Haddaad adigu dhoofayso,anigu waan dhaqanayaa!

0
101

aarWaxay ahaayeen saaxiibbo aad iyo aad isku jecel,haddana waxay ahaayeen walaalo isku dhalasha xigay,laakiin markay sheekaysanayaan waxaad moodaa rag saaxiibo ahaa waligoodba,se aan ahayn walaalo.Waxay u sheekaystaan si aad la yaabayso,waayo walaalaha waxa lagu yaqaan in aanay israacin inta badan ama ugu yaraan aanay xidhiidh ka baxsan guriga lahayn,Cali iyo Cumar se waa saaxiibo waliba isku xanqarsada.Cajab!

Labadii wiil ee walaalaha ahaa ayaa mid ka mid ah xiise u qaaday inuu dhoofo,waxaanu kii kale u sheegay inuu rabo inuu waddanka dibada uga baxo si uu uga mid noqdo dadyawga hormaray ee ku naalooda nolosha fiican iyo dhaldhalaalka adduunka.Ninka sidan u fekeray waa Cali oo in muddo ahba madixiisa ay ka guuxaysay arrin aan hore loogu arag,laakiin Cumar oo laba sanno hoos uga yar wadhaa ma hayo oo waxa uu ku qanacsan yahay nolosha waddankiisa hooyo,ee uu u arko inuu sharaf iyo karaamo ku haysto,waxaanu ku fekerayaa inuu halkan(waddanka)ku dhaqdo,dhalo kuna idlayso noloshiisa inta ka hadhay ee alle ku simo.Cali waxa uu ku mashquulay raadinta dad dhoofka u dhuundaloola oo xog ku caawiya,hadday suurogal tahayna ay israacaan.

Cumar waxa uu ka fekerayaa sidii uu iskula heli lahaa waxbarasho iyo shaqo,isaga oo rajaynaya inuu marka uu waxbarashadda dhamaysto uu halka waxbarashadda ku bedeli doono reer iyo mustaqbalkii rasmiga ahaa,halkaana uu ka yagleeli doono raas balaadhan oo lagu soo hirto,isaga oo rajaynaya inuu alle ubad khayr qaba siiyo.Aamiin Yaa Rabbi.

Cali waxa uu safarkiisii ugu horeeyey ka bilaabay waddanka Yemen,isaga oo halkaa in muddo ah kusugnaa,waase laga soo mastaafuriyay,waxa kaliya ee uu ka soo faa’iidayna waa inuu indha baraqsaday oo uu wax fahmay.Waxa uu haddana u dhaqaaqay Itoobiya,isaga oo qaaday jid dheer,waxaanu gaadhay Sudan,halkaas oo uu ka bilaabay wax barasho,isaga oo in muddo ah ku sugnaa,yoolkiisa oo aan ahayn Sudan awgeed,waxa uu haddana bilaabay safarkiisii,isago markan diyaarad raacay oo tagay Jordan,waxaanu sii maray Suuriya,Turki,Giriig iyo ugu dambayntii Yurub oo ahayd halkii uu u socday,waxaase uu gaadhay isaga oo aanay naf ka sarayn jab iyo hoogna u dhamaaday oo waxa ugu darran ee uu ka werwerayaa waa da’diisii oo gabaabsi noqotay,waxa uu madaxa ku yeeshay cirro,timihii way duuleen,daamamkii way durkeen,daranyaa ka muuqata oo qofka arkaa wuu ka naxayaa Cali gii uu yaqaanayna maaha ee waa nin rafaad u soo dhamaaday,kaaga sii darrane,waxa lagu yidhi nolosha hadda bilow oo kuuli gal,kalah,kac oo kuf iyo kadeed aanu kaba filayn meesha.Ma Cumar baa inta uu dugsi sare dhameeyay ayuu helay shaqo fiican oo kaafiday reerkoodii,isaga oo markii dambana reer yeeshay oo guursaday,waxaanu dhinac degan yahay ehelkiisii oo marka uu soo rawaxo iyo marka uu sii shaqa tagayaba waxa uu ku indha doogsadaa ehelkiisa iyo asxaabtiisa daawanaysa labiskiisa.Cali ayaa degalkuu kasoo kicitimay kusoo laabtay isaga oo noloshii wali yabyabaya,wixii uu hamiga ku hayayna aanay waxba uga suurtogalin.Shaqo muu helin wali,iskuul ayuu tagaa,lacagta tigidhkana waxa uu iskaga soo bixiyay lacagtii caydhii,ehelkii iyo asxaabtii uu katagay waxay sugayaan nin lacag kadaadaadayno oo si balaadhan ayaa loosugayaa soo dhawayntiisa,qolyaha qayilaana qawlalada ayaabay kasii xooriyeen,oo qiyaas la’aan ayay iskaga qaateen jaadkii.Ma Cumar baa laba wiil ayuu dhalay,waanu dheefay oo wuu dhaqduu dhistay,waxaase afkala qaad iyo ammakaag dilay markii Cali madaarka uu ka soo degay isaga oo diifi wali ka muuqato.Waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhacay dadkan usoo baxay soo dhawayntiisa hadhow muxuu  biyo ugu shubi,sharaab isaga ha soo hadal qaadin.Dee isba muu cabbin,maxaa u diiday?Mooyi.Cadho badanaa,ciil weynaa,maxaa ku soo celiyay ayuu is leeyahay.Ma ehelkii iyo asxaabtiibaa,midba dhinac ayuu dhabanada u qabsaday.

Cumar baa ku yidhi “Haddaad adigu dhooftay,anigu waan dhaqdee,kaalay soo dhugo,marwadayda Dhool,dhalaankaygiyo nolosha aan   dhisee,dhiibsan”Aah……Aah!

 

W/Q:Sa’ad Mohamed Hassan(Aareeye)

Email: aareeye2020@gmail.com