Xuska Sannad-guuradii 1-aad Ee Kasoo Wareegtay Geeridii Marxuum Gaariye Oo Hargeysa Lagu Qabtay.

0
29

Hargeysa(Waaheen): — Munaasibad lagu xusay sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay geeridii Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (GaaDr. Ahmed Hussei Abaarso Techrriye), ayaa xalay lagu qabtay Guriga Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigay laba Diiwaan-Maanseed oo laga qoray Maansadii Abwaan Gaarriye oo la yidhaahdo Hagar-laawe iyo Ilmadii Hal-Abuurka oo lagu kulmiyay 55 Maanso iyo 20 Maqaal oo loogu Baroor-diiqay Marxuum Abwaan Gaarriye.
Munaasibaddaas Baroor-diiqda ah ee lagu Xusay sannad-guurada 1-aad ee ka soo wareegtay maalintii Aaska Qaran magaalada Hargeysa loogu sameeyey Allaah ha u naxariistee Bare Sare Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ku beegnayd 8-dii October 2012, ka dib markii uu 1-dii bishii October 2012 ku geeriyooday magaalada Nor way, waxaa ka soo qaybgalay Dhallinyaro, Aqoonyahano, Abwaanno, Qoraayo, Siyaasiyiin, Suxufiyiin, Ururrada Bulshada, Xildhibaanno, Ardayda Jaamacadaha, Wasiirro Xukuumadda ka socday, Siyaasiyiin Xisbiyada Qaranka ka socday iyo Qoyskii uu ka tegay Marxuum Gaarriye oo ka kooban afar Hablood iyo Hooyooyinkood.
Xafladdan oo ay si wada-jir ah u soo qabanqaabiyeen Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo Shirkadda Sagaljet oo daabacay buugaagtan ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Dallada SONYO Mubaarig Ismaaciil Taanni ayaa u mahad-naqay dadka ka soo qayb-galay munaasibadda iyo guddigii qabanqaabada xuskan. Maareeyaha Shirkadda Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar ayaa xusay inay shirkad ahaan dhabarka u riteen daabacaadda labada diiwaan ee la soo bandhigay isla markaana ay diyaar u yihiin inay taageeraan qorayaasha iyo cid kasta oo gacanta ku haysa soo saarista buugaagta qiimaha leh.
Boobe Yuusuf Ducaale oo tifatiray, ururiyay isla markaana qoray diiwaanka Ilmadii Hal-abuurka ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xuska lagu beego maalintii uu geeriyooday Marxuum Gaarriye laakiin taasi ay dib u dhacday iyada oo la rabay in lagu qabto Jaamacadda Hargeysa oo ku gudajirtay xilligii qalin-jebinta. Waxa uu intaas ku daray in diiwaanka Hagarlaawe oo dib u laacay ay ku jirto mid ka mid ah afar maanso oo maqnaa, isagoo xusay inay heleen mid labaad loona baahan yahay in la baadi doono laba maanso oo lagu daro daabacaadda saddexaad ee Hagarlaawe haddii Alle idmo.

Asaasaha ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr Axmed Xuseen Ciise oo ku hadlay magaca jaamacadaha Somaliland, ayaa ka warramay aqoontii dheerayd ee Abwaan Gaarriye u lahaa, isagoo xusay inay waxbarashadda dugsiga hoose/dhexe soo wada mareen. Iyagoo sidoo kale markii danbena wada galay Dugsiga Sare ee Sheekh.

Waxaanu Dr. Axmed Xuseen in la ilaaliyo dhaxalka sugaaneed iyo taariikhda ummadda uu uga tagay, Alle ha u naxariistee, Abwaan Gaarriye.

Waxa sidoo kale halkaasi hadalo ka jeediyey, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal iyo Abwaan Hurre Walanwal, ayaa ka sheekeeyay sooyaalkii iyo suugaantii Marxuum Gaarriye iyaga oo xusay inuu kaalin weyn ku lahaa halganka, dhismaha iyo nabadda Somaliland ee aynu maanta hadhsanaynno. Dhammaantoodna waxa ay ku nuuxnuuxsadeen sida loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto maskaxda, aqoonta, suugaanta iyo jidka wanaagsan ee uu Gaarriye innooga tagay. Sidoo kalena waxa uu Abwaan Hurre Walanwal xusay in loo baahan yahay in qaranka Somaliland uu ka warhayo qoyska iyo carruuta uu Abwaan Gaarriye ka tegay.
Guddoomiyeha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali Waraabe, ayaa u mahad-naqay bahda munaasibadda soo qabanqaabiyay isaga oo xusay in dhawaanahan mucaaridka loo diiddanaa inay xafladaha ka hadlaan, waxaanu si faahfaahsan uga warramay saadaasha iyo nuxurka murtidii Abwaan Gaarriye oo uu sheegay In waxyaabihii uu waayo ka hor ka digay qaarkood la arkayo maanta oo ay muuqdaan.
Hoodo Gaarriye oo ku hadashay afka qoyska reer Gaarriye, ayaa u mahad-naqday dadka soo abaabulay xafladdan iyo bulshada soo xaadirtay labadaba, iyada oo si gaar ah u bogaadisay Boobe Yuusuf Ducaale oo ay tilmaantay inuu u galay kaalintii aabbahood iyo Xasan-Weedhsame oo u buuxiyay door walaalnimo oo lama illaawaan ah.
Hal-abuurro ay ka mid yihiin Axmed Aw Geeddi, Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir), Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) iyo Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan ay ku cabbireen kaalintii Abwaan Gaarriye iyo sidii looga naxay geeridiisa.
Ugu danbayn, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan diyaar u yihiin waajibka ka saaran qoyska uu ka baxay Mujaahid Gaarriye.