Waxaadan Hureyn Horaa loo yeelaa Xeer Xirsi inta Baarlamaan ku sheega marin in dowlada dhacdo ayey aheyd !‏

0
112

Ahmed Safari3 (3)Waxaan Salamayaa mareegaha xorta ah gudbiya aragtida umadaha Somalida waxay ku maah maahdaa waxaadan hureyn horaa loo yeelaa. Nin dhiman waayey ayaa laga hayaa janooy. Shacabkan mar ayaa la ogolaaday maalintii doorashada dowlada hoose iyo maalintii golaha wakiilada kordhisteen xilkooda dhamaaday maalintaas ayey xaaraanta diyaar u noqdeen.

 
 
Aniga waxaan qabaa nin isaga is xalaaleeyey wax ma xalaaleyn karaa baarlamaanka isagaa xaaraan ku dhisan marka sharci ma meel marin karaa waaye su’aasha is weydiinta leh.
 
Hadaba dalka hadaad moodaan in uu Xirsi heysto xirsi inama heysatee dahabshiil ayaa ina heysata waayo bank sharci shaqeeeyo marabto xamar iyo  jabuutina bank ayey ka rabtaa dalkan sidan in uu dulli u ahaado ayey ku faraxsan.
 
marka dad waa weyn inta ay umada u adeegi lahaayeen soo taagan meeqo ayaad nasiineysaaa aan kuu baas gareynee waxaa yaab igu noqotay baarlamaankii cidlada ahaa oo soo buuxsamay.
 
Xirsi dhaqaalaha dalka in uu ku tagrifalo marka uu laaluusha bixinaayo lacag diyaar ayaa dahabshiil laga soo qaadayaa habeen madow ayaa la qeybiyey hargeysa. 
 
lacagtaa habeenkii hore aan ka hor ansixinta shalay waxay ku jirtaa takaalifta la ansixiyey dib ayaa loogu celinayaa dahabshiil. Marka arinkaas waa qab ganacsi dadka doonaayo  in ay sidaaas dal lagu wado doonayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Siilaanyo iyo afarta adeerka u yahay istaahil waxay ku yihiin in dalkan mudaaharaad isaga dhiciyaan sida UKRAIN BANAANKA BIL IN LA FADHIYO DOWLADAAN MEESHA KA BAXDO AYAA XAL AH.
 
Horay ayan ugu baaqnay hadaan maanta mudaaharaadka mucaaradka la garab istaagin in meel dheer laga raadin doono Somaliland ay ku dhici doonto meel mugdi ah.
 
 

Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari)
CHAIRPERSON OF UCID PARTY KENYA
somalilandfirst@live.com
+254722819048