Tacsi (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun)

0
127

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan Shaqaalaha Dalladda SONYO iyo Guud ahaan dhallinyarada Somaliland waxa ay Tacsi u dirayaan Eeheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo Maanta lagu aasay Magaalada Gabiley. Caaqilka oo ka mid ahaa Madax dhaqameedka Miisaanka dalka ku leh waxa ay guud ahaan Masuuliyiintani Tacsi taasi la mid ah uga dirayaan dhammaanba Qaranka Somaliland shicib iyo dawladba waxaanay Marxuumka Alle Uga Baryayaan in uu Jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

 

Mubaarak Ismaaciil Taani,

Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO

Hargeysa, Somaliland.