Hay’addaha Madaxa banaan oo lagu soo rogay buugaagta lacag qabashada in ay Diiwaan galiyaan Xisaabiyaha Guud

0
80

“Hay’addaha Madaxa banaan ee Dawladdu waa in ay ka daabacdaan oo kali ah Madbacada Qaranka”

madabacada qarankaHargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa Amar ku bixisay in ay Hay’addaha Madaxa Banaan ee Dawladdu Buugaagta ay Lacagta ku qabtaan ika Diiwaan geliyaan Xafiiska Xisaabaiyaha Guud ee Qaranka ka hor inta aanay Isticmaalin.Sidoo kale Xukuumaddu waxay Amarkaas ku xoojisay si loo sugo Buugaagta Lacag qabashada ee Hay’addaha Madaxa banaan in ay ka daabacdaan oo kali ah Madbacada Qaranka, maadaama Dawladdu leedahay Madbacad u gaar ah.Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa Xilli sanadkan ay soo baxeen dhalliilo badan oo ka soo baxaya Hay’addaha Cashuur ururinta gaar ahaana cashuuraha Barriga oo la been abuurtay Buugaagtooda wallow Xukuumadda Somaliland Dadkii falkaa ku kacay aanay Go’aan Maxkamadeed ka soo saarin.Amarkan ayay Xukuumadda Somaliland fulinaysaa sanadkan cusub sida ku Cad siyaasadda Miisaaniyadda 2014-ka ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dhaqan geliyay.Talaabadan ayaa u eg mid ay Xukuumaddu kaga hortagayso Musuq maasuq iyo wax isdaba marin farabadan oo la soo darsay Hay’adaheeda dakhli ururinta, maadaama sanadkan 2013-ka oo kali ah Hantidhawraha Guud ee Qaranku gacanta ku hayo Eedo la xidhiidha saraakiil Xukuumadda h oo ku talaabsaday in ay lacago ku Urursadaan Buugaag Been abuur ah.Buugaagta Been abuurka ah ayaa dhamaantood lala xidhiidhiyay Madbacadda Qaranka in laga xaday halka aan Hal bug oo kali ah laga helin in laga xaday Madbacaddaha gaarka loo leeyahay taasoo muujinaysa in Madbacadaha gaarka loo leeyahay ka fayaw yihiin Lunsiga lacagaha la sheegay in lagu qaatay Buugaag ay Daabacday Madbacadda Qaranku.Waa in dhamaan Buugaagta lacag qabashada ee Hay’addaha Madax banaan ee Dawladdu noqdaan kuwo ka diiwaangashan xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, isla markaana dhamaantood laga daabacaa Madbacada Qaranka.