“Saddexdii Dhadhaar … Miyey kala dhaqaaqeen?”‏

0
115

Waa Qormadii II ee Taxane  ku soo baxa Bogga Facebook-Ga MADASHA WADATASHIGA iyo TOOSINTA. Waa Taxane jiifto ah oo uu curiyey Abwaan Cusmaan Yuusuf oo ku caan baxday “Saddexdii Dhadhaar … Miyey kala dhaqaaqeen?”,

Xareedow ninkaan dhiman
Laga dheelmin dunidani
Waagii la dheehdaba
Dhaayaw kordhaayee
DHAHAR socodki uu dhigay
Gobollada dhankaa bari
Orod-dhababacayntii
Iyo dhagax-dhiggiisii
Qudbaddiisi dheerayd
Hoos-u-dhaadhaciisii
Shacab kii dhegaystaa
Dhakafaar ka qaadyoo
Musuqmaasuqii dhacay
Ay dhigeen wasiiradu
Uma buu dheg taagine
Dhaqan kuu lahaan jiray
Dhan kaluu u leexshoo
War aan cidiba dhaadayn
Ayuu xeel u soo dhigay
Dhibta meesha taalana
dhinac buu ka marayoo
Dhahar Dhowdu uma Dhicin!

Cali Shire dhibtuu wado
Col waxa dhul soo tuban
Lagu dhibayo qarankeen
Faroolana ku dhaar maray
Ina land dhan kaa bari
Inay weerar dhigayaan
Oy dhagar ka gaystaan
Uma buu dhaqaaqine
Dhabbadii Siyaad buu
Dhinaceeda raacoo
Wasiiradii dhaqaaqee
Dhaqan-xumada geystee
Shacabkeenna dhacayee
Dheeftii timaadaba
Dhanka kale u leexshoo
Xeer-ku-dhaqankii diidoo
DHAHAR iyo dhegtiisii
Hadal dhiif leh geliyoo
Dhirif cadho ka qaadyoo
Dhallaan iyo sidiisii
Dhowdhow catow odhay
“MADASHIYO raga bay dhibay
Maanta dhuunta ii gelay
Iga dhiciya nimankaa
Ii dhiteeyay ceebaha!
Dhawaaqay yidhaahdeen
Anuu dhiilo igu yahay
Dhaawacayga weeyaan
Waxaan dhaar ku marayaa
Inaan Jeelka wada dhigo!
Idinkuna i dhawroo
Dhinacay istaagoo
Yuur iyo Yac ila dhaha!”