wada shayn la’aanta dowlada?‏

0
65

Hadii ay sii socoto wada shaqay la’aanta masuuliyiinta dowladu maxaa ka dhalan kara?

Agaasimaha guud yaa xilka ka qaadi kara?

Hadii amarka madaxweynaha la fulin waayo maxaa dhici kara?

Somaliland waa dal yar oo ku yaala geeska afrika dadkiisa waxa lagu qiyaasaa 3 ilaa 4 milyan ma laha dhaqaale xoogan ama wax soo saar la taaban karo intaas waxa u dheer ictiraaf la’aan. Waxa lajoogaa dhow iyo labaatan sano markii Somaliland ay xoriyadeeda ka qaadatay somaliya.

Sida aynu wada ognahay intii ay Somaliland xoriyadeeda la soo noqotay waxa madaxweyne ka noqday afar madaxweyne 1. Marxuum c/raxmaan 2. Marxuum cigaal 3. Riyaale 4. Siiraanyo

Afartan madaxweyne inta dhimatay ilaahay ha u naxariisto mid walba waxa lagu xasuustaa arimo gaara

Aan dulucda u daadago dowlada hada joogta ayaa mucaaridkeedu ku dooodaa in aanay mucaarid kale u baahnayn dowladu dhexdeedu ay mucaarid isugu filan tahay. Waxaad moodaa in ay taasi cadaatay mar hadii wasiiradii ay xilkii ka qaadayaan agaasimaayaasha guud.

 

Hadii ay arimahan sii socdaan oo uu madaxweynuhu degdeg wax uga qaban waayo waxa dhici karta in jahawareer ku dhaco haayadaha iyo wasaaradaha dowlada . qofka aan daacad ugu shaqaynayn dowlada waa in shaqada laga eryaa wasiirka iyo agaasimaha mid ayuun baa qaldan.

 

Madaxweynuhu maaha magac ee waa masuulka ugu sareeya dowlada isla markaana amra dhamaan qaybaha kala duwan ee xukumada. Madaxweynaha ayaa qof xil u magacaaba qofna xil ka qaada.

 

Hadii arimaha qaar sii scodaan waxa la arki agaasime wasiir xilka ka qaadaya taasina waxay noqon jaantaa rogon. Oo qorshayasha dowlada fuli maayan taasina waxay keena in dib u dhac yimaado

Macalin jaamacada wax noogu dhigi jiray ayaa nagu odhan jiray siyaasada Somaliland     waa kubad sharaabaad ah macnaha wuxuu u jeeday siyaasada Somaliland maaha mid la ciyaari karo.

 

 

Mustafe xasan

Mustafa.413@hotmail.com