Xajka iyo gudashadiisa

0
208

                                        

Xajku waa rukniga 5aad ee Arkaanta Islaamka oo isagu ku xidhan awoodidda ama calaa karaan,qofkii awoodi karaya ayuu xajku k waajibey,ka kale Alle ma kellifo qofna oo awoodiisa wax dhaafsiisan kama dalbo,Isagaa u cilmi leh Addoomadiisa:

ولله على النّاس حج البيت من استطاع إليه سبيلا(أل عمران)

Aayadda:waxa dadka Alle ku leeyahay in ay xajaan,waana kii awoodi karaya.

Sannad kasta bisha 12aad ee Hijriyada Muslimiinta inta awood u heshaa waxa ay gutaan xajka,oo ah rukniga 5aad ee Arkaanta Islaamka,Xajku waa cibaado Alle jideeyey oo waajib kaga yeelay muslin kasta oo awood u leh,in uu tago oo soo guto xajka,oo xoolo iyo xoogba ku awooda:

وأذن في النّاس بالحج يأتوك رجالا وعلى كلّ ضامر يأتين من كلّ فج عميق ليشهدوا منافع لهم ويذكر اسم الله في أيّام معلومات على ما رزقهم من بهيمة الأنعام فكلوا منها وأطعموا البآئس الفقير(الحج)

Aayadda:u idan oo ogaysii dadka inay xajiyaan,waxay ku imanayaan xajka lug iyo iyagoo wax fuushan oo ka imanaya meel kasta oo fog,si ay manaafacaad ula kulmaan, oo bisinka Alle u qabtaan maalmaha mucayanka ah,waxa Alle ku irsaaqay ee xoolo ah,cuna oo cuntaysiiya dadka fuqarada ah ee baahan.

Shuruudaha uu xajku ku waajibo waxa ka mid ah:

1-Islaannimo-waa in qofku Muslin ahaadaa.

2-Caqli-waa in qofku caqligiisa qabo oo aanu waallayn.

3-Qaangaadhnimo-waa in qofku gaadho waqtiga qaangaadhka oo baaluqaa.

3-xorriyad-waa in qofku xor ahaadaa,oo aanu Addoon ahayn.

5-Awoodid-waa in qofku u haystaa xoolo oo uu caafimaad iyo xoog leeyahay.

6-Shardigan lixaad dumarka ayaa siyaado u leh oo waa in maxram ay leedahay,oo waa dadka aan guursan karin sharci ahaan ama ninkeeda qaba,haddii ay rafiiq dumar ah ama bicso lagu kalsoon yahay raacdo way xaji kartaa maxram la’aan marka dantu kellifto.

Arkaanta ama Rukniyada Xajku waa Afar:

1-Ixraamka yacni Xidhashada oo ah in aad niyaysato in aad waajib guda gelayso.

2-Carafa istaagisteeda

3-Dawaafka ifaadada ama siyaarada

4-Sacyiga xajka ee Safa iyo Marwa.

Waajibaadka Xajku waa todoba:

1-in Miiqaadka laga soo xidho xajka-waddan kasti Miiqaadkiisu waa xaddidan yahay.

2-Istaagidda Carafa ilaa habeenimadka.

3-ku dhixid ama u hooyashada Musdalifa wixii nuska danbe ee habeenka ah.

4– ku dhixid ama u hooyashada Mina saddexda Ayaamu tashriiqa ah.

5-Jamaraadka ama dhagaxa tuuristiisa.

6-Xiiridda ama qusaynta timaha.

7-Dawaafka wadaaca.

