Xukuumadda oo Dib-u-qiimayn ku samaynaysa Hantiadda Dawladda

0
92

Waa in dib-u-qiimayn lagu sameeyaa Guryaha, Bakhaaradda, Dhulka, Iskaraabka

guryoHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale Amar ku bixiyay sanadka 2014-ka in dib-u-qiimayn lagu sameeyo Hantidda Dawladda gaar ahaana Guryaha, Bakhaaradda, Dhulka iyo Iskaraabka, waxaanu soo wadaa Guddi Wasiiro ah oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Hawlaha Guud Xubinna uu ka noqon doono Wasiirka Maaliyadda Somalailand.“Waa in la sameeyo Guddi dib-u-qiimayn ku samaysa Hantidda Dawladda, sida Guryaha, Bakhaaradda, Dhulka, Iskaraabka, IWM; taas oo uu guddoomiye u noqon doono Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, Guryaynta iyo Gaadiidku, isla markaana xubin uu ka yahay wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hore u soo saaray qorshayaal ku aadan Hantidda Dawaladda gaar ahaana Iskaraabka oo uu dhawaan Amar ku bixiyay in loo Xaraasho Ciidamada Qaranka si loogu soo Iibiyo Saanad ciidan.Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo hore u sameeyay Tirakoob Guryaha Dawladda ah isagoo wakhtigaasi soo jeediyay Hindise ah in Guryaha Dawladda dhamaantood la xaraashiyo isla markaana lagu bedelo mashaariic Horumarineed oo Qaranka uga faa’iido bata Kirada yar ee laga helo Guryaha Dawladda.Si rasmi ah looma oga qorshaha cusub ee madaxweyne Siilaanyo dib-ugu-qiimaynayo hantidda Dawladda maadaama in badan lagu kala tagay Hantida Dawladda sida Iskaraabka, Guryaha oo kala iibsigoodu xoog u socodo iyo Dhulka Danta Guud ah intaba.Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu Xilka hayay waxa la kala Iibsaday Guryihii ugu badnaa ee Dawladda iyadoo nidaam aan illaa hada Sharciyadiisa la garanay Hawlaha Guud iyo Dad shicib ahi maalin kasta ku kala macaashaan, sidoo kale dhul wadooyin ahaa oo suuqa ku yaalay ayaa la bixiyay oo sharciyo loo sameeyay inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ay soos aareen Digreetooyin ay ku joojinayaan.Si kasta ha ahaatee Xukuumadda waxa looga fadahaiyaa in ay daba qabatayso hantidda Dawladda ee boobka joogtada ah lagu hayoa aisle markaana ay culayska saarto Bakhaaradii Dawladda oo barri hore lagu kala tagay, halka ay Deeqaha yare e lagua soo caawiyo ka dhigto Xafiisyadda Wasaaraddaha qaarkood.