HA DAYICIN!

0
132

Amintu waa duhur qorraxdu waa kulayl waxa dhulka ka baxaaya uumi dhagaxa saaran oogada saree dhulka waxa la moodaa naxaas la shiilay, cimilo gooreedkuna waa xagaa horaantii waa carro iyo cimiladeed goobtuna waa jidka wadnaha ah  ee laga galo magaalo xeebeedka brebera, maraan u baxay saafar shaqo oo aan ku maraayay jidka aan soo sheegay , annagoo marayna tuulo aan ka fogayn magaalada  berbera waxaan arkay dhacdo aan aad uga murugooday dareen naxdinlehna igu abuurtay  marka laga hadlayo dareenka bani’aadanimada, jidkaanu maranay baashiisa waxay dhaayuhu qabten oon milicsaday gabadh fadhida laamida barbarkeeda,

 

Yaab gaadhigii oo ku socday xawaare aada ayuu darwalkii biriiga ku yuurursaday allena la qabayoo nabad qabaanu ku istaagnay,intaanu gaadhigii ka daadegnay ayaanu hore ugu marnay gabadhii lamida fadhida si aanu   u ogaano  sababta iyo mushkiladda ay u fadhido wadada badhtankeeda gabadhu iyo aydan cidlada ahwaxa dhigay ,,  maskaxda waxa ku soo dhacaday markiiba malaha waa gabadh u baahan in la caawiyo oo la gaadhsiiyo magaalada, hadana waxaan is waydiiyay maxaa fadhiisiyay bacadaka iyo cadceeda amintan, waxay saacadu  ahayd  waqtiga xoolaha iyo dadku  hadhgalo waa xili yoomayome  ah waa marakay cadceedu taagantahay badhtamaha samada waa xiliga uumiyuhu hadhgalaan,
Aniga iyo rakaabkii gaadhigu waxanu dul istagnay gabadhii si aanu u warsanno wadadana uga kicino, bariidiyo salaan  waanu  lahadalnay  nasiib daro se way noo jawaabi wayday ruuxii dumarka ahayd, waxaanu markiiba garanay in gabadhu dhimir la’dahay  oo ay  ka soo lugaysayn deegaan aan dhawayn daal iyo gaajana kobta ay dhigeen oo ay la talaxgabtay, dhaayuhu ma hayn karaan darxumada iyo diifta  ka muuqata  korkeeda  ma xidhna hu iyo hagoog asturta  cawrada jidhkeeda   waxa kaliya oo ku  masasaqan oogada jidhkeeda diric huna oo waqti hore loo xidhay  cadceeda kor keeda ku dhacaysa  iyo uskaguna ku dul jeex jeexay,
Kabo kama xidhna   bacadka iyo  raranka dhulka ee daran shantaba  waxay dhigysa dhulka dhaguxu wadhanyahay iyo qodaxda kaynta kasoo daadatay waa qof waalan iyo qushigii!
afka mar qudha isku qabanmayso oo way qaylinaysay waxaan ka xasuustaa ereydii ay ku tiraabaysay “hoogayeey”  dhamaantayo dhagahayagaa  xamili waayay dhawaaqa barorotaa ee ka yeedhaya afkeeda,   waxa taa kasii daran diifta  ka muuqata dusheeda gaajada iyo macaluusha daranyad iyo diifta darxumada iyo diihaalka,
Waxaad mooda luunkeeda inaanay marin biyo iyo baad bil ku  dhawaad waxa isku dhegay  labada is neceb waa bogga iyo beerkee,  oogada sare jidhkeeda waxa  ka muuqda lafa teedsan maqaarka jidhkeeda, feedhaheeda qayaxan waxaad mooda qof xanuun la’da iyo tawsi ku raagtoo aan sariirta ka kicin gu’yaal badan, kamaba duwanee iyaba waa bukaan socod aan daryeel iyo danayn haysan oo ku dayooday cidlada waqtiga iyo waayaha ku habsdayna ay ka dhigeen duur joog, waxaan ka  qiirooday oo qalbigu haynwaayay uskaga iyo dulinka korkeeda saran   timo dhaadheer oo ay lahayd dareyeel la’aan awgood way isku marmeen sidii  xadhiga, Waxaa dul siqaysa injir iyo dulin kale oo ku dul noole ah, nasiib darro se  iyadu ma dareemayso daaduunka waayah iyo noloshay ku jirto, qof waloo  dhaayihiisu  qabtaan  jidhidhica jidhkiisa lagu jabinayaa qalbiga iyo niyaduna qiiray la qaraqmayaan, cabaar ka dib waxan is idhi oontir oo sii biyo caagad aan ku sitay si oonka aan uga jaro oon dhuunta ugu qooyo, nasiib darro way daadisay waayo ma dareemayso harraadka haya mana laha caqli iyo dareen ay cid wax ku waydiisato markay baahidu qabato hadii la siiyana dan kamalaha,
Waxa intaa u dheer marka gabbalku dhaco ee dhaxantu soo dhacdo  ma dareemayso
hagoog ay ka huwato ma sidato hoyna haba sheegin oo waa duur galeen, hadba halka gabalku ugu dhaco awoodeeduna dhigto ayay ku gataati dhacdaa,  wehelka kaliya ee ay leedahay waa habar dugaag oo aanay nolol ahaan waxba ku kala soocnayn, mid ka mida rakaabki aanu wada soconaya ayaa waxa uu ii sheegay inuu garanaayo gabdha, , “oo waa tuma”

