Nabadgelyaddu maanta waxay noqotay asaaska nolosha iyo mahiimadda koowaad.

0
143

Waxaa Aduunyadda maanta ka beryey waayo cusub iyo waxyeelo weyn oo nolosha Aadamaha si weyn dhaawac iyo dhibaato aan lagga soo waaqsan ugu cidhiidhyeysa cidhif xun iyo caaddo aan ahayn mid dhaba oo layskagga raad gadanaayo, taasi oo rag danno gaara lahi Ummadda iyo bulshadda caalamka nin weliba midda uu rabo ama hashiisa dhiigga dhiiqaysa uu ku soo godlaayo.
Waxaynu aad ula soconaa waxyaabaha dunidda maanta ka dhacaaya oo badankooddu iska noqday awood caydhsi iyo jabhadayn weyn oo waddajirka midnimadda iyo dowladnimadda intaba u geysanaaya dhibaato weyn iyo curyaamin ay ku dheehantahay burburinta nidaamka dhaqan dhaqaale ee bulsho ku tahay mid habsami u socodka hawlaheedda iyo nolosheedda ay qalindaar iyo qas weyn ku hayaan qolyo danna gaara oo kala duwan leh wejigay doonto ha yeelatee.

Waxaynu ognahay in Hadaba nabadgelyaddu tahay furaha guud ahaan nolosha oo ummadda oo dhan xil weyn ka wadda saaranyahay, laakiin dabagalkeedda iyo agaasinkeedda ay leedahay Xukumaddu si ay u fuliso sharciyadda dalka iyo ciqaabka sharciyadeed ee aynu ka dhiganay dabarka iyo hogaanka in laysku abaal mariyo oo ciddii sharcigga jebisa ee xasiloonidda iyo nabadgelyadda ku ciyaarta ciqaab daran oo dil, xadhig iyo xukunno kaleba leh lagu abaal mariyo ciddii lagu helo, taasi oo cawaaqib xumadeedda laysla wadda ogyahay oo uu si waadixa u qeexaayo dastuurka dalka sharciyadiisa oo cidna aan u qarin sadaradda qof walba qeexaaya gafka uu ku kacay.

Hadaba, waxyaabaha maanta ka dhacay Wadanka Kenya waxay tusaale weyn iyo wax ku qaadasho u tahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhamaan Wadamadda mandaqadda oo saamayn iyo suurtagalnimo ku yeelan karta in hawlgaladda nooci oo kalii ka fulaan gudaha dalkoodda, isla markaasina ay ku dhitaan dad aan waxba galabsan oo caruur, haween iyo waayeelba isugu jira siddii hore uga dhacday gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo meelo dhowra lagu dhibaateeyey ama lagu qarxiyey.

Sugidda nabadgelyadda ayaa u baahan ashqaash dadaal iyo firfircooni dheeraadda leh oo bulshadda ku dhex jira, isla markaasina leh fahan iyo xirfad weyn oo warka lagu raadsaddo, warkaasi oo leh wejiyo kala duwan oo ah Mid Qaran, Mid Caalamiya, Mid Gobol, Mid Degmaba iyo Mid Tuulaba leh, oo mid weliba leeyahay faraciisa iyo fahankiisa aqooneed iyo abaabul oo biyo meel godan ayey isugu ururaane xogta isugu keenaaya hal meel oo nuxurka iyo natiijaddu noqon karo mid si weyn xog-ogaal loogu noqonaaya qaybaha xasilooni daradda ku haya Qaranka iyo shacabkiisa, oo Xukumaddu ka masuulka tahay inay nabadgelyo ku seexdaan, halka loogga baahanyahay Bulshadda balaadhan inay yeeshaan dhaqanka iyo dareenka Qarannimo ee lagula shaqaynaayo hogaanka dalka iyo Haayadaha u xil saraan dhinaca nabadgelyadda iyo sugideedda, sidda Wasaaradda Arimaha Gudaha, Haayadda Sirdoonka Qaranka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka sidda oo amaan weyn markasta mudan.

