Faysal Cali Waraabe oo Diiday inuu Salaamo Madaxweyne Siilaanyo, Axmed Yuusuf oo isku Sanduleeyay iyo Muuse Biixi oo Faysal la Riyaaqsan

0
63

Faysal iyo Wadani oo ka Huleelay madasha isagoo Madaxweyne Siilaanyo bixinaya Shahaadooyinkii

dfasdfasdfasdfasfwerartHargeysa(Waaheen) Xafladii shalay loo sameeyay in ka badan toddoba Boqol oo Arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda Hargeysa oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Shahaadooyin Guddoonsiiyay ayaa waxa hadheeyay Xurguf siyaasadeed oo dhex martay Madaxda Xukuumadda iyo kuwa Axsaabta Mucaaradka ah oo beryahanba Xukuumaddu ka hor taagnayd ka hadalka Xafladaha loo qabto Ardayda ka Qalin jabinaysa Jaamacadaha dalka.

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo goor hore ku soo jarmaaday Madasha Xafladdu ka dhacayso ayaa si ba’an uga cadhooday Goobtii uu ka fadhiistay oo la isku dayay in looga kiciyo Madaxda Xukuumadda, iyadoo ay arrintaasi taagan tahay ayuu Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhay Xafladda waxaanu isku dayay inuu salaamo Faysal Hase yeeshee Faysal oo cadhaysan ayaa gacantiisa u fidin waayay madaxweynaha, taasina waxa ay sababtay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Xisbigii UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin in uu labada Oday isku soo jiido, isagoo Faysal ku sanduleeyay inuu gacanta u fidiyo Madaxweynaha.

Intaas kadib, waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin kala dhex fadhiistay Madaxweyne Siilaanyo iyo Faysal si aanay xaaaladu faraha uga bixin, hase yeeshee mudadii ay is ag fadhiyeen Madaxweynaha iyo Faysal midkoodna midka kale lamuu hadal, waxaan xaaladda labada Oday sii kululeeyay kadib markii xafladdii ku dhamaatay in Guddoomiye Faysal Xukuumaddu ka qadisay hadalkii uu usoo diyaar garoobay, taasoo sababtay Faysal inuu ka soo huleelo xafladii oo socota markuu jawiga arkay.

Dhacdada kale ee xiisaha lahayd waxa ay ahayd intii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Faysal Fiintu kala dhex miranaysay waxa isla dhacsanaa Faysal iyo Muuse Biixi oo kaftan wadaag lahaa mudadii meesha la fadhiyay, taasoo muujinaysay Dhoola cadayn ay isla baxayeen mararka qaarkood oo aad moodaysay inaanay xafladan lagu kala waji dad bayo fadhiyinba.

Muuqaalka caynkaas ah ayaa banaanka soo dhigay in ay jiraan dareeno muujinaya diidmada Madaxweynaha oo ah Hogaamiyaha Xukuumadda Kulmiye iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe in ay aad u kala fogaadeen muddooyinkan danbe oo ay labada dhinac warbaahinta isku mariyeen Eedaymo cul culus oo aanay waxba iskula hadhin.

Waxaanay kala fogaanshaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Faysal cali Waraabe soo bandhigtay in ay tahay arrin ku kooban Madaxda Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka ah oo kali ah balse  aanu Xisbiga Kulmiye la qabin xurguftooda, taasna waxa daboolka ka qaaday sida ay gaarka ah ee ay Guddoomiyaha Kulmiye iyo Guddoomiyaha UCID isugu dhoola cadaynayeen.

Sidoo kale, Xidhiidh hoose oo ka dhaxeeya Labada Guddoomiye ee Kulmiye iyo UCID Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe waxa Madal tan oo kale ah oo Ardayda Jaamacadda Geeska loogu qabtay Munaasibad tan oo kale ah oo ay ku kaftameen Muuse, Faysal iyo Samaale isku weydaarsadeen weedho banaanka soo dhigay in aanay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku wada socon fogaynta Mucaaradka.

Dhacdadaas waxa hadalka ku horeeyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si ba’an u weeraray, waxaanu markii uu qudbada sii dhamaysanayay kaga baxay “meel baan ku dag dagayaaye waxaan Jeclaa inaan Jawaabta Wasiir Samaale u joogo”, hase yeeshee soo jeedintiisa u danbaysay waa laga diiday oo waxa lagu khasbay maadaama uu isagu albaabo garaacay in uu fadhiyo si loogu hal celiyo.

Wasiir Samaale oo ka daba qaatay Faysal Cali Waraabe Hadalka ayaa si is-moog ama la odhan karo ku talagal bay ahayd ugu jawaabay “ maxaad aniga jawaabta iila soo doonanaysaa isagoo Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye fadhiyo madasha mise wax baad isku ogaydeenoo horaad ugu soo tashateen arrinta” labadaas weedhood bay isku dhaafsadeen munaasibadaasi Faysal iyo Samaale, kuwaas oo muujinaya in Muuse iyo Faysal isaga dhaw yihiin Xukuumadda.

Si kasta ha ahaatee, dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeyay Madaxda Xukuumadda iyo kuwa Axsaabta mucaaradka ahi waa kuwo ka dhashay Loolan adag oo ay labada dhinac ugu jiraan sidii ay u kala jiidan lahaayeen Bulshada, hase yeeshee waxa ay u muuqataa dhacdooyinkan ugu danbeeyay ee ay Xukuumaddu ku kaliyaysatay xafladaha Qalin jabintu inay kaga tabaabulshaysatay sidii ay isaga gufayn lahayd weerar kaga yimaada dhinaca Mucaaradka.