Ma cibaado Alle mise Macaamil dad?!!! W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
83

coomayXasan markuu salaada subax tukado kuma noqdo hurdada. Waana masuul xil haya, wuxuu shaqada tagaa 7:00 aroornimo, wuxuu xafiiskiisa yimaadaa iyadoo ay xaadhayaan shaqaalihii nadaafadu iyo ilaalihii xafiiska oo markaasi quraacanaya. Dadka doonaya inay hawl iyo shaqo ugu yimaadaan, waxay soo xaadiraan 6:30 aroornimo oo way barteen inuu yahay nin shaqada hore u soo gala, oo aan jaad iyo jinni cunin.

Dad badan ayaa aad ugu sacabo tumay, hab-dhaqankan masuulku muujiyey. Xafiisyadii kale ee lagu shaqaynayey way xidhan yihii, kiisa oo keliya ayaa ka shaqaynaya. Mararka qaarkood wuxuu soo raacaa baska shicibka, markaasay dadku ku murmaan waa masuulkii hebel iyo maaha waa mid u eeg. Wuxuu shaqadiisa dhammeeyaa iyadoo aanay gaadhin 11:00 aroornim, halka xafiisyada kalena wakhtigaasi ay shaqadu u bilaabmato.

Waxay indhahaagu qabanayaan xafiisyo la dhooban yahay oo dadkii is-gaadheen siday u sugayeen masuulkii xafiiska maamulayey. Xafiiska Xasan wuuu haawanayaa oo beri hore ayaa lagu kala tegay. Laakiin nimco weliba nusqaan leh. Xasan wuuu ka soo baxay waajibkii ilaahay iyo shaqadii ummadda, laakiin waxay inkaari kaga dhacday maacmilka dadka iyo sida dadka loola dhaqmo. Dadkaasi uu shaqada u qabanayo, way isla-dhib muteen.

Qofna ma qancin karo, markay laba eray is-weydaarsadaan, ayuu bikh iska siinayaa sidii foodlay yar oo naaska la taabtay. Ma aqoonsana in macaamilka dadku yahay aqoon iyo dhaqan umaduhu ku kala socdaan. Waa keligii toosane, keligii toosiye, keligii taliye, keligii tiirshe, keligii tiiriye, keligii tebiy. Keligii, keligii………….

Wixii loo soo jeediyo marna ma aqbalo. Hadalkiisu waa xukun aan racfaan laga qaadan Karin. Markaad saddex kalmadood is-weydaarsataan kalmada afraad ee afkiisa ka soo baxdaa waa tuugyahow. Waxa ku dhacay xanuun ah inuu keligii daacad yahay, dadka kale oo dhamina tuug yihiin. Waxay dadku ku doodaan inaanay is-qabanayn maacmil xumada Xasan isagoo xil haya iyo shaqada uu ku soo kalahayo.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com