Haayadda Sirdoonka Qaranku iyadda ayaa u xilsaaran sugidda nabadgelyadda iyadoo la kaashanaysa xogta iyo xuuraanka dhaq-dhaaqyadda bartilmaameedka iyo hadafyadda ugu waaweyn ee mijo xaabin kara Qaranka ama si khaldan u daadin kara dhiigga shacabka, qaybaha kale ee Haayadaha nabadgelyadda iyo fulinta oo subax walba xog warankaasi miiska si hufan oo lagu kalsoonyahay oo la soo faaf reebay u saari kara ama lagu war gelinaayo Haayadda Fulinta Qaranka.

Xoojinta nabadgelyaddu waxay si daran-dooriya ugu sahan tegeysaa heer Caalami, Heer Qaran, Heer Degmo iyo Heer Gobol  oo subax walba iyo habeen walba awood dheeraadda iyo taxader dheeraadda lagu doonaayo warka iyo dhaq-dhaqaaqa walaacyadda iyo bartilmaameedka cadow ee lagga weeraayo dalka iyo dadka si Ummadda loo suggo nabadgelyadoodda iyo habsami u socodka hawlahooddu.
Wadaagga warka ee caalamiggii waa mahiimadda ugu weyn oo lagu ogaan karo dhaq-dhaqaaqa iyo khatarta lagga soo waaridaayo xuduudda iyo meelaha kala duwan eek a baxsan dalka, oo Haayadaha Sirdoonku ku ogaan karaan qaab iyo nidaam aqooneed oo xirfad iyo firfircooni weyni ku dheehantahay, taasi oo loo abaabulo qaab xilkasnimo iyo dadaal weyn ku dheehanyahay oo Heer Caalami ilaa Heer Degmo iyo Tuulo ku dhisan, si loogu kalsoonaaddo hawsha Haayadda iyo hawl-wadeenadda halbwolaha u ah ee maamulkeedda iyo maaraynteedda iska leh.

Maanta Haayadda Sirdoonka Kenya su,aalo badan oo inay ka jawaabaan ay tahay ayaa jira, waxayna shacabka reer Kenya ka sugayaan Haayadaasi inay si weyn uga war bixiyaan doorkoodda masuuliyadeed waxuu ahaa iyo sidda arintan abaabulkeeddu socdey mudadda badan ugu guul daraysteen inay ogaanteedda iyo inay ka jawaabaan su,aalo badan oo jawaabtoodda shacabka reer Kenya ilaa maanta ayna haynin.
Aqoonta iyo agabka Haayadda Sirdoonka Qaranka Somaliland waa in uu noqon karaa mid laysku halayn karo oo tababaro iyo adeegga ugu fiican had iyo jeer leh, si aan u joojino khatar kasta oo shacabka iyo Xukumadiisa samayn weyn ku yeelan karta.  Shacabka reer Somalilandna waxaa loogga baahanyahay inay dalkoodda iyo Qaranka si wadda jira loogu wadda adeeggo xasiloonidda iyo sugudeedda, waayo Xukumadda iyo Haayadaheedda Amniggu waxba ma qaban karaan dadaalka iyo wadda shaqaynta shacabkoodda la,aantii oo had iyo jeer loogga baahanyahay in si joogtaa u soo rabuudhaan waxii lidi ku ah xasiloonidda iyo Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo nin faraxsan iyo nin cadhaysan Siyaasiyan maanta dumaasheedda leeyahay berito, isla markaasina waajib tahay wadda ilaashigeedda iyo in lagga samata-bixiyo khatarta kagga imanaysa Dalka dibadiisa iyo gudahiisa.

Ummad Nabadgelyadeedda sugan kari weydey waxaa la soo dersi doonna maalmo adag iyo muruggo in badan maskaxdoodda iyo maankoodda dhex maquurata, markaa waxaynu u baahanahay in cidda shaqadda lahi si cilmi ku dhisan u qabsadaan, shacabkuna dadaal iyo kabitaan muwaadinnimo hadh iyo habeen ku kabana, si aan u qabyo tiro dayac iyo fursad suuragelin kara dhibaato Qaranku u baahnayn oo aan leenahay awooddii aan ku joojin lahayn.

Cabdilaahi Cali Xassan
Liverpool
UK