Ixraamka ama Xidhashada Xajka:

Miiqaadka:meelaha laga xarmado

1-reer Madiina—Dul xudayfa oo loo yaqaan Abaar Cali

2-reer Shaam—Juxfah

3-reer Najdi—Qarni manazil

4-reer Yaman—Yalamlam

5-reer Ciraaq— Datucirqi

Shantaas meelood waxa loo yaqaannaa Miiqaat waxa ka xarman kara oo ka samayn kara ixraamkooda ama xidhashada xajka iyo cumrada dadka deggan meelaha aynu magcawnay iyo dadka ka shisheeya ee soo maraya beeg ahaan meelahaas,dadka iyagu ka sokeeya Miiqaadyadaa oo uga dhow Maka waxa ay ka xarmanayaan oo ka xidhanayaan ixraamkooda halka ay joogaan,tusaale ahaan dadka deggan Jidda waxa ay ka xidhinayaan ixraamkooda Jidda.

Xaajigu hadduu diyaarad saaran yahay waxa uu xidhanayaa ixraamka marka uu dulmarayo mid ka mid ah shantaa meelood ee Miiqaadka mana aha in uu dhaafo isaga oo aan xidhan ixraamka.

Waxa qofka xajka gudanaya marka uu miiqaadka soo gaadho samaynayaa xidhashadii markaa waa in uu maydhaa oo is nadiifiyaa oo cadarsadaa oo dharka tolan hadduu rag yahay iska dhigaa oo qaataa laba go’ oo cadcad oo nadiif ah,ka dib markuu u kicitimo socodka uu talbiyada bilaabaa:Labbeyka Allaahuma labbeyk,Labbayka laa shariika laka labbeyk innal xamda walnicmata laka walmulka laa shariika laka:

لبيك اللهمّ لبيك لبيك لا شريك لك لبيك إنّ الحمد والنعمة لك والملك لا شريك لك.

Talbiyadaa iyo ducaysiga ayuu joogtaynayaa xaajigu ilaa intuu dhamaysanayo xajka.

Waxyaabaha xarriman:

Xajka gudashadiisa waxa qofka ka xarriman waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin:

1-in uu timaha iska jaro,2-in uu ciddiyaha iska guro,3-in uu raggu gashado dhar aan tollayn yacni aan duni ku tolnayn,4-in aanu raggu daboolin oo qarin madaxa,5-in aanu qofka xajayaa cadar jidhkiisa iyo maryihiisa marin,6-in aanu ka ugaadhsan berriga,   7-in aan wax is mehersi ahi dhici karin oo bannaanayn,8-dareen lala wadaago dumarka in aanu jirin sida fara ka ciyaar iyo taataabasho..iwm,9-galmoodka ayaa isna xarriman,haddii uu dhaco iyadoo aan taxalulkii hore la gaadhin qofkaa xajkii waa ka burayaa,waana in uu dhameeyo oo sannadka danbe qalleeyo oo weliba neef geel ah qalo oo fuqarada Maka u qaybiyo,haddii arrinku dhaco taxalulka hore dabadiisa ma burayo xajkii waana in neef geela uu qalaa,qofka dumarka ihi way xidhan kartaa dhar tolan laakiin wejiga ma qarinayso sida niqaabashada…iwm,gacmahana galoofyo kuma qarinayso oo ma gashanayso.

الحج أشهرٌ معلوماتٌ فمن فرض فيهنَ الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال فى الحج(البقرة)

Aayadda:xajku waa bilo xaddidan oo go’an,oo qofka gala waajibka xajku,waa in aanu la iman wax dareen shahwadeed ah oo uu haweenaydiisa la wadaago,iyo wax fisqi ah iyo muranba xajka gudihiisa.

Waxa xajka loo gutaa saddex weji:1-mar xajka keligii la gudanayo oo la yidhaahdo:

Ifraad-waxad ku xidhanaysaa:Labbeyka Xajan,2-Cumrada intaad gudato markaad dhamaysato aad haddana Xajkii gudato oo waxa la yidhaahdaa:Tamatuc-waxad ku xidhanaysaa:Labbeyka Cumratan mutamatican bihaa ilal xaj,3-in aad Cumarada iyo Xajka mar wada xidhato oo gudashadooda isku xidhiidhiso,Qiraan-waxa aad ku xidhanaysaa :Labbeyka Cumratan waxajan.

