Warbaahinta Dawlada Somliland ma Wada Dambabasi karto Dhaliilaha Xukuumada

0
39

cabdi-raxmaan-cadamiNidaamyada Digtaatooriga ah iyo Dawladaha aanu maamul wanaagu ka jirin ee xalaalaystay, musuqa, eexda iyo qaraaba kiilku waxay ka siman yihiin hirgelinta warbaahin si aad ah loo maal geliyo oo dawladu maamusho, waxa loogu talo galay in rayul caamka bulshada lagu majara habaabiyo iyo in lagu qariyo fashilaadaha maamulka xukuumada iyo fadeexadaha madaxda, waxa kale oo loo istcimaalaa in qaladaadka xukuumadu samayso lagu weeciyo cid kale oo  eeda dusha laga saaro sida xisbiyada mucaaridka ah ama shakhsiyaad loo arko inay ka soo horjeedan siyaasada dawlada, waxkastoo dhacana madaxda sar sare waa ceeb ka saliim.

Dadka waxa loo sheegaa warar been ah iyo dacaayado samays ah oo xaqiiqada ka fog warbaahinta noocan ah waxay soo ifbaxday oo caan ku ahaa nidaamkii shuuciga ee midawgii soofiyatii iyo Naasigii jarmalka in kasta oo ay kala aragti duwanayeen labaduba ragii u maamuli jiray waxay rumaysnaayeen in hadii beenta lagu celceliyo markasta iyo goor kasta oo dhagaha dadweynaha lagala hadhi waayo in marka danbe loo qadan doono waxa la sheegayaa in ay run tahay ( Lies can become  truth, if  repeated insistently enough) isla markaa may heli jirin ilo-wareedyo kale oo madax banaan.

Hadaba in kasta oo wakhtigu is badalay oo xogihii iyo sirihii la qarin jiray banaanka la soo dhigay iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah hadana wadamo badan oo ka tirsan dunida saddexaad ayaa isku daya inay dadkooda ka qariyaan sida ay wax u maamulayaan .

Dalalka horumaray ee ku dhaqma Dimuqraadiyada iyo maamul wanaagu uma baahna iyagu inay yeeshaan warbaahin lagu dambabaso ceebaha maamulka iyo xatooyada xoolaha ummada, xukuumada madaxweyne siilanyo waxay ka mid tahay kuwa sida xun u istcmaala warbaahinta dawlada qaybaheeda kala duwan, television-ka  qaranka iyo Radio Hargeysa waxa laga soo daayaa khudbadaha madaxda oo aan ka turjumayn  baahiyaha iyo tabashada bulshada  iyo barnaamijiyo la naaxnaaxiyay oo ka sheekaynaya mashaarcii waawayn oo boqolaal ah oo laga hirgeliyay dalka  iyo ku dhawaad in la dhamaystiray wixii kulmiye ku balanqaday ololihii doorashada, sheegashadan oo la macno ah in dhamaadka sanadka afraad hawl u taalaa oo ay qabtaan ba aanay jirin.

Wasaaradu waxa kale oo ay u xilsaaran tahay in si indho isku qabad ah u difaacdo dhaliilaha muuqda ee loo soo jeedinayo xukuumada tusaale ahaan dib u dhiskii madaarka ka dib markii shirkada diyaaradaha itoobiya ka shakiday dhinaca amaanka waxay ahayd in xukuumadu adkayso ama wax ka qabato cabashada iyo meelaha la tilmaamay ee amaanka madaarku ka dabacsan yahay muran iyo buuq toona meesha kuma jirin hase yeeshee dawladu waxay kaga jawaabtay in sababata diyaarada loo hakiyay ay tahay mucaaridka oo fariin u diray shirkada diyaaradaha itobiya si aanay u soo noqon, runtii waa wax aan loo fadhiyin oo lagu yasayo garaadka iyo garashada shacbiga soomliland.

Tusaale kale markii shirkda Genel Energy dalka ka baxaday xukuumadu waxay sheegtay inaanay waxba kala socon sababaha ay dalka uga baxday jawaabtani waxay shaki gelinaysaa masuuliyadii iyo amaanadii loo dhiibay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Haddii masuuliyiinta warbaahinta Dawlada Somliland ka duulayaan falsafadii ahayd been ku celceli si loo rumaysto  waxaanay ku xisaabtamin in tignoolojiyada casriga ah ee Isgaadhisinta maanta iyo aqoonta jiilka cusub.

Si kastaba ah ahaatee warbaahinta dawalada somliland iyo kuwa kale ee la mid ka ah waxa ka barbar abuurma warbaahin aan rasmi ahayn oo suuqa iyo mafrashyada qaadka laga hago oo ka cod dheer Radio Hargeysa dadkuna aad u dhagaysto, shaki kuma jiro in ay u badan yihiin warar ku tidhi-ku-teena ah iyo dacaayado la buunbuuniyay laakiin waxa ku lamaaan oo ku dhex jira warar iyo xogo run ah oo warbaahinta dawladu ka qarisay.

Waxaan ku soo ururinayaa talo ku socota masuuliyiinta warbaahinta dawalada:

•    In la fahmo farsamooyinka casriga ah ee loo adeegsado warbaahinta maantu in ay  ka duwan tahay kuwii Qarnigii 20aad
•    In la ogaado inay maanta dunidu jees tahay oo ay adag tahay in la qariyo wararka iyo dhacdooyinka ka jira, dawladaha ugu awooda badan ayaa sirahoodii laga war-sheekooday
•    Beenta haddii aan laga waantooba hayn in lagu badhxo waxoogaa run ah si aanay kalsoonidu u wada lumin.
•     In la joojiyo ama la yareeyo abaabulka qaybo bulshada ka mid ah oo warbaahinta dawladu markhaati uga dhigato difaaca fadeexadaha maamulka iyo masuuliyiinta qaranka
•    In wasaradu samayso sahamin (Survey) lagu ogaanayo heerka kalsoonida bulshadu ku qabto warbaahinta dawlada
•    In Madaxweynaha loogu nasteexeeyo in loo baahan yahay in la helo warbaahin si hufan ugu adeegta dawlada iyo dadweynahaba, looma baahna television iyo radio laga baahiyo amaanta madaxweynaha iyo xukuumada oo ah dhagayso ama ha dhagaysan

C/raxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com