Yaa Tumaya Labada Caroog Cukuse iyo Cadaani

0
55
Dalkani ayaan darana oo hadana ayaan badanaa! Miyaanu kaba baxayn guul-wadayn iyo afar jeeblayaal ku mama danyarta nolosha la legdaamaya.
Hore ayuu shacabkani u soo arkay wasiiro guul-wadeeya oo aqoontoodu siisay inay cabudhin iyo cagajuglayn kula kacaan.Maantana dawladan dhukkan waxay dib u soo celisay tabahii mucangagii Afweyne kula dhaqmi jiray shacabkan Jamhuuriyada Somaliland.Waxaanay ka mid tahay ayaan darrada dalkan ku habsatay.Waxa kale oo ayaan darro ah qofku inuu raadkuu eeday dib u raaco sida wasiirka warfaafinta Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).Marnaba shacabakani kamuu filayn Cukuse inuu maanta kula dhaqmo qaabkii guul-wadaynta.Waayo? Cukuse waxa uu ka mid yahay dhalinyaradii ku barbaartay dhibtii Afweyne dalka u gaystay,waxaanu ahaa mujaahidiintii u dhabar adaygtay oo u badheedhay inay iska dhiciyaan xaqdarrada ay dawladii faqash ku haysay.Mudane Cukuse waxyaabahii uu naftiidsa ku waayi gaadhay waxa aan ka xasuustaa maalin uu waraaqo gacanta ku siday xaga dhabarka intuu u wareejiyay ku dhejiyay gidaarada magaaladan hargeysa ayadoo askarta afarta dhinacba ka taagantahay baanka.Markaa waxa ayaan darro ah maantana inuu ilaabo xuquuqdii uu maalintaa naftiisa u huraayay oo uu difaaco xaqdarrada dawlada uu ka tirsanyahay kula kacayso shacabka.
Waxaan leeyahay Wasiir Cukuse adeer caga dhigo,kana caqli waynoow inaad guul-wadayso oo danyarta geedka hoostiisa caagada caanaha ku iibisa,muuska iibisa,kaaryoonaha dharka duugaa ku iibisa ee cashuuraha aanay qaadi karayn dhabarka laga saarayo aad cagta ku cadaadiso oo aad xaqooda ku cabudhiso,una caga-juglayso cidii u hadasha ee xuuqdooda u raadisa.Waajibkaagu waxa uu ahaa inaad dhawrto xuquuqdooda kuna dadaashid sidii cashuuraha dhabarka ka jabiyay looga kala dhimi lahaa.
Waxa aan wasiir Cukuse xasuusinayaa inuu dib u xasuusto qodobadan dastuuriga ah ee muwaadinka xaqooda dhawraya:
XUBINTA 3AAD
XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA12
AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA
QODOBKA 21AAD
HIRGELINTA IYO FASIRAADDA
1. Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.
2. Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doorto,waxna uu doorto.
QODOBKA 23AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
IYO IS-ABAABULKA
1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku joogawaxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono.
2. Arrimaha ku xusan faqradda laad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA
GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.13
2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA 2 6AAD
CIQAAB IYO DEMBI
1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
2. Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.
QODOBKA 27AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-kasoo qaad ma laha.
4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.
7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.
9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.
QODOBKA 29AAD
XURMAYNTA HOYGA
Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.
QODOBKA 30AAD
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA14
Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.
 QODOBKA 32AAD
XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE
1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
 Hadaba intaas oo qodob ayaa daljiraha ama muwaadinka siinaysa waxa uu xaq ugu leeyahay dawlad kasta oo dalkan hogaamisa ama hogaamin doonta,shacabka ayaana u codeeyay dastoorka.Waxa kale oo jira inaanay waxba ka jirin xeerarka ka hor imanaya qodobada dastoorka loo codeeyay.Sida xeerka 51/2012, iyo 54/2013 ee ay dawladan dhukkan meel marsatay una samaysatay kadeedka ay shacabkan danyartaa ugu gaysan lahayd.
Wasiir Cadaani isaga waxa aan leeyahay adeer ha moodin shacabkan Jamhuuriyada Somaliland qaxoontiigii aad ka tirsanayd,una furatay dukaanka yar ee ku yaalay magaaladii maraynka ka tirsanayd ee aad ku joogtay sidaynu isla garanayno.Waad qaboobi qunyar soo soco.
Waxa aan ku soo afjarayaa yaa tumaya labada caroog,Cukuse iyo Cadaani.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL