa soo jiidasho lahayd sida uu Wadani uu shirkaas uga qayb galay iyadoo loo arkayey in Wadani uu muquuniyey dhamaan Ururadii kale ee hamigu hayey uguna horeeyeen Umada iyo Udub, hogaanka Wadani waxay muujiyeen xirfad ah inay gacanta ku dhigaan inta badan xubnaha golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo shirkaasi khuseeyey iyaga oo wafti ahaanna iswada raacay, miisaanka ka qaybgalka Wadani waxay noqotay mid aad u soo jiidatay saxaafada iyo bulshada kale ee dusha kala socday shirkaas, Wadani waxa uu noqday Ururka qudha ee wafti aad u balaadhan oo haldoor badan ku jiro  shirkaas kaga qayb gala, taasi Wadani waxay u dhashay in uu hantiyo quluubta bulshadii shirka joogtay iyada oo erayo aad u sarbeeban fariin culusna xanbaarsanayd uu hogaanka Wadani bulshada shirka timiday u gudbiyey iskuna muujiyey inuu yahay qofka ugu munaasibsan cuntami karana ee maanta saaxada siyaasadeed taagan.

Wadani iyo Doorashadii Golayaasha Deegaanka

Waxay soo aloosnaataba waxa la gaadhay in sanduuqa loo dareero, saaxadana kula tartamaan 6 Urur oo ay ka mid yihiin laba xisbi Qaran, Wadani ayaamaha sanduuqa loo dareerayey waxa loo arkayey inuu yahay Ururka kaalinta koobaad kaga soo baxaya doorashada marka loo eego muuqaalkiisa iyo qaabdhismeedka Xisbiga lakin waxaynu odhan karnaa arintaas waxay noqotay mid hoos u dhac wayni ku yimiday inkasta oo uu soo baxay iskuna badalay Xisbi, dhanna waxaynu odhan karnaa waxa uu helay siyaasiyiiin miisaan leh oo wakhtigu dabray kana mid yihiin Gaboose iyo Warancadde.

Hadaba si kasta oo wax u jiraanba Wadani waxa uu noqday mid dib u shiiqa su’aalana layska waydiiyo waxay tahay dhadada ku dagtay Xisbigii muuqa dheeraa ee Wadani lakin bulsho badan waxay u aanaynayaan dib u dhaca wayn ee ka muuqda Wadani inay keensatay in hogaanka xisbigu awood u yeelan waayeen inay Xisbiga u yagleelaan Xisbi mucaarid ah bulshadana u gudbin kara barnaamij isbadal lakin taas badalkiisa shacabku  waxay fahmi waayeen doorkiisa siyaasadeed mucaarid iyo muxaafid halkii lagu tiirin lahaa, sida oo kale hogaanka xisbiga oo ah hogaan jilicsan oo loo arki karo inuuna dal sidan u dhib iyo howl badan ku fiicnayn wajigiisana aan marna laga akhrisan Karin xaaladaha  kala duwan macaan iyo qadhaadh kay doonto ha yeelatee ayaa ah waxyaabaha dib u socodka ku wada xisbiga.

Wadani iyo Golaha Wakiilada

Markaynu ka hadlayno wadani iyo golaha wakiilada dib u raaci mayno sooyaalkii taariikheed 2005 kasoo bilaabmay lakin waxaynu si gaar ah u eegaynaa muddo ku siman inta jiritaanka Wadani kula simanyahay, Gudoomiye A/rahman Cirro waa shakhsi haya laba xil oo inbadan keensaday isqabqabsi sharci lakin waa hogaan ku dhagan xilka shir gudoominimo iyada oo faa’ido balaadhan u leh dhinaca dhaqaalaha, Wadani lacagta lagu maalgaliyo waa mid kasoo xarooto gunooyinka golaha wakiilada laga leexiyo sida kharashaadka shiidaalka iyo deeqaha capacity building ka loogu talo galay kana timaata duwalka reer galbeedka, waxa kale oo xisbiga wadani uu adeegsadaa gaadiidka shirgudoonka iyada oo campaign ka lagu sameeyo, isticmaalka hantida umada ee lagu yagleelay Wadani howlihiisana lagu kala socod siiyo waata keensatay fadhiidnimo xisbiga wahel la noqotay, isku dhajinta xilka gudoomiyanimo ee wakiilada waxay Wadani ka lumisay go’aan qaadasho adag inuu yeesho ama waji adag oo mucaaridnimo inay muujiyaan, waxaynu la soconaa xeerkii wadooyinka ee golaha wakiiladu aqlabiyada ku ansixiyeen siyaabaha laba wajiilaynta ah ee Gudoomiye Cirro u waajahay isaga oo ku sugnaa marba kii ii roon, waji gabaxa Wadani haleelay waxa kamid ahayd aragti midaysan inay ka yeeshaan xeerka wadooyinka waxayna isku tirinayeen Xisbiga ugu xilibaanada badan lakin taa waxa dishoonaysa inayna midabka Liimiga ah ayna wax ka hoosayn awoodna u lahayn inay Kulmiye meel kula tartamaan.

Akhriste waxaynu qormooyinka soo socda kaga hadli doonaa haddii allah idmo hogaamin la’aanta gudoomiye Cirro ee dhinaca siyaasada iyo sida uu saamaynta togan ugu leeyahay xagal daaca wayn ee dib u socodka ka dhigay Xisbiga inaga oo dhinacyo badan ka iftiimin doona.