Booliiska oo madaarka Hargeysa ku qabtay Ilmo sided bilood jiray oo Muqdisho loo waday

0
112

Waxa u xidhan shan qof oo sitay Ilmaha oo isku tuur tuuray

Hargeysa(Waaheen) Booliiska Somaliland ayaa Doraad xabsiga dhigay shan qof oo sitay Ilmo yar oo sideed bilood jiray kaasoo ay u dhoofinayeen Muqdisho, waxaana gacanta ku haya shanta qof iyo Ilmihii yaraaba Ciidanka Baadhista Danbiyada CID-da.

breaking3Shanta qof ee Booliisku qabteen iyagoo Ilmaha yar ka dhoofinaya Madaarka Hargeysa waxay kala yihiin laba Nin iyo Sadex Dumar ah, illaa hadana lama oga sababta rasmiga ah ee shantan qof Ilmaha Yar u dhoofinayeen hase yeeshee waxa la ogaaday dhacdadan in aanay shantan qof dhalin mar uu lmaha Yari Ooyay.

Qof ka ag dhawaa oo ka mid ahaa dadka dhoofayay ayaa weydiiyay sababta Ilmaha yar u Ooyayo iyo waxa ay u Aamusiin kari la’dahay mid ka mid ah sadexda Dumarka ah ee u xidhan oo markaas gacanta ku haysay, waxaanay sida la sheegay ku dooday in aanay garanayn ee mid ka mid ah labada Nin ee u xidhan Arrintani u dhiibtay.

Shanta Qof ee kiiskan u xidhan ayaa la sheegay markii Booliisku su’aalo ka weydiiyeen Ilmaha Yare e ay siteen in ay isku tuur tureen taasina ay sababtay in Booliisku ka soo reebaan Duulimaadkii ay raaci lahaayeen isla markaana u taxaabaan Xarunta CID-da oo ilaa hada lagu baadhayo arrintooda.

Saraakiisha Booliiska oo aanu isku daynay inaanu dhacdadan wax ka weydiino ayaa ka gaabsaday hase yeeshee ilo wareedyo muhiim ah oo arrintan u dhuun daloola ayaa sheegaya in mid a mid ah Haweenka u xidhan Kiiskani sheegtay in taar looga soo diray Xamar isla markaana laga soo codsaday in ay Ilmaha yar Hargeysa uga soo qaado.

Sidoo kale, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in nin Sucuudiga jooga oo u dhashay Barriga Burco sheeganayo Wiilkan yar isla markaana uu isagu kooxdan xidhan qaarkood Ilmaha Yar u dhiibtay si ay Xamar ugu geeyaan.

Si kasta ha ahaatee Booliiska Somaliland illaa hada wax war ah oo ay ka soo saareen arrintani ma jirto, waxaana la filayaa in ay wali ku hawlan yihiin baadhista xaqiiqada Ilmahan Yar.