BAAQ IYO TALOSOO JEEDIN KU SOCOTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BERBERA

0
133

Anigoo ah dhalinyarada gobolka Saxiil kana koban aqonyahano   Ganacsato  iyo waxgarad jecelna horumarka degmada berbera iyo guudahanba goboka saaxiil.

Haddaba guud ahaan bulshada gobolka saaxil way  soo dhaweeyeen markii la  soo doortey golaha deeganka cusub  gaar ahaan loona dortey Maayarka Magaalada (Xildhiban:Cabdishakur Cidin).

Iyadoo bulshadu aminsaneyd inuu halki ka sii ambaqaadidoono waxqabadkii muuqdey ee looga bartey Golihii Deegaankii hore ee wakhtigadu dhamadey kuwaaso sameyey horumar la tabankaro sida:

  • Wadooyinka
  • Saribadaha
  • Garomada kubada cagta.
  • Bilicda magalada

Iyo adegyada kale ee aasaasiga ah ee ay bulshadu ubaahentahey  hadana taa macnaheedu maaha in golihii deeganka hore ay wada qabteen dhamaan adeegyadii bulshada iyo degmaduba uu bahnayen.

Sida awgeed golahan deeganka  cusub ee la soo doortay gudoomiyana uu yahey Mayor: Cabdishakur cidin Maha Mid ka midho dhaliyey  waxyaabihii ay ku balanqadeen markii ay ololaha ku jirey.

Siba duqa magaalada  berbera oo isagu balanqaadyo  badan  sameeyey wakhtiyadi ololaha doorashooyinka. Iyado sida tahey duqa degmada berbera  wax waxqabad ah oo muuqda muu sameeyn mudaadii uu xilka hayey waxaanad mooda inuu ka doorbidey dhamaan wixi loo soo doortey Olole siyaasadeed iyadoo aaney xili dorasho gadhin.

Hadaba Hadaanu nahey  aqoonyahanada, ganacsatada iyo waxgaradka  degmada berbera  iyo gud ahanba gobolka saxiil waxaanu uu soo jeedineynaa  Talooyin dhaxalgala ah golaha deganka degmada berbera.

 

  • In ay soo doortan maayir  aqoon , khibrad, iyo karti  u leh jagada maayarnimo Madaamey bulshadi degmada berbera ku hugowday mayar Cabdishakur Cidin isla markana candhuftoda dib u liqeen.

Runti waxanu aaminsanahey  in ay ragbadan oo xilkaasi iyo way-aragnimo uleh ay ku jiraan golahan deeganka ee la soo dortey.

 

  • Inan  golaha deeganka degmada  berbera anuu ku milmin asxabta siyasada ee ay ka soo  kala baxeen  madama iyaga siyasad loo Doreen ee loo dortey waxqabad buxa iney ka sameyeen degmadoda.

 

  • Iney damacooda siyasadeed  Iyo  tooda gaarka ahba ka hormariyeen Masiirka  bulshadii soo dooratey oo ka sugaya waxqabad buuxa iyo balanqaadki malmihi dorashada ay sameyeen.

 

 

  • In ay bulshadii soo dooratey ku warceliyaan waxyaabihii uqabsoomey iyo kuwii aan uu qabsoomin mudadii ay xilka hayeen oo ku dhaw sanad.
  • Inay la yimadan  iskudubni iyo wada shaqeyn joogta ah  isla markana  ilaliyen midnimada bulshada degmada berbera.

Magacayada  Dhalinayarda Baaqa Iyo Talada soo wada sarey

 

  1. Abdikarim Abdilahi Ismail (Rigaax)
  2. Abdiqani Ismail Aden(Bidhi)
  3. Aqoonyahan Abdikarim Yusuf Meheriye
  4. Aqoonyahan Khadar Mahamed Hersi
  5. Aqoonyahan Mohamed Abdikarim Sh.Mubarik
  6. Prof:Mohamed Abdi Ali
  7. Prof:Jama Abdilahi
  8. Dr.Abdirashid osman
  9. Eng:Abdicasis Ahmed Cise
  10. Eng:Hamse Ali Maax
  11. Aqoonyahan:Khadar Hassen Muse
  12. Aden Nour
  13. Hassen Abdirashid Arale
  14. Eng:Sahra Abdilahi farah
  15. Aqoonyahan : Ilhan Mohamed Matan

 

 

Waa Bilaha Tawfiq.