Sheeko Kale Keen: Hungri Weyne Waa Halaag Prof. Cabdisalaam

0
182

Nin beer leh ayaa soo iibsaday dameer u ka dhigto gaadiid uu rarto ugna kala goosho beertiisa iyo magaalada. Ka dib marka uu dhameeyo shaqadiisa, ninka dameerka lehi waxa uu dhegaa caws. Cawskaasuu ka dhergaa oo mabsuud ku ahaa.

Maalin dambe ayaa wuxu arkay sac beerta ku jira oo geedo naq ah daaqaya. Sacii ayuu u tegay. Ka dibna sheekadan ayaa dhex martay.

Dameer:        Adiguna geedo ugbaad ah oo adgoon ayaad maalin walba daaqaysaa,

anna caws qalalay ayaan maalin walba hiigayaa. Sacow sidaasi ma

cadaalad baa?

Sac:                Waar dameer, waxa aad cunto anigu kama war hayn. Waxan se moodayay In aad mabsuud ku tahay cuntada lagu siiyo. Haddii se aad cabatay, waxan ku  tusayaa meel beerta ka mid ah oo cunto wanaagsan oo macaani ku taalo.

Dameer:        Aad baad u mahadsantahay. Waar bi’ waaye meeshi hore ii gee.

Sac:                Waan ku gaynayaa, hase yeeshee, shardi baa ku xidhan meeshaa

Cunadeeda.

Dameer:        Oo waa maxay shardigu?

Sac:                Meesha lagu geynayo waxa ka baxa Alaa Sonkor. Waa geed aad u macaan.  Waa geedka sonkorta laga sameeyo. Shargiguna waxa weeye, in aad baarka sare uun ka cunto oo aanad geedka guntiisa gaadhin.

Dameer:        Saca Dhiinow, Saaxiib! Mar haddii lay ogolyahay inaan baarka sare ee curubta cuno, maxaa gunta hoose ee gahayrta ah ii gaynaya? Waar dhareerki iga madhaye meesha hore ii gee.

Sacii meeshii Alaa Sonkorku ka yaalay ayuu dameerkii geeyay. Dameerkina Alaa

Sonkorkii ayuu ku degay. In kasta oo uu macaasaday, hadana in muddo ah

shardigii wuu oofiyay oo wuxu ku ekaaday inuu cuno baarkii sare. Baarku

Markiiba dhakhso ayuu u soo baxaa, sidaa darteed, ninkii beerta lahaa ma tebin in

dameerka cunayo Alaa Sonkorka. Hasa yeeshee, waxuu is adkeeyoba dameerki

wuxu macaansaday Alaa Sonkorkii. Waxaanuu bilaabay inuu ilaa gunto cuno.

Sacii baa arkay falkiisii. Isaga oo naxsan ayuu dameerkii u tegay. Wuxu ku yidhi:

Sac:                Waar dameer, sow tii aan kuu degay mahaa? Sow tii aan shardiga aad

Alaa Sokorka ku daaqayso kuu sheegay mahaa? Maxaad shardigii u burisay? Maxaad geedkii ilaa gunta uga saartay?

Dameer:        Waar Dhiinow, waan macaansaday, waan macaansaday, waan

Macaansaday! Weligayba wax sidaa u macaan ma cunina!!!

Iyaga oo wada hadlaya ayaa ninkii beerta lahaa maqlay. Ka dibna waxa uu arkay

Alaa Sonkorkii oo in badan ilaa guntii la cunay. Sacii iyo dameerkii ayuu ku jeestay

Oo ku yidhi:

Beerle:           Yaa Alaa Sonkorkii gam ka siiyay?

Sac:                Waxa gam ka siiyay dameerka.

Beerle:           Waar dameer, madaa Alaa Sonkorkii gam ka siiyay?

Dameer:        Sayidii, Anaa gam ka siiyay. Weligay wax sidaa u macaana ma cunin oo markii aan dhadhanshay waan iska qaban waayay!

Beerle:           Mar hadaad Alaa Sonkorkii gam ka siisay, oo xadkii aad lahayd ka gudubtay, oo aad amaanadii khiyaamaysay, i ag joogi maysid aniga eh, waan ku iibinayaa.

Sidaas ayuu ninkii beerta laha dameerkii, hungriga weyni halaagay, ku iibiyay.