ISKU LURA DALDALASHADA! Cali Guray

0
132

Ha u qaato Xirsi gaab inuu guulaystay oo ha cadeeyo dhoolaha laakiin walaahi haday jirto cid uu wax yeelay cidda keliya ee bakhtigiisa uu ka kacay waa Madaxwayne Siilaanyo oo inta uu yeelay aanay jirin P1030403cid kale oo yeeshay. Walaahi inta Xirsi gaab uu yeelay Madaxwayne Siilaanyo in aanay mucaaridkiisa oo dhami hadii la isku wada daro yeelin. Xirsi gaab wuxu arkay wasiirka duulista oo toban milyan oo dollar oo Kuwait ay bixisay kala rogaya oo jeebadihiisa kala xadaya iyo kii macdanta oo GENEL kala mina waraya dabeed xanaaq buu hinaase iyo xanaaq buu laamaha ku dhacay. Isagoo aan dheg la qabto lahayn ayuu odaygii oo meel halkan ah u yaala daf u yidhi kuyee “cami..cami..cami Maxmuud Xaashi toban kii milyan ee Kuwait ayuu haystaa, kii kale na isaga nibiri GENEL la yidhaa baa u soo caaryay dee anigana EU-da ayaa lacag badan u haysa wadada Berbera Tog wajaale eh adeer baabi’i hay’adda wadooyinka oo aniga i hoos keen lacagta wadooyinka” iyo “haye soo qoro warqadda”, hada waaba sidaa. EU-du waa dad soo gubtoo jabay wid bay yidhaahdeen. Isagoo daamankii ilkuhu is garaacayaan ayuu hadana fakaray oo fakaray walaahi waa difcadii xajka oo maad halka ba saaratid oo weliba wado maristana ku darsatid.

Horta xeer hunguri gan Xirsi sidaasuu ku dhashay. Safarkii odayga ay wareejina yeen marna ay walqina yeen iyo dhagaxyo dhigistiisii waxay qayb ka ahaayeen indho sarcaadka dadka lagu khaway siinayo. Waxa marag ka ah xeer ku sheegu wasaaradda maaliyadda may soo gudbin, guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha na waa laga kootara baaniyay. Kuwii ka dooday ee diidanaa maxay hadana ugu codeeyeen? Jawaabtu waxa weeye nin rag ihi na wuu garanayaa nacas na loo sheegi maayo. Cusaama iyo Xirsi waa niman ka tirsanaan jiray Al Itixaad, al islaax iyo Ictisaam noqday oo wadaado ah laakiin wadaadku wadaad kaad mooday maaha ee waa kuwo cusub oo hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu gaadhaa ayay aduunyo ku kooban tahay oo lacag iyo xukun mooyee aan wax kale solin.” ALLAHUMA LAA TAJCLI DUNYAA AKBARA HAMINAA WALAA MABLAQA CILMINAA”.

Wasiirada idman ee fashiliyay mashaariicdii dalka ugu muhiim sanayd odaygu wid inagama odhan karo.Intuu u joogo xumaantooda na difaac u yahay waxba kama qabo hadii la isku raaco in aan wid la odhan waxa inoo furan:
IDINKAA DEGDEGAYOO
DIIHAAL LA SAHAYOO
NAFTA DOOJINAAYEE
DUX HALKAA KU ARAG TAAN
DARDAR SADA WADAAMAHA
ISKU LURA DAL DALASHADA