Fidyada:Haddii qofka xaajiga ah waxyaalahaa laga xarrimay ay ka dhacaan waxa ku waajibaysa fidyo oo meselan iska gurista ciddiyaha ama qarinta madaxa ragga ama gasashada dhar tolan ee ragga waxa ay kala doorayaan in ay saddex maalmood soomaan ama ay cuntaysiiyaan Lix Miskiin oo miskiinkiiba siiyaan kiile iyo badh, ama neef ido ah qalaan,qofka ugaadhsada waxa laga rabaa noocii uu ugaadhsaday xoolo u dhigma,haddii uu dhiggiisa waayo qiimiha ayuu bixinayaa qiyaas ahaan.

Waxana Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee sheegay in nooca Tamatucu uu ugu qiima badan yahay noocyadan.

Nooca kale ee fidyadu waa haddii uu qofku yahay Mutamatic ama Qaarin fidyadiisu waa neef ido ah,fidyada galmaduna waa neef geel ah haddii aanu helin waxa uu soomayaa saddex maalmood oo xajka intuu joogo uu soomayo,iyo todoba marka uu dalkiisa ku soo noqdo uu soomayo waa marka xaajigu aanu degganayn Maka:

وأتمّوا الحج والعمرة لله فإن أحصرتم فما استيسر من الهدي ولا تحلقوا رءوسكم حتّى يبلغ الهدي محلّه فمن كان منكم مريضًا أو به أذىً من رأسه ففدية من صيام أو صدقة أو نسك فإذا ءامنتم فمن تمتع بالعمرة إلى الحج فما استيسر من الهدي فمن لم يجد فصيام ثلاثة أيّام في الحج وسبعة إذا رجعتم تلك عشرة كاملة لمن لم يكن أهله حاضرى المسجد الحرام واتّقوا واعلموا أنّ الله شديد العقاب(البقرة)

Aayadda:dhamaystira Xajka iyo Cimrada haddii ay idiin suurtageli waydo waxa la idinka rabaa wixii idiin sahlanaada ee hadyi ah,hana jarina timihiinna ilaa la gaadho waqtiga hadyiga,kii idinka mid ah ee xanuunsanaya ama madaxa nabar ku leh waxa laga rabaa fidyo ah ama soon ama sadaqo ama nusuk yacni waajib diineed oo kale,oo haddii ay idiin fududaato gudashadu kii sameeya Tamatuc ee Cimrada ilaa Xajka is gaadhsiiya ee hadyiguna u fududaado,kii aan isagu helin waa in uu soomaa saddex casho oo xajka intuu joogo ah iyo todoba markuu noqdo intaasi waa toban buuxa oo laga rabo qofka aan Ehelkiisu degganayn Masjidul xaraamka,oo Alla ka cabsada oo ogaada in Alle ciqaabkiisu daran yahay.

Xajku qofka cimrigiisa mar keliya ayuu waajib ku yahay,wixii kale waa sunne:

وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال:”خطبنا رسول الله صلى الله عليه وسلّم فقال:يا أيّها النّاس قد فرض الله عليكم الحج فحجّوا،فقال رجل أكل عام يا رسول الله؟ فسكت حتّى قالها ثلاثًا،فقال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:لو قلت نعم لوجبت ولما استطعتم…”.

Xadiiska:Abu Hurayra Alla ha ka raalli noqdee waxa uu yidhi:Rasuulka Alle naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ayaa noo khudbadeeyey oo yidhi:dadyohow waxa la idinku faral yeelay Xaj ee xajiya,markaas ayaa nin weydiiyey Rasuulka oo yidhi: Rasuul Allow ma sannad kasta,markaas ayaa Rasuulku aamusay ilaa ninkii saddex jeer ku celceliyey su’aashii,markaas ayaa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:haddaan haa odhan lahaa way idinku waajib noqon lahayd, mana aydin karteen oo ma aydin awooddeen…”.

