Kulmiye oo ku kala kacay Ansixinta Guddida qaban qaabada

0
84

Hargeysa(Waaheen) shirkii ka socday Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland breaC/raxmaan Saylici ee lagaga Arrinsanayay Xubno guddi qaban qaabo ah oo uu Hogaanka Kulmiye soo magacaabay ayaa goor dhaweyd Natiijo la’aan ku dhamaaday.

Ilo wareedyo u dhuun daloola madaxda Xisbiga Kulmiye ayaa Waaheen u xaqiijiyay in buuq iyo Loolan adag kadib Guddida Fulinta iyo Hogaanku dib u dhigeen illaa salaasada Ansixinta Xubnaha oo ay isku mari waayeen.

Si rasmi ah looma oga asbaabaha keenay in shirkii loo fadhiyay ku dhamaado Natiijo la’aan wallow dad badan oo saadaaliyay sheegeen in aanu midho dhalayn, maadaama Hogaanku xubnaha ay soo magacaabeen u muuqdaan dagaal aanay qarsan isla markaana Liiska ku taxeen kooxdooda oo kali ah.

Mudada balanka danbe la qabsaday ka hor ayaa lagu wadaa in ay axaaladu sii kululaan doonto maadaama Wasiirka Maaliyadda iyo kooxdiisii ay dalka ku soo fool leeyihiin isla markaana ay soo guteen waajibaadkii Xajka oo laga sii gaadhsiiyay.

Si kasta ha ahaatee waxa Kulmiye ka dhex Curtay Loolankii ugu adkaa ee shirweynaha kaasoo aan la saadaalin Karin cawaaqibkiisa.