Kulmiye oo berri ku dhawaaqaya Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga

0
114

Muuse Biixi oo diyaariyay Liiska sagaal iyo tobanka xubnood oo noqon doona

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa lagu wadaa berri oo Jimce ah in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu wado inuu qabsoomi doona dabayaaqada bisha Diisambar.

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa ls heegay in uu diyaariyay Liiska Magacyada sagaal iyo toban xubnood oo uu u asteeyay in ay diyaariyaan qaban qaabada shirka isla markaana isku duba-ridaan dhamaan hawlaha shirkaasi.

Xeerka Xisbiga Kulmiye ayaa awood u siinaya sida ay Xisbiyahano u dhuun daloola hawlaha Xisbigu Waaheen u xaqiijiyeen Guddoomiye Muuse Biixi, hase yeeshee waxa ay sheegeen xubnahaas in ay Ansixin doonaan ama diidi doonaan Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye.

Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Xisbiga iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen xubnaha Guddida fulinta oo ay doodi ka taagnayd qaabka loo buuxinayo xubno baneeyey kuraastoodii, waxaanay wararka qaarkood sheegayaan in la isku waafaqay Beelihii ay ka soo jeedeen in ay soo buuxsadaan.

Si kasta ha ahaatee magacaabista Guddida qaban qaabada ayaa noqonaysa talaabo xisbigu hore u qaaday maadaama wakhtigii shirweynaha loo balamay uu soo dhaw yahay.