waxa wax laga xumaado ah in qalin jabintii jaamacada hargeisa ee doraad inta lagusoo casuumay gudoomiye Faysal Cali Waraabe hadana ay xukuumada siinaanyo u diiday kalmadii uu ka odhan lahaa xaflada qalin jabinta ?

0
72

Bismilaahi Rahmaani Rahiim

 

kurWaxa doraad aroornimadii ka dhacay magaalada hargeisa gaar ahaan xafladii qalin jabinta ee jaamacada hargeisa waxyaalo ay dadka badan koodu la yaabeen oo ilaa maantadaa aan joogno ay ka sheekaysanayeen dadku  waxyaabaha aan laga aamusi karayn ee ay ku kacday dawlada uu madaxweyne siiraanyo gadhwadeenka ka yahay, anuu waligay shakhsiyan maan noqon mucaarid xitaa ina cigaal iska daaye dawladii daahir riyaale ayaanan noqon lakin markaan arkay waxyaabahan dowladan Ahmed Siiraanyo ee kasoo weerar tagtay  bari ay ku kacayaan ee leh waxyaabo badan oo ku kicinaya dareen ahaan ay imika ka wado gudaha magaalada hargeisa oo ay ka kow tahay in shalay aroornimadii ay ku beegnayd maalintii qalin jabinta jaamacada hargeisa oo u ahayd dhalinyarada reer hargiesa gaar ahaan intii qalin jabinaysay maalin xusuus mudnayd waxa dhacday in markii hore lagusoo casuumay Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eng: Faysal Cali Waraabe inuu kalasoo qayb galo xaflada tan qalin jabinta ahayd oo si heersare ah loosoo agaasimay kadibna uu ka aqbalay inuu kasoo qayb galo xafladaasi una balan qaaday inuu iman doono intaa ka dibna dowlada madaxweyne siiraanyo ogaatay inuu imanayo taa badalkeeediina ay isticmaalaan siyaasad runtii markaad dhinac ka eegto khaldan oo ah inayba ka dhigaan Maqanaha Jooga Joogaha Maqan oo ay markiiba sameeyaan inay fadhiisiiyaan kuraasta xaga danbe una diidaan kuraasta hore ee madaxda lagusoo casuumo xafladu fadhiisato taa badalkeediina aanuu waxba u arag ee uu iska fadhiisto kuraastii danbe waxase uu dareemay hadiiba sidan lagusameeyay inaan kalmadiisana laga ogolayn inuu ka idhaahdo xafladan lagusoo casuumay, waxyar kadib wuxuu u yeedhay inantii xaflada xidhiidhinaysay bal warqadan ay hayso inuu ku jiro oo uu kalmadiisana ka jeedinayo taasoo inantii niyada u dajisay una sheegtay tustayna inuu ku jiro liiska kalmadiiisana odhan doono

 

Taa badalkeedii ayaa waxa dhacday in markii xafladii socotay waxoogaa ka dib marki la ogaaday  inuu fadhiyo

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eng: Faysal Cali Waraabe ka dibna la sameeyo in liiska laga saaro oo aanu kalmadna ka odhan madasha taasi xafladu ka socotay runtii waa arin ayka danbaysay dowlada Ahmed Siiraanyo uu gadhwadeenka ka yahay waana arin yara foolxun oo qofdhan oo siyaasi ah oo bulshada dhexdeeda magac kule sidan oo kale loo galo waana arin inagu cusub horena umay dhicin tanoo kale, hadaynu isyar dultaagno barigii Daahir riyaale haystay wadanka dee Ahmed Siiraanyo siiraanyo mucaarid wayn ayuu ahaa oo mucaarid nimadiisa wadooyinka la lugeeya  madasha tan oo kale waa lagu casuumi jiray dee kalmadiisana wu ka odhan jiray  waxay doonto ha ahaatee lakin arinkani maaha arin wanaagsan waa arin xun dowladana iskastoo xiligii gabagaba ay ku jirto hadana inamaysoo marin mid lamid ahi waxaanan leeyahay Mudane Ahmed Siiraanyo iyo xulafadiisa ilaahay waxa lagaga ducaysta ilaahow khaatumada khayr noogu khatina sidan maaha markaad kasii socoto inaad waxan oo kale samaysaan runtii maanta waxa lal yaaban  yahay waa idinka lakin cidkale lalama yaabana taa badalkeedana raali galin bixiya ayaa odhan lahaa anuu  wasalaama calaykum waraxma tulaaa

axmed Ali

(axmed410@hotmail.com)