Xajku waa cibaado ku waajib ah Muslin kasta oo awooda mar keliya noloshiisa,kii mar wax ka badan xajka guta waa sunne oo ajar buu ka helayaa,waxa uu qofku sidoo kale u xajiyi karaa waalidkiisa,marka aanu safri karin caafimaad iyo da’ darteed,ama haddii uu mootan yahay,oo geeriyooday:

عن أبن عباس رضي الله عنه أنّ إمرأة قالت:يا رسول الله إنّ فريضة الله على عباده في الحج أدركت أبي شيخًا كبيرًا،لا يثبت على الرّاحلة أفأحج عنه؟ قال:”نعم”

Xadiiska:Ibnu Cabbaas Alle ha ka raalli ahaadee waxa laga weriyey in haweenay ay tidhi:Rasuulkii Allow faralka Alle ee xajka ee Addoomadiisa Alle ku waajib yeelay ayaa soo haleeshay Aabbahay oo ah da’ oo aan xejinaynin gaadiidka in uu raaco,ee ma u xajiyaa? waxa Rasuulka Alle yidhi:”Haa”

Xajka waxa lagu qiyaastaa oo lagu gartaa Bisha ama Dayaxa oo ah waxa inoo xaddida tirada waqtiga iyo ayaamaha,oo ay dadku waqtiga ku gartaan:

يسئلونك عن الاهلة قل هي مواقيت للناس والحج( البقرة)

Aayada:waxay ku weydiinayaan Bilaha iyo wax ku saabsan,waxaad tidhaahdaa waa Waqtiyayn ama xisaabsiga waqtiga ee dadku adeegsadaan iyo waqtiga xajka la socodkiisa.

Camal kasta oo dar Alle uu qofku u qabto,oo ku dalbayo raalli noqodka Alle,oo Illaahay ugu dhowaanayo,camalkaasina yahay mid bannaan oo diintu ogoshahay,waa cibaado,oo ajar iyo abaal fiican buu ka helayaa qofka sameeyaa:

عن أبي ثعلبة الخشينيّ جرثوم بن ناشر رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلّم قال:”إنّ الله تعالى فرض فرئض فلا تضيعوها،وحدّ حدودًا فلا تعتدوها،وحرّم أشياء فلا تنتهكوها،وسكت عن أشياء رحمة لكم غير نسيان،فلا تبحثوا عنها”

Xadiiska:waxa Abi saclaba Alkhushayni Jarsuum Ibnu Nashir,Alle ha ka raalli noqdee laga weriyey,in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame yidhi:Alle Isagaa korreeyee,wuxu faral yeelay farallo ee ha dayacina,oo wuxu sameeyey xadad go’an ee ha ku xad gudbina,oo wuxu xarrimay ashyaa ee ha burinina,oo wuxu Alle ka aamusay waxyaalaha qaar iyadoo raxmad idiin ah oo aan illowshiinyo ahayn,ee waxyaalahaa ha baadhbaadhina ee sidoodaa u daaya.

Xajka la aqbalo ee aan wax gef ama khalad ahi xaajiga ka dhicin waxa la yidhaahdaa:

Xaj mabruur ah,oo abaalmarintiisu Janno mooyee wax kale ma aha:

وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال:أنّ رسول الله صلى الله عليه وسلّم قال:”العمرة إلى العمرة كفّارة لما بينهما والحج المبرور ليس له جزاءٌ إلا الجنّة”

Xadiiska:Abu Hurayra Alla ha ka raalli noqdee waxa laga weriyey in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:Cimro la guto oo ta kalena la guto waxa ay masaxdaa denbigii labada Cimro u dhexeeyey,Xajka mabruurka ahna abaal kale ma laha aan ahayn Janno,yacni abaalgudkiisu waa Janno.

