Burco Duuray waa arrintii dhalisay Halgankii Buuralayda Golis Ali Yussuf

0
95

Hadii aanay ahayn subaxnimadii hore ee 17kii Oktobar markii uu Alleh ha u naxriistee Muj. Lixle ay ka ambabaxay Xarshin waxay ahayd 16kii bisha. Waxan si fiican uxusuusan karaa barqadii 17ka Oktoobar, aniga oo taagan faras magaalaha Xarshin ayaa waxa daf isoo yidhi AHNc Muj. Ibrahim Koodbuur oo ka tuuraya oo ka soo galay Burco Duuraya. Xataa imuu salaamin ee markiiba isaga oo hadalka gaabinaya ayuu igu bilaabay” waar ninki labada suul buu ku taagan yahay waxanu doonayaa inu ciidankii dhaqaajiyo oo gudaha la galo bal waxad yeeshaa shaydaan wax la yeelye dhar carabi ah wixii dukaanada ka heli kartaan mid ha kaga imanina. Ciidankuu sheegayaa waa guutadii Sayid Cali oo xulkii sedexda qaybood oo la isugu geeyay Awaare wax yar ka hor wakhtigaa na ka soo baxay Awaare. Nin dirayskii qabalayga ahaa wax uu iskaga bedelo haystaa hadii uu jiraba wuu yaraa, taas na si fiican ayaan u garanayaa. Wixii aanu Xarshin uga heli karaynay markii aan ku wareejinay ayaa markii ba is rogay dabcan tuulooyinka kale ee ilaa K. Abokor wixii uu ka helay na waa laga yabaa inu ku darsaday. Siduu mar dambe marxuunku ii sheegay waxa kulmay biraygii uu ku qabtay iyo xabadii ugu horeysay ee yool baadhka ahayd sidaa ayuu ku bilaabmay dagaalkii Burco Duuray oo ka mid ahaa goobihii dagaalada ugu qadhaadhi ku dhex mareen xoogagii Ciidanka Xoraynta ee SNM iyo ciidamadii taliska Siyaad Bare. Waxa aan noqoday sababtii ugu muhiim sanayd ee soo dedejisay halgalkii buuralayda Golis gaar ahaan dhinaca galbeedka oo si miidaamo ah isugu soo tuuray buuralayda galbeed iyagoo 140 ah oo ay kalabadh in ka badani ku dhinteen.