Xukuumadda oo ka muquuratay Riwaayad Mucaarad iyo Muxaafadba taabanaysay

0
166

Riwaayad“Haddii ay madaxdii Qaranku ka soo xaadiri wayday waxaanu tagi meel lanaga dhagaysto”
Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa ka muquuratay in ay xalay ka soo qayb gasho Ruwaayad Fanaaniinta Somaliland ku qabatay Hotelka Maan—soor oo lagu ay ku Mart-qaadeen Mucaarad iyo Muxaafadba taasoo magaceedu ahaa Saxbaa Qalad lagu saxaa. Ruwaayadan oo ahayd mid aad u xiiso badan sida ay waaheen u sheegeen dad ka qayb galay waxa ay ahayd mid siyaasadaysan isla markaana dhex u ahayd dhaliilaha ay leeyihiin Mucaaradka iyo Muxaafadkuba iyadoo hoga tusaalaynaysay labada dhinacba waxa ka qaldan. Waxa ka xaadiray xubno muhiim ah oo ka tirsan Axsaabta Mucaaradka ah, hase yeeshee madasha Ruwaayadaas lagu dhigayay waxa ka muquurtay dhamaan masuuliyiintii lagu martiqaaday ee Xukuumadda marka laga reebo Af-hayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleeb Dhuxul oo kali ku ahaa goobta. Fanaaniinta Riwaayadda dhigaysay oo kala ahaa Maxamed Maxamuud Cige Busi, Maxamud qaalib, Ruun Xadi, Ina Miyir ayaa dadweynaha qiira galiyay iyadoo lagu xasuustay kaalintii ay Fanaaniinta iyo Fanku ku lahaan jireen Bulshada iyo Xukuumadaha oo gab wayni galay sanadihii ugu danbeeyay. Ruun Xadi oo ka mid ahayd Fanaaniinta Riwaayadaas jilayay ayaa gaba gabadii Mikirifoonka qabsatay waxaanay madhashii Riwaayaddu ka socotay ka sheegtay in ay aad uga xun yihiin in aanay Madaxdii Dalku ka soo qayb galeen isla markaana waxay ku tiraabtay haddii ay dhagaysan waayeen in ay tagi doonaan meel laga dhagaysto.