Beesha Ciise Maxay Ka Dhaxashay Xornimaddii Jabuuti, Burburkii Dowladdii Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Dowalad Deegaanka Soomaalida Itoobiya..? Qoramadii 1aad.

0
35

Waa Qormo taxane noqon doonta hadii Rabi idmo oo aan diirada ku saarayo dhaxalka Beesha Ciise ka dhaxashay Xornimadii Jamhuuriyadda beesha ciise Jabuuti, Burburkii Dowladii dhexe ee Somaaliya iyo Imaanshiyaha Madaxweyneha Dowaladd Deegaanka Somalida Itoobiya bbbMudane Cabdi Ileeye, Anoo qoraalkayga daah fur uga dhigay Murtidii ay inooga tageen Waxgaradkii ciise ee aheyd “ Ciisuhu waxay wadaagaan 3aad , 1) Dhul, 2 ) Dhalasho, 3) Duulaan” sababta aan u soo qaatay waa arin mug leh joogtana xiligeedii.

Muddo hadda laga jooga 36aad sanno wuxuu waa u baryay shacab weynahii reer jabuuti kana mid noqoday Dadkii iska tuuray heeryadii gumaysiga , Xornimadii Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa dhiigooda iyo maalkooda u huray dadweyne badan oo qaarkood ku dhinteen qaarna ku laxaad waayeen, xiligaa waxaa ka curtay jabuuti gugii horamarka iyo dib u dhiska dalka jabuuti waxaana hogaanka u qabtay Allaha u nariistee Madaxweynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Jabuut Marxuun Xassan Guuleed Abtidoon, dhamaan dhulka Soomaalida iyo gaar ahaan Beelweynta ciise waxaa u barayay waa cusub maadaama Xundhurtii Beesha Ciise heshay Xornimo ayna noqon doonto meeshii laga jihayn lahaa Beelweynta Ciise haddi ay tahay aqoon iyo dib u dhis deegaanada beesha waxayna Sawirkii markaa Jabuuti laga qaatay wuxuu ahaa Sawirkii ay leedahay Magaaladda Jeruzalem oo aheyd meesha ay fadhido Maskaxada Yuhuud meel walba oo ay joogan aduunka looga taliyo looga doodo xaqooga si dad ban iyo si toos ah , hase yeeshee sawirkaasi muu noqon kii la filayay wuxuuse noqday mid ka duwan,

Maahin dadka aad wadaagtaan Dhiig ama Wadda dhalasho inaad ka aamusto dhibka lugu hayo amse aad u fidiso caawimo laakin taas Siyaasada Jabuuti waxay u aragtaa ceeb, waxaan xasuusta Madaxweyne Geelle oo mar ku caawiyay mashruuc ay hormood ka heyd Xaaskii uu ka geeryooday Raysal Wasaarihii hore ee dalka Tiboobiya Malas Zanaawi lacag dhan 6 Milyan $ iska dhaaf ta xukumadda kuwa ay siiso fanaantii amaana Madaxweynaha, Wasiir ka mid ah Wasiiradii hore ee xukumadda Geelle waxuu si tolnimo ah ugu deeqay lacag aan la sheegin cadadkeeda Jaamacada Magaaladda Gabiley, waxaa xukumadu Jabuuti door weyn ka qaadatay dhamaystirkii Biriishkii Burco, maxaa u diiday Xukumadda Jabuuti in ay caawimo ka geysato deegaanka saylac ilaa lughaya waa Su’aal taagan, Xornimadii Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa laga dhaxalay oo aan kusoo koobayaa 2 Arimood oo kale ah.

1) Dadkii Beesha Ciise ee ku dhaqnaa deegaanadda Lughaya iyo Saylac waxay u soo hayaamaan Jabuuti halkaasan waxayna ka heleen degaanaansho iyadoo dadkaas maanta ka mid ah qaarkood Saraakiisha Ciidamadda Jabuuti Wasiiro iyo maalqabeenoo dagan Jabuuti, Dadkaasina dib u may jeleecan deegaankii ay kasoo hayaameen ee ay ku aasneyd xundhurtoodu qaar kamid ah Ehelkoodu ku sugayn yihiin iyadoo haraadka iyo gaajadu la ildaran waxay ismoodeen reer Jabuuti , taasan waata dhabarka ka jabisay bulshada ku dhaqan jiidaas, iyadoo maalinba maalin ka dambeysa intii ku hadhay deegaankaas  sii galaan Jabuuti oo noqotay Xabaashii Ciisaha,

Deegaanka oo hodan ku ah  khayrad badda , Milixda iyo Badroolka mustaqabalkan la filayo inay noqdo dhulka ugu dhaqaalaha badan Geeska Africa, Dhinaca Siyaasadda ahaan ah dhul Istaraatij ah haddii deegaankaasi sida hadda ka muuqata faraha ka baxo waxaa laga yabaa inuu noqon doono meel dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaan laga baabin karo Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti , Walow xukumadda Jamhuuriyadda Jabuuti iska indho tirayso laakinse aan sugno 20 sano kadib iyadoo la leeyahay jabhad ayaa halkaas lugu tobabaraa hase ahaatee waxuu shiki ku jirin haddii deegaankaas uu ahaado mid gacanta ugu jira Beelweynta Ciise inuu noqon karo garab iyo cudud Miletari oo Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti garab u ah oo hadii uu weerar kaga yimaado dal la daris ah halkaas looga soo gurmado waatii ahayd maah maah Soomaaliyeed AMA BUUR AHOOW AMA BUUR KU TIIR SANOOW .

2) Jamhuuriyadda Jabuuti waxay noqotay meesha laga baabiiyo haddii ay tahay Aqoon, Cudud, Dhaqaale iyo Maskaxa Beelweynta Ciise ,Dhaqaalaha Jabuuti waxuu gacanta u galay koox yar oo kooban halka laga ilaaliyo dadka u dhashay Jabuuti taasoo Siyaasadda jabuuti lugu sargooyay in Jabuuti noqoto meel loo soo xoogsi tagin laakin aan la dhasin sababtoo ah dadka lacag Jabuuti gacanta ku ahay waxay dhistaan meelo kale , dad xog xogaal ah oo aan la sheekaystay waxay ii sheegeen Muwadiintii reer jabuuti kusoo urureen Xaafadda Bal Bala  halkaasan ay ku haysto dhibaato laydh la’aan iyo biyo la’aan, Shirkadaha ugu waa weyn ee Jabuuti ka shaqeeya waxa gacanta ku ahay dad la siiyay baasaboor ganasi oo ah mid 3 sano kadib dhaca, xaalka jabuuti wuxu isku soo biyo shubtay Maah maahadii caanka ka heyd jabuuti Jabuuti Ta’gul Ciyaalaha Wa Tarabi Ciyaalu naas.

Qore Abdiraxamaan Aadan Cigaal

Ugandha Kampala

Email aadancigaal@hotmail.com