Wasiirka Duulista iyo Dalka Kuwait oo caawa wada saxeexay Deeq shan Milyan ah

0
114

Kuwait(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa caawa Saxeexay mashruuc kale oo ay Dawladda Kuwait ku kordhinayso Madaarka Hargeysa kaasoo lacagta ku baxaysa ay dhan tahay Shan Milyan oo Doolar.

breaLacagta Shanta Milyan ah ee uu Wasiirka Duulista Somaliland caawa qalinka ku duugay ayaa lagu fulinayaa Hal Kiiloomitir oo lagu kordhinayo Dhabada Diayaaraduhu ka haadaan ee Madaarka Hargeysa oo qiyaasteedu tahay ku dhawaad Sadex Kiiloomitir.

Sidoo kale, qayb ka mid ah lacagtaas ayaa lagu balaadhin doonaa Madaarka gaar ahaan parking-ka diyaaraduhu istaagaan iyo meelaha kale ee Muhiimka u ah Madaarka.

Warkan oo gorr dhaweyd na soo gaadhay waxa noo xaqiijiyay Madaxa Hab-maamuuska wasaaradda Duulista Hawada C/laahi Caarshe kaasoo sheegay dawladda Kuwait in ay Caawimadaas bixisay kadib markii ay ku qanacday qaabkii Somaliland iyo Dawladda Kuwait u wada maamuleen Lacagtii hore oo dhamayd Toban Milyan oo Dollar.