Xajka waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku tilmaamay in uu yahay Carafa oo qiimaha marka carafa la taagan yahay leeyahay,oo haddii aan xaajigu Carafa istaagin xajkiisu ma buuxo:

قال رسول الله صلى الله عليه و سلم:” الحج عرفة”

Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi:Xajku waa Carafa.

Waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee sheegay in maalinta Carafa ay tahay maalinta tirada ugu badan ee Addoomada Illaahay Cadaabka laga xoreeyo:

عن عائشة رضي الله عنها قالت:” قال رسول الله صلى الله عليه و سلم:ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدًا من النّار من يوم عرفة”

Xadiiska:Caa’isha(Ummul Muuminiin)Alle ha ka raalli noqdee,waxa ay tidhi: Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi:ma jirto maalin tirade Alle ka xoreeyo Addoomadiisa Naarta ay ka badan tahay maalinta Carafa.

Illaahay subxaana watacaalaa waxa uu Addoomadiisa siiyey fursado badan oo ay ka faa’iidaysan karaan oo ka kasban karaan ajar badan iyo derejooyin sarsare kuna hanan karaan Alle raalli noqodkiisa,xajku waxa uu Addoonka ka maydhayaa denbigoo dhan oo waxa uu ka dhigayaa sidii maalintii hooyadii dhashay oo kale,xajka mabruurka ahna abaalkiisu waa Janno,Adduunku waa beer waana dhaxdiin ma aha meel waarideed qof kasti saad iyo sahay wanaagsan ha u diyaarsado safarka lama huraanka ah ee Aakhiro,Alle ha innagu guuleeyo kasbashada khayrka oo ha ina waafajiyo dadka xajka gudanayana Alle ha uga dhigo xaj mabruur ah iyo sacyi mashkuur ah iyo denbi la dhaafo oo maqfuur ah,inta kalena u suurtageliyo waqti kale in ay gutaan oo laga aqbalo Aamiin:

Xajka kii la aqbalaa

Xakiim Allaa abaaliya

Xeradiisu aqal Janno

Xasillooni weeyaan

Xajku waa arkaanaha

Xeer uu siiyey Eebboo

Xoolo kii u helayaa

Xoog iyo awood ule

Xaq ku aadan ay tay

Xilli keliya ayniga

Xaqiiq kugu ahaadoo

Xaajigii itaalkii

Xoojinteeda eersada

Xaalku sunnuu ahaadaa

Xisaabtiisu waa ajar

Xoog haddii aad leedahay

Xoolo aad u heli kari

Xajku waajib weeyaan

Maalkii xalaal ahee

Aad xoogsanaysaa

Xajka lagu gutaayoo

Xoolihii la soo dhacay

Xoogxoogga lagu helay

Ama sifo xagtooyo ah

Xajka kuuma gudaysee

Xeerkeeda raacoo

Xalaashii diyaarsoo

Xajka gudo xabaal ka hor

Xaajigii dariiq saxa

Xaraf aan khaldaynee

Xikmad iyo tilmaan adag

Xadka loo sameeyiyo

Xeerkeeda raacaa

Xaakimow Illaah baa

Xumihiyo dunuubtiyo

Ka xalaaya denbigoo

Xalaal saafiyoo wacan

Wax loo xiiso ka dhigee

Xawaarahaaga safarkiyo

Xeeshaada dhaqankaba

Xaddid oo sidii xaq ah

Xulo khayrka kii sare

Xeji oo ha sii dayn

Xayndaabka kuu dhigan

Xadhigga Eebbe qabso oo

Khayrka xaasilkiisiyo

Ducadaa ku xeernow

Oo xajka ku gudo xoog

Iyo xawli khayr badan

Denbigaa lagaa xali

Xisaab Eebbe kuu qoro

Xaj mabruura bay noqon

Xajka gudo oo xannaanee

Xaakimkaa Allena tuug

Insha Allaah Jannaad xuli

Insha Allaah Jannaad xuli

Insha Allaah Jannaad xuli

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w