SHEEKO DHAB AH: Laba aan la kala garan Qalinkii: C/xakiin Maxamed Careef.

0
407

careefCali Kaariye (AHUN), wuxuu ka mid ahaa abwaanadii dhidibka u taagay fanka iyo masraxiyada casriga ah, wuxuu wakhti dheer soo ahaa gudoomiyihii hobaladii qaranka ee Waabari. Maxamed waxa bahda fanka iyo bulshaduba ugu yeedhaa “Aabaha Jacayka Soomaaliyeed” dhab ahaana taas wax soosaarkiisii faneed ayaa ka markhaati kacaya, wuxuu ku jiraa hal-abuurka tirade yare ee jacayl dhab ahi haleelay, isla markaasna adeegsaday dawanka suugaanta iyo heesaha si ay ugu dhiiradaan dareen muujintiisa, ka warrankiisa iyo fiiro wadaagtiisa. Inta badan heesahiisu waxay ka hadlaan wacdaraha jacaylka, -waa sababta uu naanaystaa u qaatay-, waana dareen-dhalad dhadhansi macaan oon kaaga qaldami Karin kuwa hawaawi u heeska ah. Hadaba mid ka mida heesihiisa jacaylka ah ee ay soomaalidu aadka u taqaan, sheeko dhab ahna ku soo baxday, ayuu iiga waramay fanaan goobjoog ahaa oo ay muddo dheer isku bah ahaayeen, wuxuuna igu yidhi: Alle ha u naxariistee Maxamed Cali Kaariye ayaa bari waxa haleelay dareenka jacaylka, kaasoo dhismaha jidhkiisa iyo maankiisaba si dagdag ah ugu fidiy.

Gabadha uu jacaylkeedu wareemay waxa ALLE qadaray inay ahaato miduu magac iyo muuqba u garanaya oo ay haaayad qudha ka wada hawl-galaan, sidaa darteedna todobaadka intiisa badan ay waji ahaan u kulmaan, laabuhu yeelkoode. Ha yeeshee la kulankaasi fanaanka waxba uma lilayn jirin, ololka dabka kalgaclkana kamuu qaboojin jirin, maxaa yeelay? Wax ugu wacnaaba, gabadhu iyada oo og qalbiga Maxamed Cali in uu xageeda soo jiro ayay hadana is moogaysiisaa, inna uma baxdo, inna uma jilicdo, inna uma jixin-jixdo. Fanaankuna inkastoo maalmihii danbe in uu is ilowsiiyo uu ku dadaali jiray, hadana ma samro oo inay u gacan haadiso kama quusto. Bari danbe isaga oo aqal guduhii rag dhawr ah kula cawaynaya, qudhiisuna uu markaa sheekada wado ayaa si lama filaan ah dhagihiisa ugu soo dhacay gabdhaha xaafada midkood oo tu kale u yeedhaysa, waxay ugu yeedhay magicii ay lahayd inantii uu isagu jeclaa, ee markii uu hanan waayay inuu is halmaansiiyo ku tashaday, “Heblaay” markay tidhi ayuu qarracmi gaadhay, markaasbaa miyirkiiba ugu danbaysay, wuxuu kala garan waayay in isaga loola jeedo iyo in kale, markaasuu fadhigii halhaleel uga kacay isaga oo aan dan iyo daarad ka galin raggii uu haasaawinayay iyo sheekadii uu waday toona. Dhag la qabto isagoon lahayn ayuu qolkii dibada uga booday, waxba isaga oo ay u kala cadaan laayihiin, irrida gurigana liqdaaran ayuu nabarkii labaadna ku dhacay, wuxuu maqlay gabadhii loo yeedhayay oo tii u yeedhaysay ku leh “Hee Hebla” mise codku waa codkeedii oo aan cadh isku rogin, waa tii uu jeclaa ee u soo loodsami wayday codkeedii, markaasuu afarta gar jaho kolba mid indhaha u diray, wuxuu is leeyahay qofka loo yeedhayaa tu kale maahee waa iyadii oo galabta ku soo raadisay oo inta malaha kaa naxday goosatay inay sidan kuu dhaanto. Mar kale ayuu afarta gar jaho indhaha u kala diray, jaanqaad meel dhow ah ayuu dareemay kolkaasuu dhanka midig ku xasilay, mise waa gabadh, waa gabadhii magaceeda iyo codkeeda uu maqlay ee uu agaggaarka ka jeedaalinayay, hase ahaatee inkastoo xagga muuqa, midabka iyo codkaba aan tiisii laga aqoon hadana tiisii ma ahayn, markaasbaa nabarkii saddexaadna lagu soo tuuray. Saddexdaa nabar markay isku raaceen ayay laabtii oloshay, sheeko uu is lahaa way kaa dhamaatay ayay maankiisa ku soo celiyeen, sidii wax kooraan{Laydh} qabsaday ayuu u eekaaday, raggii iyo aqalkii dib uguma laabane horay buu isga dhaqaaqay isaga oo ay murugo buuxisay, ileen waa hal-abuurkii waynaaye hees ayuu halkii ka bilaabay, waa heestii sidiisa caanka noqotay ee kol danbe Xasan Aadan Samatar ku luuqeeyay, waa heestii uu ku bilaabay:

Kuwa llogu magacdaraye

Muuqa aan la kala garan

Caku muhashadoodee

Heesaha macaaniyo

Miisigiyo codkaa I dilay

Dhagaha aan ka maalee

Markii aan ilaawaba

Wax I soo mirkiyoon

Maqlo waayi maayee

Ma hayo, mana sugaayo

Iima maqnee, maareeyoo

Sidee buu cishqigu

Maskaxdiyo qalbiga

Uga miirmayaa.

 

Qalinkii: C/xakiin M. Careef.

Careefyare@hotmail.com