“waa cibaado  xaaski mujaahid dhaadane”! mudo yar ka hor way miyir qabtay waxaanay u xoogsi tagi jirtay qoyskeeda iyadoo suuqa magaalada hargaysa ku iibin jirtay qudrad ay kasoo saari jirtay  nolol maalmeedka qoyskeeda ,  waa hooyada  caruurti uu ka dhintay mujaahid dhaadane alle haw naxariiste oo u god galay xorayntii dalkeena hooyo, naftana wuxu  u huray sidii aynu xoriyada nabad iyo horumar ugu raaaxaysan lahayn,  midhihii ay beeren mujaahidiintu waata manta lagu naaloonaayo nabadgalyada horumarka iyo xoriyadana aynu ku daansha-daanshonayno dhulkeena hooyo”, hooyo cibaado waa hooyo muwaadinada oo ka mid ah dumarka ay ifka kaga tageen mujaahidiinti damqashada  iyo raganimada dalka ugu huray dhiigoogi qaaliga ahaa xoraynta dalkooda waxaa ku dayaacan dhexdena dadbadan oo qimo leh,

waxooga ka dib waxaanu is nidhi qaada oo gaadhsiya magaalada berbera oo aan naga fogayn marka qiyaas ahaan la eegana noo jirtay 30km, si aanay gaajo iyo haraad  ugu dhiman miyigan cidlada ah ee ay ku rafaad santahay hooyo cibaado, balse waynoo suurto gali wayday oo way nadiiday waayo ma darensan dhibaatada ay ku suganatahay, sasabaad iyo sikasta ku daynay se may suro galin garaadki waxgaran lahaa ee na maqlilahaaba ma leh oo waa dhimirka,

Waxaanu  cagta saarnay dhabadii aanu u jihaysnayn waxaanu iskasii wadanay safarkayagii  maadama ay suura gali wayday inaanu gaadhsiino magaaalada hooyo cibaado, qofkasta  oo ka mid ahaa rakaabkii ila saarna gaadhiga waxa ka muuqday dareen murugole, waxaanay  ka qiiraysnaayeen dhibaatada ay ku jirto hooyo cibaado,  caafimaadka iyo xanuunka illahay ayaa keena oo qaada     inaga waxa laynooga baahnaya inaynu u gurmano una damqano dadka dhimirka qaba, dadka dhimirka qaba waxa  la soo darista dhibaatooyin farabadan marka ay magaalada ka baxaan, waqtiyada xili roobadka waxa qaada daadadka maraya dooxyada,
maalin kasta waxa aynu aragnaa dad dhimirka ah    oo dhex fadhiya wadooyanka  magaaloyinka dhexdooda, iyo qaar lugaynaaya ama fadhiya  jidaadka ka baxsan magaalooyinka kuwaas ooy   cadceeda ugu soo baxdo uguna dhacaydo socod aan jiho lahayn,

marka ay baahidu qabato ma-laha dareen ay cid wax ku waydiistaana dadka dhimirka qaba, in badan oo ka mida bulshaduna ma dareensana dhibaatada nolooleed ay ku sugan yihiin dadkaasi, markay soo galaan meheradaha ganacsiga ee ay  naftu soo galiso waynu eryaan dadka qaarkii oo ma dareemaan baahida haysa qofka dhimirka qaba,
qaarna gacan bay saaraan waxaynay yidhaahdaan  waa nin waalane inaga erii mana dhaadsana  dhibka haysta dadka dhimirka qaba, waxan ilawsanahay qofka dhimirka qaba  inuu yahay walaalkaa oo illaahay xuskii ka qaaday adna lagugu eegayo,

Guud ahaanteen waa in aynu maanka ku haynaa, oo aan xasuusnaana  dadka dhimirka qaba inay  yihiin qayb ka mida bulshada qaarna ay ahaayeen dadkii ugu qaalisana mujtamaceena,                                                                                                                                                                           Miyay mudanyihiin dadkaasi in aynu dayacno?, miyaanay  mudanayiin in aynu daryeelo”  miyaay mudanyihiin  inaynu dagaalno oo aan gacan iyo af xumo kula kacno?
miyaanay mudnayn in aynu u oyno oo aynu u muujino kalgacayl iyo  lexejeclo bini’aadanimo oo aynu tusno in ay  bulshadeena  qayb ka mida yihiin dayaca iyo darxumadana laga jiro”.

 

Maxamed sadiiq dhamme

mohamedsidik@hotmail.com

Maxamedsadiiq.wordpress.com